Tuesday, November 25, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Difaaca oo Maanta booqday Ciidanka dowladda ee ku sugan Guriceel “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Difaaca oo Maanta booqday Ciidanka dowladda ee ku sugan Guriceel “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guriceel, March 4, 2015….. Wasiirka Difaaca Soomaaliya Gen. C/qaadir Sheekh Cali Diini oo maalmahaan socdaal howlleed ku joogay deegaanka Guriceel ee gobolka Galgaduud, ayaa saaka booqasho ku tagey Dugsiga tababarrada Harqaboobe ee qeybta 21-aad ee Ciidanka Xogga dalka Soomaaliyeed, isagoo kulamo la qaatay saraakiisha Xoogga dalka, isla markaana dar-daaran u jeediyay ciidamaddii halkaasi ku sugnaa.

Wasiirka ayaa ugu horeyn kulan la qaatay Saraakiisha Ciidamada ee qeybta 21-aad, isagoo kala hadlay sidii loo dhamayn lahaa dagaalladii dhawaan ka dhacay deegaanka, isla markaana shacabkii magaalada ka qaxay dib loogu soo celin lahaa, waxana ay balan qaadeen in ay ka go’an tahay dhinacooda in xal loo helo dhibaatada.

Related posts

Madaxweynaha JFS oo furay Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed

Madaxweynaha JFS oo furay Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed

November 24, 2025
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah furay Shirweynaha 2-aad ee Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah furay Shirweynaha 2-aad ee Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka

November 24, 2025

Taliyaha Qeybta 21-aad ee Ciidamadda Xogga dalka Soomaaliyeed General, Maxamed Rooble Jimcaale (Goobaale) oo goobta ka hadlay ayaa xusay mar walba in ay u taagan yihiin soo celinta sharafta iyo haybadda qaranka Soomaaliyeed, isla markaana ay diyaar u yihiin dhinacooda wax walba oo xal loogu heli karo dhibaatooyinka deegaanka ka taagan.

Wasiirka Difaaca Soomaaliya Gen. C/qaadir Sheekh Cali Diini, ayaa yiri “Waa inaad illaalisaan Nafta Sharafka, iyo Hantida ummadda, kana difaacdaan dalka caddowga, uuna ugu horeeyo caddowga al shabaab, oo aad muujisaan isku duubni iyo wadaninimo”.

“Ciidanka Soomaaliyeed gobol kasta oo uu joogo waa isku hal hadaf, waana inay dalka ka xoreeyaan caddowga, ayna difaacaan Qaranimada iyo xaduududaha dalka Soomaaliya, waxaana la idinka doonayaa in aydaan ka leexan hadafkaas” ayuu yiri ugu dambeyntiina Wasiirka Difaaca.

—–DHAMMAAD—-
IMG_7536

IMG_7551

IMG_7554

IMG_7559

IMG_7567

IMG_7570

IMG_7582

IMG_7595

IMG_7605

IMG_7634

IMG_7647

Previous Post

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Next Post

Madaxweynayaasha Maamulada Puntland Iyo Jubba Oo Kismaayo Kaga Wada hadlay Xiriirka Labada Maamul

Next Post
Madaxweynayaasha Maamulada Puntland Iyo Jubba Oo Kismaayo Kaga Wada hadlay Xiriirka Labada Maamul

Madaxweynayaasha Maamulada Puntland Iyo Jubba Oo Kismaayo Kaga Wada hadlay Xiriirka Labada Maamul

Madaxweynaha JFS oo furay Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed

Madaxweynaha JFS oo furay Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed

November 24, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo daahfuray Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed ayaa tilmaamay in dowladdu ay...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah furay Shirweynaha 2-aad ee Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah furay Shirweynaha 2-aad ee Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka

November 24, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa magaalada Muqdisho ka daah-furay Shirweynaha 2-aad ee Hay’adda Aqoonsiga iyo...

Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed oo goorhaw ka furmaya Muqdisho

Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed oo goorhaw ka furmaya Muqdisho

November 24, 2025
0

Waxaa goordhow magaalada Muqdisho ka furmaya Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed, oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka...

Wasaaradda Tamarta oo goobo Caafimaad iyo waxbarasho u samaysay koronto galin lacag la’aan ah

Wasaaradda Tamarta oo goobo Caafimaad iyo waxbarasho u samaysay koronto galin lacag la’aan ah

November 24, 2025
0

Wasaaradda Tamarta DFS, oo kaashanaysa saaxiibbada caalamiga ah, ayaa 335 xarumood oo isugu jira goobo caafimaad iyo waxbarasho u samaysay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In