Friday, October 10, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kulan looga hadlayay balaarinta nidaamka federaalka ah ee dalka oo maanta dhacay.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Waxgarad iyo aqoonyahanno ku baaqay joojinta colaadda Guriceel “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn


Kulanka oo ahaa mid looga doodayay qaabka ugu wanaagsan Ee Dalka loo gaarsiin karo nidaamka Federaalka iyo sidoo kale dhameystirka maamul u sameynta gobollada Dalka ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho iyadoo uu kulankaas qaban qaabiyay Xafiiska Jamciyadda Qarumaha ka dhaxeysa ee Soomaaliya UNSOM.

Kulanka ayaa waxaa ka qayb_galay Mas,uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arimaha gudaha oo uu ka mid yahay Wasiiru Dowlaha Wasaaradaas Cabdirashiid Maxamed Xidig iyo sidoo kale Mas,uuliyiin ka socotay Xafiiska Siyaasada QM Ee Soomaaliya,ururada Bulshada Rayidka ah ayaana ka doodayay Barnaamijkaas.

Related posts

TURKSOM kaalin intee ah ayeey ku leeyihiin dhismaha ciidanka dalka?

TURKSOM kaalin intee ah ayeey ku leeyihiin dhismaha ciidanka dalka?

October 10, 2025
Xamaas oo heshay dammaanad-qaad iyo Israel oo ogolaatay xabbad joojinta Gaza

Xamaas oo heshay dammaanad-qaad iyo Israel oo ogolaatay xabbad joojinta Gaza

October 10, 2025

Qaar ka mid ah Mas,uuliyiinta ka qayb gashay Kulanka Dood wadaaga ah ayaa waxaa ay qabaan in Bulshada Soomaaliyeed  aysan Fahamsaneyn nidaamka Federaalka ah Ee la doonayo in Dalka laga hirgeliyo isla markaana loo baahanyahay in lagu baro Marka Hore waxaana ka mid ah mas,uuliyiintaas Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir mudane Tarsan iyo Caasho Geele Diriye oo ah Gudoomiyhaa Gudiga Dib u Eegista Dastuurka .

Madaxa siyaasadda xafiiska QM ee Soomaaliya haweeneyda lagu magacaabo Kalowde Kolonji DEMBA ayaa ka hadashay Kulankaas waxaana ay sheegtay in Sanadkaan uu Noqon doono Sanadkii Dhameystirka Maamul u sameynta Gobollada dalka Soomaaliya iyo gaarsiinta nidaamka Federaalka ah Ee Dalka sida Qorshuhu Yahay Maamulada Hadda Dhismaya sida Gobolada Dhexe ayayna Bogaadisay.

 

Previous Post

“Daawo Sawirrada”Gawaari nooca ciidamada ah oo lagu wareejiyay Ciidanka Qalabka Sida

Next Post

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kala hadlay hey’adda UNHCR caawinta Qaxootiga Soomaaliyeed”Sawirro”

Next Post
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kala hadlay hey’adda UNHCR caawinta Qaxootiga Soomaaliyeed”Sawirro”

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kala hadlay hey’adda UNHCR caawinta Qaxootiga Soomaaliyeed"Sawirro"

TURKSOM kaalin intee ah ayeey ku leeyihiin dhismaha ciidanka dalka?

TURKSOM kaalin intee ah ayeey ku leeyihiin dhismaha ciidanka dalka?

October 10, 2025
0

Ciidamada Qalabka Sida ee Turkiga (TSK) ayaa laga soo bilaabo sanadkii 2017-kii illaa hadda sii wada Tababarada iyo dhoolatusyada ciidan...

Xamaas oo heshay dammaanad-qaad iyo Israel oo ogolaatay xabbad joojinta Gaza

Xamaas oo heshay dammaanad-qaad iyo Israel oo ogolaatay xabbad joojinta Gaza

October 10, 2025
0

Xukuumadda Israa’iil ayaa ansixisay qorshaha wajiga koowaad ee xabad joojinta Gaza,kaas oo dhigaya in qeybo kamid ah gaza ay Israel...

Adeeg loogu talagalay maareynta gal-dacwadeedyada oo Muqdisho laga hirgaliyay

Adeeg loogu talagalay maareynta gal-dacwadeedyada oo Muqdisho laga hirgaliyay

October 10, 2025
0

Qaar kamid ah madaxda hay’adaha ugu sareeya Cadaaladda dalka ayaa ka qeybgalay kulan la xiriiray soo bandhigga adeeg dhanka computerka...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey heshiisyo dhowr ah

October 9, 2025
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa lagu ansixiyey saddex heshiis oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In