Thursday, July 3, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka arrimaha gudaha “Dowladdu waxey dadaal ugu jirtaa meel marinta hiigsiga 2016-ka”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
March 27, 2015
in Wararka
0
Wasiirka arrimaha gudaha “Dowladdu waxey dadaal ugu jirtaa meel marinta hiigsiga 2016-ka”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen oo marti ku ah barnaamijka kulanka todobaadka si toos ahna u fadhiya Studiyaha Idaacadda Radio Muqdisho iyo Telefishinka Qaranka  ayaa ka hadlay marxaladda siyaasadeed ee dalku marayo, iyo howlaha shaqo ee horyaala wasaaraddiisa iyo jaangoynta hiigsiga 2016-ka.

Wasiirka ayaa tilmaamay in waqtigu koobanyahay laakiin ay dowladdu dadaal ballaaran ugu jirto sidii ay u meel marin laheyd qorshaha hiigsiga 2016-ka si dalka loo gaarsiiyo doorasho madax banaan.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya

July 3, 2025

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Koonfur Afrika u tegay furitaanka Safaaradda cusub

July 3, 2025

Sidoo kale wasiirka ayaa soo hadalqaaday dhameystirka dhismaha maamullada dalka iyo kuwa iminka howshoodu socoto sida Galgaduud iyo mudug iyo dhinaca Hiiraan iyo Sh/dhexe oo uu tilmaamay in qorshuhu yahay in howshooda la soo gebagebeeyo bisha Juun ee inagu soo aaddan.

Dhinaca kale wasiirka ayaa ka hadlay diyaarinta shuruucda axsaabta dalka, isagoo tilmaamay ineey meel wanaagsan mareyso howshaasi, waxuuna hoosta ka xariiqay ahmiyadda ay leedahay meel marinta shuruucdaasi si looga gudbo nidaamka qabiilka looguna xuub siibto hanaanka xisbiyada dalka.

Wasiirka ayaa haatan si toos ah u fadhiya Studiyaha Idaacada Radio Muqdisho iyo Telefishinka Qaranka, isagoo ka jawaabaya su’aalo ay dhageystayaashu ku soo weydiinayaan qadka telefoonka.

Previous Post

Maamulka gobolka Banaadir dhisaya waddo bacaad ah oo ku taala degmada Kaaraan

Next Post

Barnaamijka Kulanka Todobaadka oo uu marti ku ahaa wasiirka arrimaha gudaha “Dhageyso+Sawirro”

Next Post
Barnaamijka Kulanka Todobaadka oo uu marti ku ahaa wasiirka arrimaha gudaha “Dhageyso+Sawirro”

Barnaamijka Kulanka Todobaadka oo uu marti ku ahaa wasiirka arrimaha gudaha "Dhageyso+Sawirro"

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya

July 3, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan sagootin ah xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Koonfur Afrika u tegay furitaanka Safaaradda cusub

July 3, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa soo gaaray dalka Koonfur Afrika, halkaas oo uu u...

Danjire Cali Cabdi Awaare oo ku guuleystay Danjiraha Sanadka ee Somali Social Media Awards

Danjire Cali Cabdi Awaare oo ku guuleystay Danjiraha Sanadka ee Somali Social Media Awards

July 3, 2025
0

Danjire Cali Cabdi Awaare, Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Masar ahna Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya...

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

July 2, 2025
0

Bayaan ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee xafiiska Muqdisho ayaa lagu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay si rasmi ah u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In