Monday, September 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Xanaanada Xoolaha oo Muqdisho ku qabatay kulan looga hadlayay ilaalinta deegaanka

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Xanaanada Xoolaha oo Muqdisho ku qabatay kulan looga hadlayay ilaalinta deegaanka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulankan wada tashiga ah oo ay maanta ku wada yeesheen magaalada Muqdisho Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa C/naasir Gaarane Maxamuud iyo ururada, Ganacsatada iyo qaar kamid ah hay’adaha ka shaqeeya horumarinta Xanaanada Xoolaha iyo ilaalinta deegaanka ayaa waxaa uu u jeedkiisu ahaa u diyaar garowga maalinta dhir beerista Soomaaliya oo ku beegan 17 Abriil ee soo socota.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa dhinacyadii ka qeybgalay isku dhaafsadeen afaaro ku aadan horumarinta dhirta ilaalinta deegaanka waxaana ganacsatadii kulanka la yeelatay Wasiirka ku xigeenka ay balan qaadeen in ay ku dadaalayaan sidii si wadajir ah loogu qeyb qaaadan lahaa maalinta Dhir beerista Soomaaliya.

Related posts

Wasaaradda  Duulista Hawada JFS oo Raalligelin ka Bixisay Dhacdadii Shirkadda Salam Air, Ballanqaadayna Tallaabooyin Sharci ah

Wasaaradda Duulista Hawada JFS oo Raalligelin ka Bixisay Dhacdadii Shirkadda Salam Air, Ballanqaadayna Tallaabooyin Sharci ah

September 6, 2026
DOWLADDA SOOMAALIYA OO SI ADAG U CAMBAAREYNEYSA SOO NOQOSHADA BURCAD-BADDEEDKA, UNA YEERTAY ISKAASHI IYO TAAGEERO CAALAMI AH.

DOWLADDA SOOMAALIYA OO SI ADAG U CAMBAAREYNEYSA SOO NOQOSHADA BURCAD-BADDEEDKA, UNA YEERTAY ISKAASHI IYO TAAGEERO CAALAMI AH.

September 6, 2026

Nuurto Sheekh Maxamuud oo madax ka ah urur ka shaqeeya horumarinta Xanaanada Xoolaha ayaa sheegtay kulankan uu ahaa mid muhiim ah isla markaana ay qaadan doonaan doorkooda ku aadan arintaasi.

Wasiir ku xigeenka Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa C/naasir Gaarane Maxamuud ayaa ka qeybgaliyaash ugu mahadceliyay isagoo sheegay dadka Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay ka faa’ideystaan Xoolaha isla markaana ilaaliyaan caafimaadkooda.

Sidoo kale Wasiir ku xigeenka ayaa tilmaamay in Wasaaradda ay qorsheysay todobaadka Dhir beerista oo ka bilaabanaysa 11 Abriil ilaa 17 isla bishaasi.

“Dowladnimada ayaa waxaa ay ku dhisan tahay kheyraadka uu dalka leeyahay ma jirto dalka ku dhisan deeq la siiyay” waxaa sidaasi yiri Wasiir ku xigeenka Xanaanada Xoolaha C/naasir Gaarane.

Previous Post

Maalinta Qaaxada Aduunka oo Muqdisho lagu xusay” SAWIRRO”

Next Post

Ciidammada Ammaanka oo howlgal ka Sameeyay Jowhar

Next Post
Maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo laga hadlay

Ciidammada Ammaanka oo howlgal ka Sameeyay Jowhar

Wasaaradda  Duulista Hawada JFS oo Raalligelin ka Bixisay Dhacdadii Shirkadda Salam Air, Ballanqaadayna Tallaabooyin Sharci ah

Wasaaradda Duulista Hawada JFS oo Raalligelin ka Bixisay Dhacdadii Shirkadda Salam Air, Ballanqaadayna Tallaabooyin Sharci ah

September 6, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Gaadidka iyo Duulista Hawada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (M Hon. Mohamed Farah Nouh, ayaa si buuxda uga raalli-galiyey...

DOWLADDA SOOMAALIYA OO SI ADAG U CAMBAAREYNEYSA SOO NOQOSHADA BURCAD-BADDEEDKA, UNA YEERTAY ISKAASHI IYO TAAGEERO CAALAMI AH.

DOWLADDA SOOMAALIYA OO SI ADAG U CAMBAAREYNEYSA SOO NOQOSHADA BURCAD-BADDEEDKA, UNA YEERTAY ISKAASHI IYO TAAGEERO CAALAMI AH.

September 6, 2026
0

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u cambaaraynaysaa soo noqoshada falalka burcad-badeednimada ee ka dhacaya xeebaha Puntland ee Soomaaliya. Tan...

TALIYAHA CIIDANKA XOOGGA DALKA OO BOOQDAY TALISKA QAYBTA 1-AAD EE GORGOR

TALIYAHA CIIDANKA XOOGGA DALKA OO BOOQDAY TALISKA QAYBTA 1-AAD EE GORGOR

September 6, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Guuto Ibrahim Maxamad Maxamuud ayaa maanta booqasho shaqo ku tegay Taliska Qaybta 1-aad ee Kumaandooska...

Ciidanka XDS oo howlgalo qorsheysan ka fuliyay deegaanka Madax-maroodi

Ciidanka XDS oo howlgalo qorsheysan ka fuliyay deegaanka Madax-maroodi

September 6, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Kumaandooska Danab ayaa hawlgallo qorshaysan ka sameeyay deegaanka Madax-maroodi ee Gobolka Shabeellaha Hoose, Hawlgalkan ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In