Sunday, June 8, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

“Sawirro”Dayactir lagu sameeyay xarunta safaaradda Soomaaliya ee midowga Yurub

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
March 19, 2015
in Wararka
0
“Sawirro”Dayactir lagu sameeyay xarunta safaaradda Soomaaliya ee midowga Yurub
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

June 8, 2025
NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Howlgallo qorsheysan oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

June 7, 2025
Munaasabad lagu soo bandhigayay Dib-u-dhiska balaaran ee lagu sameeyay Safaarada Soomaaliya ay ku leedahay Magaalada Brussels ee dalka Beljium, isla markaana ay kasoo qeyb galeen diplomaasiyiin aad u fara badan iyo qeybaha kala gedisan ee Bulshada, ayaa maalintii shalay Arbaco, 18 March 2014, lagu qabtay xarunta Safaarada Soomaaliya ee dalka Beljium.
Hogaanka sare ee Safaarada Soomaaliya ee wadamada Benulex, H.E.  Dr. Ali Said Faqi, Danjiraha Midowga Yurub u qaabilsan dalka Soomaaliya, H.E. Michele Cervone d’Urso, Safiirka Dowlada Itoopiya, isla markaana ah Danjiraha IGAD ee EU-da, H.E.  Teshome Toga, Danjiraha Dowlada Jabuuti ee Beljium & EU-da, H.E. Omar Abdi Said, Danjiraha Midowga Afrika u qaabilsan EU-da, H.E.  Ajay Bramdeo, Xildhibaan Abdirisaq Osman Hassan [Jurille], Sareeye Guuto Axmed Suleymaan Dafle, Xubno ka socday Hogaanka Jaaliyadaha Soomaalida Wadamada Beljium & Holland, iyo Dadweyne kale ayaa Munaasabadasi goob joog ka ahaa.
Ugu horeyn waxaa Munaasabada Heesta Astaanta Qaranka Soomaaliyeed ku daah-furay, Fanaanka Qaran ee Hoboladii Waaberi, Al-Ustaad Cabdi Baadil Ibraahim, iyadoona Khudbada soo dhaweynta uu qaatay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Wadamada Benulex, ahna Danjiraha Soomaaliya u qaabilsan EU-da Dr. Ali Said Faqi. waxa uuna marti sharaftii munaasabadaasi kasoo qeyb galay ugu warbixiyay heerarkii kala gedisanaa oo ay soo martay Safaarada iyo sida ay maanta u shaqeyso.
Safiirka waxa uu sheegay in dib loosoo celiyay xiriirka Safaarada iyo Wasaaradaha Arrimaha Dibadda Beljium iyo Netherlands, isla markaana haatan wada-shaqeyn fiican ay ka wada dhaxeeyaan, waxa uu sidoo kale sheegay in dhismaha Safaarada oo markii hore bur-bur ku dhawaa haatan qeybo badan oo ka mid ah dib-u-dhis lagu sameeyay, isagoona sheegay in horey loosii wadi doono dadaalka uu ku doonayo in uu dib ugu soo celiyo sumcada Safaarada.
“Muddo sanad iyo bar ah, Aniga iyo Howlwadeenada Safaarada waxaan ku shaqeyneynay 1-qol oo kaliya, kaasi oo xilliyada qaboobaha aan wax kuleeliso ah laheyn, waaan ku shaqeyn jirnay jaakadaheena, dhismaha waxa uu ku dhawaa heer bur bur ah, ma inoo suura-geli jirin in aan dadkeena ku qaabilno safaarada, iska daa Diplomaasi, illaa mahadii dadaal dheer oo aan muujinay waxaan isku daynay in aan wax un qabano, inagoo kaashaneyna muwaadiniinta Soomaaliyeed, qeyb ka mid ah Safaarada waxaan ku sameynay dib-u-dhis, waana qeybta aan maanta ku shaqeeneyno oo aan munaasabadaan ku qabsaneyno”Ayuu yiri Danjire Faqi.
Waxa uu sheegay Safiirka in lacagaha dib-udhiska lagu sameeyay ee yihiin kuwo laga soo deemiyay muwaadin Soomaaliyeed, isla markaana uu isaga shaqsi ahaan u damaanad qaaday in dib loo bixin doono qarashaadkaasi, waxa uuna rajo ka muujiyay in Dowlada Soomaaliya ay dib u bixin doonto qarashaadkaasi, isagoona dhinaca kale u mahadceliyay, Dowladaha iyo Ururada saaxiibka la ah Soomaaliya, sida Jabuuti, Itoobiya, IGAD, Midowga Africa, iyo Midowga Yurub, taageerada ay mar waliba la garab taagan yihiin Soomaaliya.
Xildhibaan Abdirisaq Osman Hassan [Jurille] oo dalka Beljium u jooga ka qeyb galka shirka ECDPM, oo munaasabadan khudbad ka jeediyay, ayaa waxa uu Amaan ujeediyay safiirka dalka Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub iyo dalka Beljium, Dr. Ali Said Faqi, isagoona ku amaanay wax-qabadka iyo dadaalka uu ugalay sidii loo soo nooleyn lahaa sharaftii Soomaaliya ay ku laheyd Diplomaasiyadda Yurub, isagoona sheegay in Maanta ay Soomaaliya sharaf weyn u tahay in gurigeeda Yurub ay ku qaabisho Diplomaasiyiin heer caalami ah.
“Maanta is-badal weyn ayaa ka muuqda dhismaha Safaarada, balse waxaa weli u harsan in howsha la bilaabay lasii wado, taasina ma ahan oo kaliya mid shaqsi kaliya loogu baahan yahay, waxaa loogu baahan yahay shacabka oo idil waxaa loogu baahan yahay Dowlada, shalay iyo maanta isku mid ma aha maanta aan meesha joogno, waxaana rajeynayaa in lasii dhameystiro dadaalka uu wado Danjire Faqi”Ayuu yiri Xildhibaan Jurille.
Sareeye Guuto Axmed Suleymaan Dafle, oo ku hadlayay Magaca Odayaasha kasoo qeyb galay Munaasabada, ayaa sheegay in isaga shaqsi ahaan uu in badan kala socdo maraaxilada kala gedisan oo ay soo martay safaarada, waxa uuna sheegay in uu usoo joogay xilli ay safaaradu aheyd goob qaxooti oo ay dad ajnabi ah dagnaayeen, maanta ay tahay gurigii muujinayay Dowladnimada Soomaaliya.
Ugu danbeyn waxaa munaasabada ka hadlay Danjiraha Midowga Yurub u qaabilsan dalka Soomaaliya, H.E. Michele Cervone d’Urso “Talaabadaani waxa ay muujineysaa in Soomaalida ay wax qaban karaan, waxa ay nagu dhiira gelineysaa in aan sii wadno dadaalada aan ku taageereyno Soomaaliya, xaruntaan waxaan u leeyahay aqoon gooni ah, waxaan usoo joogay iyadoo ay tahay (IDP)-goob qaxooti, maantana waa tan is-badal weyn ka muuqda, ma aha mid midowga yurub uu dhisay, waxaa lahaa Soomaaliya, waxaana dib-udhistay Soomaali, waxaan Amaan ujeedinayaa danjire Faqi oo aan ku aqaan in uu yahay nin dadaal badan, waxaa loo baahan yahay in lasii wado dadaalada nuucaan oo kale ah, EU-da waxaa ka go’an in ay taageerto Soomaaliya” Ayuu yiri Michele Cervone d’Urso.
Munaasabada inta ay socotay waxaa sidoo kale goob ka ahaa Madaxa Paratakoolka Safaarada, oo isagu ahaa shaqsi u istaagay bad-baadinta Hantida Soomaaliyeed, laguna xasuusto Safaarada Beljium, Mudane Axmed Warsame, Kuxigeenka Safiirka Cali Wolf, Xoghayaha guud ee Safaarada Mudane Bilyaan Maxamed, iyo dhamaan Howlwadeenada Safaarada, iyadoona gaba-gabadii Munaasabada la guda galay qado sharaf loogu tala-galay marti sharaftii kulankaasi kasoo qeyb gashay, waxaana halkaasi lagu saxiixay buuga diiwaanka ee Safaarada Soomaaliya ee dalka Beljium.
Somali-Embassy-EU-1 Somali-Embassy-EU-2 Somali-Embassy-EU-3 Somali-Embassy-EU-5 Somali-Embassy-EU-6 Somali-Embassy-EU-8 Somali-Embassy-EU-10 Somali-Embassy-EU-15
Previous Post

Dood Cilmiyeed Loo Qabtay Howlwadeenada Caafimaadka Oo Muqdisho Lagu Soo Xiray

Next Post

Golaha Wasiirada oo maanta isku raacay in la dhiso guddi ka shaqeeya isku dhafka ciidanka qaranka “Sawirro”

Next Post
Golaha Wasiirada oo maanta isku raacay in la dhiso guddi ka shaqeeya isku dhafka ciidanka qaranka “Sawirro”

Golaha Wasiirada oo maanta isku raacay in la dhiso guddi ka shaqeeya isku dhafka ciidanka qaranka “Sawirro”

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

June 8, 2025
0

  Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macalin (Fiqi), oo la hadlayay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in Khawaarijta  ay...

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Howlgallo qorsheysan oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

June 7, 2025
0

Horjoogeyaal kale oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa ku geeriyooday howlgal qorshaysan oo si wadajir ah ay u fuliyeen Ciidanka...

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

June 7, 2025
0

Xarunta Gargaarka iyo Howlaha Bani’aadantinimada ee Boqor Salmaan oo kaashanaysa hay’adda Xikmo Charity ayaa maanta markale degmada Dayniile ee gobolka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Geneva uga qeybgalay shir muhiim ah

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Geneva uga qeybgalay shir muhiim ah

June 7, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa Xarunta Qaramada Midoobay ee Geneva -...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In