Monday, April 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wafdi ka socda Dowladda federaalka ah oo si diiran loogu soo dhaweeyay degmada Dhuusa mareeb{SAWIRRO}

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Wafdi ka socda Dowladda federaalka ah oo si diiran loogu soo dhaweeyay degmada Dhuusa mareeb{SAWIRRO}
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wafdi balaaran oo uu hogaaminayo wasiiru dowlaha xafiiska ra,iisul wasaaraha Somalia Cabdi Raxmaan Kulmiye Xersi uuna sidoo kale ka mid yahay danjiraha dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Ethiopia Mudane Axmed Cabdi Salaan Xaaji Aadan ayaa waxaa si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Dhuusa mareeb ee xarunta gobolka Galgaduud halkaa oo uu maanta gaaray wafdigaasi.

Wafdiga ayaa waxaa munaasbaad soo dhaweyn ah loogu sameeyay wafdiga xaruntii dhawaan uu ku soo idlaaday shirkii dib u heshiisiinta beelaha daga gobolada Mudug iyo Galgaduud oo ku taala magaalada Dhuusa mareeb iyadoo ay ka qayb galeen mas,uuliyiinta maamulka gobolka iyo odayaasha dhaqanka eee ka qayb galay shirkii halkaa ku soo idlaaday dhawaan.

Related posts

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka qeybgalay kulanka Nabad dhisidda

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka qeybgalay kulanka Nabad dhisidda

April 13, 2026
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika

April 13, 2026

Gudoomiyaha degmada Dhuusa mareeb Macalin Cabdi raxmaan Cali Geeda qorow waxaana uu sheegay in si weyn uu ugu soo dhaweynayo magaalada wafdiga dowladda Soomaaliya ka socda ee halkaa gaaray.

“waxaan rabaa walaalayaal anigoo ku hadlay codkeyga iyo codka dadka dagan magaaladaan ku soo dhawaada niyad san iyo gacmo furan waxay noo tahay farxad in aad na soo booqataan dadkaani waa dad samaha jecel diyaarna idiin ah”ayuu yiri gudoomiyuhu.

Gudoomiyaha gobolka Galgaduud ee dowladda Soomaaliya mudane Xuseen Cali Wehliye Cirfo oo ka hadlay munaasbaadaas lagu soo dhaweynayay wafdiga gaaray Dhuusa mareeeb ayaa waxaa uu sheeegay in bulshada ku dhaqan gobolada Mudug iyo galgaduud iyaga oo isku duuban ay soo dhaweynayaan wafdiga halkaa gaaray ayna qayb ka yihiin wafuud dowladda Federaalka ah ka socota oo dhawaanahaanba gobolka gaarayay.

Ugu dambeyn waxaa ka hadlay munaasabada danjiraha Soomalaiya u fadhiya dalka Ethiopia mudane Axmed Cabdi salaan Xaaji Aadan oo uga mahad naqay bulshada soo dhaweysay isaga iyo mas,uuliyiinta kaleba sida qiimaha badan ee ay magaalada ugu soo dhaweeyeen waxaana uu sheegay in sababta uu gobolka u tagay ay tahay in la dar dar galiyo howlaha maamul u sameynta goboladaas ee ka socda gobolka.

“Runtii anigu gobolka horana waan u imid hadana waxaan u imid in aan adinka idin dhageesto wax badana idinka barto waxaan rabaa in aan howshii aad wadeen gacan sii siiyo siina xoojiyo shaqadii socotay”ayuu yiri danjiruhu.

1 2 3 4 5

Previous Post

Shir Dib U Heshiisiin Iyo Aayo Ka Talinta Gobolka Hiiraan Oo Beledweyne Ka Furmay

Next Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho 30 03 2015

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho 30 03 2015

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka qeybgalay kulanka Nabad dhisidda

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka qeybgalay kulanka Nabad dhisidda

April 13, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Mudane Cabdulqaadir Cilmi, ayaa maanta ka qaybgalay kulan ku saabsan doorka...

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika

April 13, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cali ayaa kulan kula yeeshay xarunta...

Shirka Golaha Wasiirrada oo lagu meel mariyay Xeer-nidaamiyaha Cafiska Guud

Shirka Golaha Wasiirrada oo lagu meel mariyay Xeer-nidaamiyaha Cafiska Guud

April 13, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulan aan caadi ahayn, ayaa lagu ansixiyey Agaasimaha Guud ee Hey’adda Socdaalka...

Xuseen Iidow oo loo magacaabay Agaasimaha Guud ew Hay’adda Socdaalka

Xuseen Iidow oo loo magacaabay Agaasimaha Guud ew Hay’adda Socdaalka

April 13, 2026
0

Golaha Wasiiradda XJFS ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay magacaabista Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, xilkaas oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In