Monday, June 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

RW. Cumar: “Ujeedka Argagaxisadu waa iney curyaamiyaan goobaha ganacsiga, ayna gumaadaan dadka shacabka ah”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
RW. Cumar: “Ujeedka Argagaxisadu waa iney curyaamiyaan goobaha ganacsiga, ayna gumaadaan dadka shacabka ah”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 28, Maarso, 2015…Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashid Cali Sharmarke, oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa ka warbixiyey weerarkii nabad-diidku ay ku qaadeen shalay Hotel Maka-Al-Mukarama iyo khasaaraha ka dhashay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in weerarkii wuxushnimada ahaa lagu dilay 14 qof, oo toban ka mid ah ay ahaayeen dad shacab ah, ayna ku dhaawacmeen 13 qof. Dowlada Imaaraatka Carabtuna xiriir ay la soo samaysay xukuumadda ay ka balan-qaaday iney gar-gaar caafimaad u fidinayso dadka dhaawacoodu daran yahay.

Related posts

Waxqabadkii Xukuumadda DanQaran ee afartii sano ee la soo dhaafay

Waxqabadkii Xukuumadda DanQaran ee afartii sano ee la soo dhaafay

June 15, 2026
Daahfurka Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8-aad ee Gobolka Banaadir

Daahfurka Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8-aad ee Gobolka Banaadir

June 15, 2026

Ra’iisul Wasaare Cumar ayaa ku sifeeyey weerarada noocaan ah ineysan raad ku lehayn diinteenna muqaddaska ah iyo dhaqankeena suuban, isla markaan looga dan leeyahay in lagu gumaado dad aan waxba galabsan.

“Waxaan halkaan ka sheegayaa sida aan ula murugey-sanahay qoysaska dadkoodu ku dhinteen, waxaana ogahay xanuunka ay arintaan leedahay, waxaana halkaan tacsi tiiraanyo leh uga dirayaa qoysaska, ehelka iyo dhamaan asxaabta dadkoodii uga geeriyoodeen weerarka argagaxiso, Waxaana si khaas ah tacsi ugu dirayaa qoysaskii ay ka baxeen Marxuum Yusuf Ismaciil Bari-bari oo ahaa safiir shaqo muhiim ah u hayey shacabka Soomaaliyeed iyo Marxuumad Farxiyo Bashir Nuur oo ahayd aqoonyahanad dalka u timid iney ku biiriso aqoonteeda. Waxaana Ilaahay uga baryayaa inuu siiyo caafimaad taam ah dadkii ku dhaawacmay” ayuu yiri RW Cumar

“Waa inaan shacab iyo dowladba u istaagnaa sidii aan uga shaqayn lahayn amniga, meelna uga soo wada jeesan lahayn kuwo doonaya inay damiyaan iftiinka horumarka, bur-burinta goobaha ganacsiga iyo beegsiga dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan.”

“Waxaan halkaan amaan uga soo jeedinayaa laamaha amnigu talaabadii geesinimada lahayd ee ay ku soo bad badiyeen dad faro badan oo ku xanibnaa gudaha Hotelka, waxana ku boorinayaa laamaha amniga iney muujiyaan feejignaan dheeraad ah, si shacabka looga bad baadiyo kooxaha doonaya iney dhibaateeyaan” ayuu yiri RW Cumar.

Ugu danbayntii, RW ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed meel kasta ay joogaan iney u midoobaan dagaalka ka dhanka ah argagaxisada, oo caado ka dhigtay xasuuqa dadka aan waxba galabsan, islamarkaan doonaya iney si khasab ah dadka uga dhaadhicyaan fikirkooda khaldan.

 

—DHAMMAAD—-

Previous Post

Qaar ka mid ah shaqaalaha Wasaaradda Shaqada oo loo furay tababar aqoon kororsi ah “SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Waxqabadkii Xukuumadda DanQaran ee afartii sano ee la soo dhaafay

Waxqabadkii Xukuumadda DanQaran ee afartii sano ee la soo dhaafay

June 15, 2026
0

AMNIGA • Xoreynta deegaanno iyo magaalooyin ka badan 120 oo horay uga maqnaa gacanta dowladda. • Xaqiijinta amniga caasimadda Muqdisho....

Daahfurka Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8-aad ee Gobolka Banaadir

Daahfurka Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8-aad ee Gobolka Banaadir

June 15, 2026
0

Muqdisho – Waxaa maanta si rasmi ah loo daahfuray Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8-aad ee Gobolka Banaadir, Sanad-dugsiyeedka 2025–2026,...

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Xoghayaha Ururka Suxufiyiinta NUSOJ

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Xoghayaha Ururka Suxufiyiinta NUSOJ

June 14, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Xoghayaha Guud...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Gamacsato iyo Maalgashadayaal ka socda Talyaaniga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Gamacsato iyo Maalgashadayaal ka socda Talyaaniga

June 14, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Aqalka Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay wafdi ganacsato iyo maalgashadayaal ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In