Saturday, June 7, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladaha Soomaaliya iyo China oo heshiis kala saxiixday {SAWIRRO}

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
April 1, 2015
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Heshiiskaan la xiriira dhanka iskaashiga ayaa maanta waxaa ku kala saxiixday magaalada muqdisho wasiirka  arimaha dibadda Soomaaliya mudane Cabdi salaam Hadliye Cumar iyo Danjiraha Dowladda Shiinaha u fadhiya dalka Soomaaliya Danjire Warsame Geeljire .

Danjiraha dowladda China u fadhiya Soomaaliya oo ka hadlay goobta Heshiiska ay ku kala saxiixdeen labada mas,uul ayaa waxaa uu sheegay in heshiiskani uu muujinayo astaan cusub oo xoojineysa xiriirka soo jireenka ah eee ka dhexeeya Soomaaliya iyo China isagoo balanqaaday in China ay diyaar u tahay in ay xoojiso xiriirkaas Soomaaliyana ay garab istaagto.

Related posts

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

June 5, 2025
Xukunka horjooge tashkiiliyay Saraakiil Ciidan oo la toogtay

Xukunka horjooge tashkiiliyay Saraakiil Ciidan oo la toogtay

June 5, 2025

Danjiraha ayaa waxaa uu ku wareejiyay wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya lacag gaareysa 80 milyan oo lacagta dalka China ah isla markaana u dhiganta 13 milyan oo doolarka mareykanka ah taas oo China ay ugu talo gashay in ay uga qayb qaadato dib u dhiska dalka Soomaaliya.

Wasiirka arimaha dibadda Jamhuuriyada Soomalaiya mudane Cabdi salana Hadliye Cumar ayaa lacagtaas ka gudoomay danjiraha waxaana uu uga mahadnaqay Dowladda China sida ay u caawineyso dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed iyo sida ay mar walba diyaar ugu tahay in xiriirka labada dalka uu sii adkaado.

IMG_6277 IMG_6273 IMG_6275 IMG_6271 IMG_6269 IMG_6266 IMG_6259 IMG_6263 IMG_6264 IMG_6265 IMG_6257 IMG_6258 IMG_6255 IMG_6254 IMG_6253 IMG_6246 IMG_6251 IMG_6270

 

SAWIR QAADE QADAR CALI NUUR

Previous Post

Madaxweynaha oo hambalyo u direy hoggaamiyaha cusub ee Nigeria

Next Post

Gudoonka baarlamaanka Soomaaliya oo ka qayb galay shir ka furmay Kampala

Next Post
Gudoonka baarlamaanka Soomaaliya oo ka qayb galay shir ka furmay Kampala

Gudoonka baarlamaanka Soomaaliya oo ka qayb galay shir ka furmay Kampala

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

June 5, 2025
0

Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsanaan doona dalka Yemen mudane Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed),ayaa warqadaha aqoonsiga danjirannimo...

Xukunka horjooge tashkiiliyay Saraakiil Ciidan oo la toogtay

Xukunka horjooge tashkiiliyay Saraakiil Ciidan oo la toogtay

June 5, 2025
0

Muxudiin Cabdisalaan Maxamuud “Daqare”,ayaa lagu soo eedeeyay kamid ahaanshiyaha Argagixisada iyo in uu dadka ku tashkiilin jiray inay ku biiraan...

Shirweynaha Qaran ee Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada oo ka socdo Muqdsho maalintii labaad

Shirweynaha Qaran ee Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada oo ka socdo Muqdsho maalintii labaad

June 5, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Cumar Maxamed, ayaa furay maalinta labaad ee Shirweynaha...

Wasiirka Caafimaadka XFS oo qaab foggaan arag ah uga qeyb galay kulan looga hadlayay Daacuunka

Wasiirka Caafimaadka XFS oo qaab foggaan arag ah uga qeyb galay kulan looga hadlayay Daacuunka

June 5, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Dr. Cali Xaaji Aaden, ayaa ka qayb galay shir heerkiisu sarreeyo oo ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In