Thursday, January 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Bandhig Hidaha iyo Dhaqanka ah oo lagu soo afjarayey rabshado ka dhacay Soweto oo lagu qabtay Koonfur Afrika

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Heshiis laga gaaray rabshad ka dhacday goobo  Soomaalida Koonfur Afrika ku ganacsadaan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Bandhig Hidaha iyo Dhaqanka ah oo lagu soo afjarayey rabshadihii dhawaan lagu soo barakiciyey dadka Ajaanibta ah ee ku nool deegaanka Soweto ee dalka Koonfur Afrika ayaa xalay lagu qabtay halkaasi, waxaana ka qeybgalay ajaanib ah iyo qaar ka mid ah shacabka dalkaasi.

Deegaanka oo dhaca dhanka koonfureed ee magaalada Johannesburg ayaa munaasabadda lagu qabtay ay soo qaban qaabiyeen Guddiga Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Koonfur Afrika iyo maamulka deegaanka Soweto, waxaana u jeedka yahay in dib loo soo celiyo isdhexgalka bulshada, isla markaana ay mid ka noqdaan dadka dhibaateynaya ajaanibta halkaasi howlaha ganacsi u jooga.

Related posts

Wasiir ku-xigeenka Qorsheynta XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay Kuwait

Wasiir ku-xigeenka Qorsheynta XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay Kuwait

January 8, 2026
Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil oo ka socda  Muqdisho

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil oo ka socda Muqdisho

January 8, 2026

Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Koonfur Afrika Mudane Caamir Sheekh oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in kulanka laga baran doono waxyaabo badan oo ku saabsan sidii ay u wada noolaan lahaayeen qowmiyadaha kala duwan ee dalka Koonfur Afrika ku nool.

“19-kii Janaayo ayay ahayd markii Soomaali ganacsato ah lagu soo weeraray dukaaman ay halkaan ku leeyihiin oo uu ku dhitay wiil 14 sano jir ah, oo soo jiitay indhaha caalamka, taasi oo ay sabab u ahayd rabshadaha halkaan ka dhacay, runtii waxaan ku dadaalnay in ganacsato badan oo Soomaaliyeed aan dib ugu soo celino goobahooda ganacsi’ ayuu yiri Mudane Caamir.

Qaar ka mid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed oo ka qeyb galay Bandhigga Hidaha iyo Dhaqanka ah ee lagu soo afjarayey rabshadihii dhawaan lagu soo barakiciyey dadka Ajaanibta ayaa sheegay inay aad ugu faraxsanyihiin ka qeyb galka bandhigga, ayna diyaar u yihiin inay wax la qeybsadaan jinsiyadaha kala duwan ee magaalada Soweto ku nool.

Dhalinyarro Soomaaliyeed ayaa goobta ku soo bandhigay suugaan ka hadlaysa midnimada iyo wax wada qeybsiga, waana markii ugu horeysa oo deegaanka Soweto lagu qabto bandhig nuucaani oo kale ah.

Previous Post

Howlgallo amni xaqiijin ah oo ka socota Buulo burte iyo Jalalaqsi

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Wasiir ku-xigeenka Qorsheynta XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay Kuwait

Wasiir ku-xigeenka Qorsheynta XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay Kuwait

January 8, 2026
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Aadan Maxamed, ayaa maanta ka qaybgalay kulankii...

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil oo ka socda  Muqdisho

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil oo ka socda Muqdisho

January 8, 2026
0

Bannaanbax ka dhan ah xadgudubka Israa’il ee madaxbannaanida JFS ayaa caawa ka socda Muqdisho. Bannaanbaxan ayaa waxaa dhigaya boqolaal qof...

Taliska Booliska Gobalka Banaadir oo qabtay kulan looga hadlayay amniga Caasimadda

Taliska Booliska Gobalka Banaadir oo qabtay kulan looga hadlayay amniga Caasimadda

January 8, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Booliiska Gobolka Banaadir, Gaashaanle Sare Mahdi Cumar Muumin, ayaa guddoomiyay shir deg-deg ah oo looga hadlayay amniga Caasimadda....

Hay’adda Socdaalka oo soo saartay digniin adag

Hay’adda Socdaalka oo soo saartay digniin adag

January 8, 2026
0

Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixin ka soo saartay isticmaalka aan la ogolayn ee hawada Soomaaliya...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In