Tuesday, November 25, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maleeshiyaad ka tirsan UGUS oo miino kula qaraxday deegaanka Bakalle

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Maleeshiyaad ka tirsan UGUS oo miino kula qaraxday deegaanka Bakalle
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Todobo ka tirsanaa Ururka Gumaadka Soomaaliyeed ee UGUS ayaa maanta ku geeriyooday miino ay doonayeen in ay ku dhibaateeyaan shacabka iyo mas’uuliyiinta isticmaala waddo ku taallo deegaanka Bakale ee gobolka Baay ku nool.

Dadka Deegaanka Bakalle oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in maleeshiyaadka UGUS ay la qaraxday miinada ay doonayeen inay dhulka ku aasaan si ay ugu dhibaateeyaan shacabka halkaasi ku nool.

Related posts

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay horumarinta xiriirka labada dal

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay horumarinta xiriirka labada dal

November 25, 2025
Guddiga doorashooyinka oo kordhisay wakhtiga soo Gudbinta Liisaska Murashaxiinta

Guddiga doorashooyinka oo kordhisay wakhtiga soo Gudbinta Liisaska Murashaxiinta

November 25, 2025

Wariyaha Warbaahinta Qaranka ee gobolka Baay Siraaji Sheekh Isxaaq ayaa ku soo warramay in jidka ay miinada gelinayeen maleeshiyaadka geeriyooday ay saacado kahor halkaasi mareen wafdi uu hogaaminayay guddoomiyaha Bardaalle oo ka amba baxay magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay.

“Todobo ka tirsan maleeshiyaadka ayay miinada kula qaraxday, deegaanka uu falkaan ka dhacay waxa ay u dhexeysaa magaalada Baydhabo iyo degmada Bardaalle, iyadoo dhanka waqooyi ay ka xigto degmada Awdiinle” ayuu yiri mid ka mid ah dadka deegaanka.

Dhowr jeer oo hore ayay sidan oo kale u qabsatay maleeshiyaad ka tirsan Ururka Gumaadka Soomaaliyeed ee UGUS miino ay aasayeen ay la qaraxdo, kuwaasi oo caadeystay inay shacabka dhibaateeyaan.

Previous Post

Kooxda Manchester United oo Ka Adkaatay Kooxda Liverpool “SAWIRRO”

Next Post

Juventus oo Sii Kordhisay Dhibcaha ay Ku Hogaamineyso Horyaalka Talyaaniga

Next Post
Juventus oo Sii Kordhisay Dhibcaha ay Ku Hogaamineyso Horyaalka Talyaaniga

Juventus oo Sii Kordhisay Dhibcaha ay Ku Hogaamineyso Horyaalka Talyaaniga

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay horumarinta xiriirka labada dal

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay horumarinta xiriirka labada dal

November 25, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah XFS, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa xafiiskiisa ku soo dhaweeyey Safiirka Dowladda aan...

Guddiga doorashooyinka oo kordhisay wakhtiga soo Gudbinta Liisaska Murashaxiinta

Guddiga doorashooyinka oo kordhisay wakhtiga soo Gudbinta Liisaska Murashaxiinta

November 25, 2025
0

Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS), isaga oo gudanayo waajibaadka Dastuuriga ah iyo awoodaha uu sinayo Xeerka Doorashooyinka...

Madaxweynaha JFS oo furay Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed

Madaxweynaha JFS oo furay Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed

November 24, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo daahfuray Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed ayaa tilmaamay in dowladdu ay...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah furay Shirweynaha 2-aad ee Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah furay Shirweynaha 2-aad ee Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka

November 24, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa magaalada Muqdisho ka daah-furay Shirweynaha 2-aad ee Hay’adda Aqoonsiga iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In