Tuesday, October 14, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shaqaale ka tirsan Waaxda Dabdamiska Gobolka Banadir oo tababar loogu soo Xiray Nairobi “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Shaqaale ka tirsan Waaxda Dabdamiska Gobolka Banadir oo tababar loogu soo Xiray Nairobi “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maamulka Gobolka Banaadir oo kaashaneya UNSOA iyo Kenyan Airport Authority ayaa qaar ka mid ah shaqaalaha Waaxda dabdamiska tababar kor loogu qaadayay xirfadooda ugu soo xiray magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, iyadoo munaasabada ay ka qeyb galeen xubno ka tirsan maamulka gobolka, safiirka Soomaaliya ee Kenya iyo mas’uuliyiin kale.

Shaqaalaha tababarka loo soo xiray oo tiradoodu gaareysay 18 ayaa muddoo afar isbuuc ah waxa ay baranayeen howlaha la xiriira daminta dabka iyo sharciyada loo marayo marka uu meel dab ka kaco.

Related posts

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

October 14, 2025
Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

October 14, 2025

Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka Gobolka Benaadir ee dhanka maamulka iyo Maaliyadda Mudane Ismaaciil Cabdi Guure ayaa ku bogaadiyay shaqaalaha tababarka u soo dhamaatay inay bulshadooda ugu adeegaan waxyaabaha ay soo barteen.

“Soomaaliya idinka ayey idin sugeeysaa, waxaa la idinka sugayaa in aad tababarkaan oo kale u fidisaan guud ahaan wadanka Soomaliya, waxna ugu qabataan shacabkii waxyaabihii la idin baray” ayuu yiri Guddoomiye ku-xigeenka.

Safiirka Soomaaliya ee wadanka Kenya Dajire Maxamed Cali Nuur Ameeriko ayaa xusay in shaqaalaha ay waxbadan ka qaban karaan howlaha loo tababaray.

“Dadaalka aad mujiseen waxeey guul weyn u tahay wadankeena waxaadna tahihiin kuwo lagu faano, waxaana la idinkaga baahanyahay in aad si hufan u gudataan howlaha la idin idmaday” ayuu yiri Danjire Cali Ameeriko.

Ugu dambeyntii dhalinyaradii tababarka loo soo xiray ayaa la guddoonsiiyay  shahadooyin heerarkooda kala duwanyahay.

11081183_858920504153582_7861458876616729840_n IMG_9592 IMG_9606

 

 

Previous Post

Maxkamadda ciidanka qalabka sida ee Beladweyne oo xukunno ku riday rag ka tirsan Al-Shabaab

Next Post

Barnaamijka Sahanka oo looga hadlay qatarta ka dhalan karta in bulshada la dhibaateeyo “Dhageyso+Sawirro”

Next Post
Barnaamijka Sahanka oo looga hadlay qatarta ka dhalan karta in bulshada la dhibaateeyo “Dhageyso+Sawirro”

Barnaamijka Sahanka oo looga hadlay qatarta ka dhalan karta in bulshada la dhibaateeyo “Dhageyso+Sawirro”

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

October 14, 2025
0

14-ka Oktoobar,gaar ahaab 2017-kii waaa dhacdo aad u xanuun badan oo laheyd naxdin iyo amakaag,,kadib kolkii maalin qura ay dhibaatooyin...

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

October 14, 2025
0

Shirka Heer Wasiir ee Ururka Dhexdhexaadka Adduunka (Non-Aligned Movement – NAM) ayaa ka furmay magaalada Kampala ee dalka Uganda. ‎...

Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka oo laga xusay Muqdisho

Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka oo laga xusay Muqdisho

October 13, 2025
0

Iyadoo caalamku maanta u xusaysaa Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka, Soomaaliya waxay xusaysaa adkeysiga iyo geesinimada bulshada Soomaaliyeed...

𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐌𝐅 𝐨𝐨 𝐒𝐨𝐨 𝐒𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚, 𝐊𝐚𝐝𝐢𝐛 𝐊u𝐥𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐘𝐞𝐞𝐬𝐡𝐞𝐞𝐧 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐈𝐌𝐅

𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐌𝐅 𝐨𝐨 𝐒𝐨𝐨 𝐒𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚, 𝐊𝐚𝐝𝐢𝐛 𝐊u𝐥𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐘𝐞𝐞𝐬𝐡𝐞𝐞𝐧 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐈𝐌𝐅

October 13, 2025
0

Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa soo saartay Warbixinta dib-u-eegista 4-aad ee barnaamijka wada-shaqaynta ah ee ay la leedahay Dowladda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In