Thursday, January 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga Soomaaliya oo walaac ka muujineysaa tahriibka iyo socdaalka sharci darada oo ay ku kacaan dhalinyarada Soomaaliyeed

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga Soomaaliya oo walaac  ka muujineysaa tahriibka iyo socdaalka sharci darada oo ay ku kacaan dhalinyarada Soomaaliyeed
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mogadishu, March 09, 2015- Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  waxa ay walaac xoog leh ka muujineysaa tahriibka iyo socdaalka sharci darada ee ay ku kacaan dhalinyarada Soomaaliyeed , kuwaasi oo qaarkood ku waaya naftooda inta ay ku guda jiraan socdaalka , ama loola bareero dhibaatooyin ay ka mid yihiin kufsi , jirdil iyo ku shaqeysi qasab ah.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga , waxa ay u aragtaa tahriibka mid dhabarka ka jabinaya jiilkii cusbaa ee dalku u baahnaa inay kaga qeyb qaataan dib u dhiskiisa  iyo horumarkiisa .

Related posts

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

January 8, 2026
Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

January 8, 2026

Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxa ay kala kaashan doontaa Dowlado iyo hey’ado sidii loo dejin lahaa qorshe lagu xakameynayo socdaalka sharci darada ah ee dhalinyarada Soomaaliyeed ay naftooda ugu biimeeyaan Wadamada Angola,South Africa, Yemen , Saudi Arabia , Sudan , Libya iyo Italy , iyagoo ka tallaabaya dhul saxaro ah oo halis badan, badweynta India , Badda Cas iyo badda Mediterranean  oo doomaha cinjirka ah ee ay ku socdaalaan ay inta badan kula degto.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga, waxa ay ugu baaqeysaa waalidiinta Soomaaliyeed  inay kaalin muuqata ka qaataan wacyigelinta caruurtooda , kuna baraarujiyaan qatarta tahriibku leeyahay.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga , waxa ay muujin doontaa dadaalo dheeraad ah  , iyadoo la kaashaneysa qaar ka mid ah hey’adaha dowladda Federaalka Soomaaliya, dowladaha saaxiibka ah iyo Ururo caalami ah si loo hakiyo gebi ahaan dhaq dhaqaaqa dadka wax tahriibiya , loona suura-geliyo in la horkeeno cadaaladda.

—DHAMMAAD—

 

Previous Post

“Daawo’Sawirrada marwada madaxweynaha oo qado u sameysay haween Soomaaliyeed

Next Post

Drs Khadra Bashiir oo Xafiiskeeda ku qaabishay Safiirka Dowlada Shiinaha u fadhiya Dalka Soomaaliya Danjire Wei-Hongtian ”SAWIRRO”

Next Post
Drs Khadra Bashiir oo Xafiiskeeda ku qaabishay Safiirka Dowlada Shiinaha u fadhiya Dalka Soomaaliya Danjire Wei-Hongtian ”SAWIRRO”

Drs Khadra Bashiir oo Xafiiskeeda ku qaabishay Safiirka Dowlada Shiinaha u fadhiya Dalka Soomaaliya Danjire Wei-Hongtian ”SAWIRRO”

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

January 8, 2026
0

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Janaraal Xasan Dhicisow, ayaa gaaray deegaanka...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

January 8, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa booqasho kormeer ah ku tagay degmada Matabaan ee...

Munaasabad lagu dhiirrigelinayo Saraakiisha amniga KGS oo lagu qabtay Baydhabo.

Munaasabad lagu dhiirrigelinayo Saraakiisha amniga KGS oo lagu qabtay Baydhabo.

January 8, 2026
0

Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa lagu qabtay munaasabad lagu dhiirrigelinayay saraakiisha booliska...

Culimada Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika oo Cambaareeyay Faragelinta YH-da ee dalkeenna.

Culimada Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika oo Cambaareeyay Faragelinta YH-da ee dalkeenna.

January 8, 2026
0

Culimada Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Koonfur Afrika ayaa si adag u cambaareeyay faragelinta qaawan ee ay YH-da Israa’11l ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In