Friday, June 6, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay shirmadaxeedka Jaamacadda Carabta ee Sharm El Sheikh “SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
March 28, 2015
in Wararka
0
Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay shirmadaxeedka Jaamacadda Carabta ee Sharm El Sheikh “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

28 Maarso 2015, Sharm El Sheikh: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa  khudbad qiimo leh ka jeediyay shir madaxeedka waddamada xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta oo maanta ka furmey magaalada Sharm El Sheikh ee dalka Masar.

Madaxweynaha ayaa khudbaddiisa ku xusey arrimo muhiim ah oo la xiriira xaaladda Soomaaliya iyo arrimaha kale ee ka jira waddamada Carabta.

Related posts

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

June 5, 2025
Xukunka horjooge tashkiiliyay Saraakiil Ciidan oo la toogtay

Xukunka horjooge tashkiiliyay Saraakiil Ciidan oo la toogtay

June 5, 2025

Waxaa uu madaxweynaha u sheegay hoggaamiyeyaasha Carbeed in Soomaaliya oo haatan ka soo kabaneysa dagaalo sokeeyo oo muddo dheer qaatey, ay haatan sameysey horumar dhinacyo badan, sida siyaasadda, hirgelinta nidaamka federaalka, amniga iyo soo celinta adeegyada bulshada, wallow ay jiraan caqabado u baahan in wax laga qabto.

”Waxa inoogu muhiimsan dhammaan waxyaabaha aan qabaneyno wa nabadgelyada, dadaal badan ayaanna sameyney, walow kooxda nabadda ka soo horjeeda ay mar walba isku daydo inay carqalad abuurto. Waad wada maqasheen waxay shaley ka sameeyaan Muqdisho, iyagoo naf la caari ah ayay weerareen hotel ay ku sugnaayeen shacab dalkooda iyo dadkooda wax u qabanaya. Dad muhiim ah ayaan ku weyney, lakin taasi nagama hor istaageyso sii wadista dagaalka aan ku doooneyno inaan gebi ahaanba ku tirtirno, kooxda oo goobo yar haatan ku soo uruurey, ayna ka muuqato xaalad quus ah. Waxaana Jaamacadda Carabta ka codsaneynaa inay iyana gacan ka geysato sidii aan u dhameystiri lahayn barnaamijka dowladda ee amniga iyo xasilinta.”

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka dalbaday Jaamacadda Carabta inay fuliso balanqaadyadii taageerada dhaqaale ee Soomaaliya, si wax loogu qabto hawlaha faraha badan ee dowladda horyaalla.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale ka hadley xasaradda ka aloosan Yemen oo uu sheegey in Soomaaliya ay si buuxda u taageersan tahay dowladda uu madaxweynaha sharciga ah ka yahay  Abd Rabbuh Mansur Hadi, isla mar ahaantaana ay Soomaaliya si buuxda u taageersan tahay mowqifka Jaamacadda Carabta ee Yemen.

Waxaa kale oo uu madaxweynaha ka hadley qadiyadda Falastiin, dagaalka argagixisada caalamiga iyo xalinta mashaakilaadka ka taagan dalalka Carabta.

Hoggaamiyeyaasha kale ee Carabta ee iyaguna ka hadley kulan madaxeedkan ayaa  iyaguna khudbadahooda ku xusey arrimaha Soomaaliya, sheegayna inay mar walba garab taagan yihiin dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

IMG_5943

IMG_5920

IMG_5909 IMG_5910 IMG_5911

IMG_5919 IMG_5920 IMG_5922 IMG_5923 IMG_5924 IMG_5926 IMG_5930 IMG_5932 IMG_5934 IMG_5938 IMG_5942 IMG_5943 IMG_5946 IMG_5998
IMG_6000 IMG_6001 IMG_6003 IMG_6004 IMG_6005 IMG_6006 IMG_6007 IMG_6008 IMG_6009 IMG_6010

 

Previous Post

Safiirka Soomaaliya ee Suudaan oo ka qayb galay Dood cilmiyeed looga hadlayay dhibaatooyinka Tahriibka ”SAWIRO”

Next Post

Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay Amiirada Kuwait,Qatar,Urdun iyo madax kale “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay Amiirada Kuwait,Qatar,Urdun iyo madax kale “SAWIRRO”

Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay Amiirada Kuwait,Qatar,Urdun iyo madax kale "SAWIRRO"

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

June 5, 2025
0

Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsanaan doona dalka Yemen mudane Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed),ayaa warqadaha aqoonsiga danjirannimo...

Xukunka horjooge tashkiiliyay Saraakiil Ciidan oo la toogtay

Xukunka horjooge tashkiiliyay Saraakiil Ciidan oo la toogtay

June 5, 2025
0

Muxudiin Cabdisalaan Maxamuud “Daqare”,ayaa lagu soo eedeeyay kamid ahaanshiyaha Argagixisada iyo in uu dadka ku tashkiilin jiray inay ku biiraan...

Shirweynaha Qaran ee Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada oo ka socdo Muqdsho maalintii labaad

Shirweynaha Qaran ee Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada oo ka socdo Muqdsho maalintii labaad

June 5, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Cumar Maxamed, ayaa furay maalinta labaad ee Shirweynaha...

Wasiirka Caafimaadka XFS oo qaab foggaan arag ah uga qeyb galay kulan looga hadlayay Daacuunka

Wasiirka Caafimaadka XFS oo qaab foggaan arag ah uga qeyb galay kulan looga hadlayay Daacuunka

June 5, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Dr. Cali Xaaji Aaden, ayaa ka qayb galay shir heerkiisu sarreeyo oo ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In