Thursday, January 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Baydhabo oo lagu soo xirey shir Hiigsiga cusub looga hadlaayay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Weerar Kooxda UGUS ay Ku Qaadeen Madaxtooyada Maamulka Koonfur Galbeed Ee Beydhabo Oo Ciidamada ay Fashiliyeen
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa sheegaya in halkaasi maanta lagu soo geba gebeeyay shir looga hadlaayay arrimaha hiigsiga cusub ee loo yaqaano New deal kaas oo maalintii shalay ka furmay magaalada Baydhabo.

Shirka ayaa waxaa shalay Baydhabo ka furey Madaxweynaha maamulka Koonfur galeed Soomaaliya Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan waxaana ka qeybgalay Wasiiro ka tirsan maamulka Koonfur galbeed, Siyaasiyiin iyo xubno ka socda ururada bulshada rayidka ah.

Related posts

Taliska Booliska Gobalka Banaadir oo qabtay kulan looga hadlayay amniga Caasimadda

Taliska Booliska Gobalka Banaadir oo qabtay kulan looga hadlayay amniga Caasimadda

January 8, 2026
Hay’adda Socdaalka oo soo saartay digniin adag

Hay’adda Socdaalka oo soo saartay digniin adag

January 8, 2026

Xubno ka socday maamul goboleedyada dalka ayaa sidoo kale ka qeybgalay shirkan maanta magaalada Baydhabo lagu soo gunaanaday.

Wasiirka Warfaafinta maamulka Koonfur galbeed Mudane Xasan Maxamed oo kamid ahaa Wasiiradii shirkan ka qeybgalay ayaa sheegay in shirkan u jeedadiisu aheyd sidii maamulka Koonfur galbeed uu qeyb ugu qaadan lahaa hirgelinta Barnaamijka Hiigsiga cusub iyo sidii loo fahamsiin lahaa dadka ku nool maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya.

Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane C/raxmaan Yuusuf Cali Ceynte oo shirkan maanta soo xirey ayaa saxaafadda u sheegay in shirkan uu ahaa mid muhiim u ah bulshada ku dhaqan deegaanada maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya isla markaana wax badan ku soo kordhin doono hirgelinta Barnaamijka Hiigsiga cusub (NEW DEAL) kaas oo dowladda Soomaaliya ay la gashay wadamada iyo hay’adaha daneeya arrimaha Soomaaliya.

Waa markii ugu horeysay oo shir looga hadlaayo Hiigsiga cusub lagu qabto magaalada Baydhabo tan iyo markii la yegleelay maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya.

Previous Post

Wasiirka Wasaaradda Haweenka oo Mareykanka uga qeyb galaysa shir caalami ah

Next Post

Gudoomiye Jawaari oo Hambalyo u direy dhigiisa Jabuuti

Next Post
Ku simaha madaxweynaha ahna gudoomiyaha baarlamanka oo tacsi u diray dowladda iyo shacabka Jabuuti

Gudoomiye Jawaari oo Hambalyo u direy dhigiisa Jabuuti

Taliska Booliska Gobalka Banaadir oo qabtay kulan looga hadlayay amniga Caasimadda

Taliska Booliska Gobalka Banaadir oo qabtay kulan looga hadlayay amniga Caasimadda

January 8, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Booliiska Gobolka Banaadir, Gaashaanle Sare Mahdi Cumar Muumin, ayaa guddoomiyay shir deg-deg ah oo looga hadlayay amniga Caasimadda....

Hay’adda Socdaalka oo soo saartay digniin adag

Hay’adda Socdaalka oo soo saartay digniin adag

January 8, 2026
0

Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixin ka soo saartay isticmaalka aan la ogolayn ee hawada Soomaaliya...

Wasiirka Arrimaha dibedda Masar iyo Xoghayaha Guud ee QM oo ka hadlay midnimada Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha dibedda Masar iyo Xoghayaha Guud ee QM oo ka hadlay midnimada Soomaaliya

January 8, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar Dr. Badr Cabdulcaati iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Mudane António Guterres oo qadka taleefanka ku...

Taliyaha ciidanka Booliska oo guddoomiyey shirka taliyeyaasha

Taliyaha ciidanka Booliska oo guddoomiyey shirka taliyeyaasha

January 8, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto, Asad Cismaan Cabdullahi ayaa shir guddoomiyay Shirka Taliyaasha Hoggaanada, Qeybaha iyo Fadhiyada Madaxa Banaan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In