Friday, September 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kulan lagu xasuusanayay Taariikhda Halgame C/laahi Ciise oo Muqdisho lagu qabtay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
March 24, 2015
in Wararka
0
Kulan lagu xasuusanayay Taariikhda Halgame C/laahi Ciise oo Muqdisho lagu qabtay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Isku imaadkan lagu xasuusanayay Allaha u naxariistee Halgamaagii Qaranka Soomaaliyeed Kalinta Weyna ka soo qaatay Gobnima doonkii Umadda Soomaaliyeed Marxuum Cabdulaahi Ciise Maxamuud oo Waqtigii uu geeriyooday laga joogo mudo 27 sano ah ayaa waxaa uu ka qabsoomay Magaalada Muqdisho waxaana ka qayb galay Xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda Xukuumadda Soomaaliyeed mas’uuliyiin hore iyo dad ay mudo soo wada shaqeeyeen Marxuumka.

Sheekh Cabdi Shukri waxaa uu ka mid yahay xubnaha ay soo wada shaqeeyeen aqoon dheern a u leh halgamaagii Soomaaliyee Cabdulaahi Ciise oo Bulshada Kulankaan ka qayb gashay ay iksu raaceen in uu ahaa Aabihii Halgankii gobonimo doonka Soomaaliyeed waxaa uu ka hadlay taariikhdii marxuumka inta uu ka xasuusto.

Related posts

Dowladda oo boogaadisay guulaha ciidanka qaranka ay ka gaareen dagaalkii ka dhacay duleedka Ceel-dheer

September 12, 2025
Ciidanka Qaranka oo burburiyay maleeshiyaad damacsanaa in ay weeraraan Ceel-dheer

Ciidanka Qaranka oo burburiyay maleeshiyaad damacsanaa in ay weeraraan Ceel-dheer

September 12, 2025

Mudane Cali Ismaaciil Cabdi Giriig oo Wasiir ka soo noqday mid ka mid ah dowladihii dalka soo maray ayaa waxaa uu sheegay in Taariikhda Halgamayasha iyo Dadka Magaca ku dhex leh Bulshada loo baahan yahay in Maamuus loo sameeyo oo Taariikhdooda kor loo qaado isagoo wax laga xumaado ku tilmaamay in Goobaha waxbarashada aan da’yarta lagu barin taariikhda dalka iyo Halgamayaasha Gobanimodoonka.

Munaasabada ayaa waxaa ka qayb galay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arimaha dibadda Soomaaliya Mudane Axmed Cali Kadiye iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Qorsheynta iyo iskaashiga Caalamiga ah Prof Cabdulaahi Sheekh Cali Qaloocow iyo Xubno kale .

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Qorsheynta Mr Qaloocow ayaa waxaa sheegay in Muhiim ay tahay in Dadka Magaca ku dhexleh Bulshada ay yeeshan Astaamo lagu xasuusto oo loogu magacdaro Taariikhda Marxuum Cabdulaahi Ciise Maxamuudna aysan ahayn wax la soo koobi karo.

Cabdulaahi Ciise Maxamuud waxaa uu ka mid ahaa Dhalinyaradii Halgamayaashii Gobanima doonka Soomaaliyeed SYL oo uu ka ahaa Xoghayaha Guud Waxaa uu uu door Muuqda ka soo qaatay dadaaladii Xisbigaasi uu ugu jiray in Soomaaliya Qaran Madaxbanaan noqoto xilal kala duwan ayuuna ka soo qabtay Dowladihii rayidka ahaa Dowladii Kacanka ayaa u Magacawday Safiirka Soomaaliya Ee Swiden 1988 dii ayuuna ku dhintay Magaaladda Roma Ee Dalka Talyaniga .

Previous Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post

Madaxweynaha oo si diiran loogu soo dhoweeyay magaalada Dhuusamareeb

Next Post
Madaxweynaha Dalka Iyo Wafdi uu hoggaanimayo

Madaxweynaha oo si diiran loogu soo dhoweeyay magaalada Dhuusamareeb

Dowladda oo boogaadisay guulaha ciidanka qaranka ay ka gaareen dagaalkii ka dhacay duleedka Ceel-dheer

September 12, 2025
0

Wasiirka Gaashaandhigga XFS Mudane Axmed Macalin Fiqi iyo Wasiir Ku xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Cadaala ayaa maanta ka hadlay guulaha...

Ciidanka Qaranka oo burburiyay maleeshiyaad damacsanaa in ay weeraraan Ceel-dheer

Ciidanka Qaranka oo burburiyay maleeshiyaad damacsanaa in ay weeraraan Ceel-dheer

September 12, 2025
0

Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Deegaanka ayaa maaanta ka hortagay weerarro ay kooxda Khawaarijta ah ee Al-shabaab saakay waaberigii ku...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo Ruushka kaga qeybgalay shir la xiriiray dhaqanka iyo diblomaasiyadda

Wasiirka Warfaafinta XFS oo Ruushka kaga qeybgalay shir la xiriiray dhaqanka iyo diblomaasiyadda

September 12, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta,  Dhaqanka Iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaiya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qeybgaley...

Bandhig ku saabsan hal abuurka dhallinyarada oo lagu qabtay Muqdisho

Bandhig ku saabsan hal abuurka dhallinyarada oo lagu qabtay Muqdisho

September 12, 2025
0

Maamulka Wasaaradda Beeraha XFS ayaa Magaalada Muqdisho ku qabatay munaasabad lagu soo bandhigaayey hal abuurka dhallinyarada  ee dhinaca wax soo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In