Tuesday, November 25, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xafiis nidaamiya gaadiidka Dekada Muqdisho oo maanta la furey

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Xafiis nidaamiya gaadiidka Dekada Muqdisho oo maanta la furey
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaarada Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta waxaa uu kulan la qaatay Wasiiru dowlaha wasaarada Gaadiidka iyo Saadaasha Hawada ahna ku simaha wasiirka Agaasimayaasha labada wasaaradooda Hanti dhowraha Guud Ee Qaranka Maareeyaha Guud Ee Dekada iyo mas,uuliyiin kale kulankaas oo ahaa mid looga dhawaaqay furitaanka Xafiis kala habeyn ku sameeya Gaadiidka Dekada Muqdisho ka shaqeeya oo mudo dheerba uu ka taagnaa is qabqabsi gaaray Xafiisyada Madaxda Qaranka.

Mudo dhowr bilood ah ayaa waxaa socday Qorshe lagu nidaaminayo Gaadiidka ka shaqeeya Dekada isla markaana loogu sameynayo Xafiis la socda howla gaadiidkaas maanta ayaana la soo gabagabeeyay oo Xafiiskaas in uu furan yahay lagu dhawaaqay.

Related posts

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay horumarinta xiriirka labada dal

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay horumarinta xiriirka labada dal

November 25, 2025
Guddiga doorashooyinka oo kordhisay wakhtiga soo Gudbinta Liisaska Murashaxiinta

Guddiga doorashooyinka oo kordhisay wakhtiga soo Gudbinta Liisaska Murashaxiinta

November 25, 2025

Agaasimaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Saadaasha Hawadda Soomaaliya Maxamed Cismaan Cali Dhagaxtuur,ku simaha Agaasimaha Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Maxamuud Kulmiye Axmed iyo Maareeyaha Guud Ee Dekada Muqdisho Cabdulaahi Ali Nuur ayaa waxaa ay ka hadleen furitaanka Xafiiskaan heerarkii ay soo martay iyo muhiimada uu leeyahay in la furo.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Saadaasha Hawadda Mudane Maxamed Isaaq Cismaan ayaa waxaa uu u mahad naqay Mas’uuliyiintii mudo todoba bilood ah soo waday Qorshahaan Xafiiska lagu furay maanta isagoo soo jeediyay in sidii loogu talo galay loo fuliyo howsha uu qaabilsanyahay.

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka badda Xukuumadda Soomaaliya Mudane Nuur Faarax Cusmaan ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay Xafiiskaan qaabilsan kala qaabeynta iyo la socodka Gaadiidka Dekada ka shaqeeya in uu si rasmi ah u furan yahay.

Previous Post

Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid oo u amba baxay dalka Qatar

Next Post

Kulan looga hadlaayay xuquuqda carruurta oo ka furmay Muqdisho”SAWIRRO”

Next Post
Kulan looga hadlaayay xuquuqda carruurta oo ka furmay Muqdisho”SAWIRRO”

Kulan looga hadlaayay xuquuqda carruurta oo ka furmay Muqdisho”SAWIRRO”

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay horumarinta xiriirka labada dal

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay horumarinta xiriirka labada dal

November 25, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah XFS, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa xafiiskiisa ku soo dhaweeyey Safiirka Dowladda aan...

Guddiga doorashooyinka oo kordhisay wakhtiga soo Gudbinta Liisaska Murashaxiinta

Guddiga doorashooyinka oo kordhisay wakhtiga soo Gudbinta Liisaska Murashaxiinta

November 25, 2025
0

Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS), isaga oo gudanayo waajibaadka Dastuuriga ah iyo awoodaha uu sinayo Xeerka Doorashooyinka...

Madaxweynaha JFS oo furay Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed

Madaxweynaha JFS oo furay Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed

November 24, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo daahfuray Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed ayaa tilmaamay in dowladdu ay...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah furay Shirweynaha 2-aad ee Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah furay Shirweynaha 2-aad ee Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka

November 24, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa magaalada Muqdisho ka daah-furay Shirweynaha 2-aad ee Hay’adda Aqoonsiga iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In