Thursday, October 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoonka Baarlamaanka Iyo Hay’adaha Taageera Oo Shir Qorsheyn Ah Uu Uga Furmay Kampala “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
12 years ago
in Wararka, Xulashada
0
Guddoonka Baarlamaanka Iyo Hay’adaha Taageera Oo Shir Qorsheyn Ah Uu Uga Furmay Kampala “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoonka Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Hay’adaha taageera Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda uga furmay shir la xiriira qorsheynta howlaha u harsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxaa kasoo qeybgalay Gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee Baarlamaanka Mudane Jeeylaani Nuur Iikar, Gudoomiye ku xigeenka Labaad Mudane Mahad Cabdalla Cawad,Wasiirudowlaha xiriirka Baarlamaanka Mudane Caadil Sheegoow Sagaar iyo inta badan mas’uuliyiin ka socota hay’adaha taageerra Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

October 12, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

October 12, 2026

Shirka waxaa si rasmi ah u furay Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari waxaana uu u mahad celiyey dhammaan wakiillada hay’adaha ee kasoo qeybgalay waxaana uu ka hadlay qorshayaasha la hiigsanayo Kalfadhiyada soo socda ee u haray Baarlamaanka iyo sida ay howlahaasi hor u tebin u kala leeyihiiin waxaanauu muujiyey sida uu Guddoonka Baarlamaanka mar walba usoo dhaweynayo hay’ad kasta oo taageereysa.

Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa isna khudbad uu ka jeediyey madasha waxa uu mid mid ugu dul istaagay sharciyadii kala duwanaa ee Baarlamaanku meel mariyey Kalfadhigii 5aad ee Golaha Shacabka waxaana uu dhanka kale sharaxay shuruucda ugu horeeya ee uu Golaha Shacabka muhiimad siin doono Kalfadhiga 6aad ee Baarlamaanka oo furmi doona 15ka bishan April.

Shirkan oo socon doona mudo seddex cisho ah ayaa gebagebadiisa waxaa la filayaa iney kasoo baxaan go’aanno iyo qorshayaal muhiim u noqonaya in Kalfadhiga 6aad ee Baarlamaanka howlaha la qabanayo ay noqdaan kuwo si weyn looga baaraan degay ayadoo shaqo walbana la ogaan doono waxyaabaha lagama maarmaanka u ah qabashadeeda.

—-DHAMMAAD—-

DSC_4990 DSC_4996 DSC_5061 DSC_5062 DSC_5063 DSC_5064 DSC_5066 DSC_5067

W/Q/ Omar Hassan Khaire

Previous Post

Hay.ada Culimada Soomaaliyeed oo bayaan ka soo saartay arimaha dalka Yemen

Next Post

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa Turkiga “SAWIRRO”

Next Post
Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa Turkiga “SAWIRRO”

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa Turkiga “SAWIRRO”

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

October 12, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay Shirka Saddexaad ee Bulshada...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

October 12, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay munaasabad heer qaran ah oo si maqaam sare...

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
0

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay ka xun tahay, si adagna u cambaareyneysaa weerarrada iyo falalka hubeysan ee...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In