Wednesday, November 5, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xukuumadda Soomaaliya oo ka tacsiyeysay geeridii ku timid Marxuum Xildhibaan Xuseen Baantuu

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Allaha u naxriistee Sheekh Cabdi Shiikhaal oo maanta geeriyooday
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashid Cali Sharmarke ayaa ka tacsiyeeyey geeridii ku timid Allaha u naxariistee Marxuum Xuseen Maxamuud Muuse (Xuseen Baantuu) oo ka mid ahaa mudaneyaasha baarlamaanka oo maanta ku geeriyooday hooygiisa oo ku yaalla Muqdisho.

“Allaha u naxariistee Marxuum Xuseen Baantuu waxa uu u soo shaqeeyey qaranka Soomaaliyeed, xilliyo duruuftoodu kala duwan tahay, waxana uu ahaa nin si weyn u rumaysan Soomaaliya oo nabad ah oo horumartay, dadkeeduna ku nool yihiin midnimo, caddaalad iyo barwaaqo. Waxa uu ahaa geesi aan aragtidiisa la gabban oo dood-yaqaan ah marka lagu jiro Baarlamanka iyo xilliyada kale ee laga hadlayo arrimaha Soomaaliya” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid.

Related posts

Danjire Maxamed Cabdullaahi oo waraaqaha aqoonsiga Safiirnimo u gudbiyay Madaxweynaha dalka Ukraine

Danjire Maxamed Cabdullaahi oo waraaqaha aqoonsiga Safiirnimo u gudbiyay Madaxweynaha dalka Ukraine

November 5, 2025
Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka oo daahfuray narnaamijka Ilaalinta iyo daryeelka bulshada.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka oo daahfuray narnaamijka Ilaalinta iyo daryeelka bulshada.

November 5, 2025

Wasiirka Warfaafinta ee xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo baarlamaanka iyo shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyadeeynayay geerida Xildhihaanka ayaa yiri: “Geeridu waa xaqa, qof walbana waa dhimanayaa, waxaan halkaan tacsi tiiraanyo leh uga dirayaa qoyska, ehelada iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Marxuum Xildhibaan Xuseen Baantuu oo ku geeriyooday Muqdisho, waxaana ilaahay uga baryeeynaa inuu Kitaabkiisa ka siiyo gacanta midig, kana waraabiyo Janatul Firdowso,”.

Waxaa kaloo tacsi taa la mid ah diray Xubno ka tirsan labada gole ee dowladda oo ehelada iyo qoyska uu ka geeriyooday Marxuumka uga baryay in uu samir iyo Iimaan Alle ka siiyo.

Inaa-Lillaahi-Waa-Innaa-Ileyhi-Raajicuun

 

Previous Post

Allaha u naxariisto Xildhibaan Xuseen Baantuu oo ku geeriyooday Muqdisho

Next Post

Dhageyso Barnaamijka Bandhigga Wareysiyada ee Radio Muqdisho

Next Post
Muxaadaro ka Hadleysa Islaamka iyo Qabyaalada oo uu Caawa Sh Muxamed Macalin Axmed ku qabtay magaalada gaalkacyo

Dhageyso Barnaamijka Bandhigga Wareysiyada ee Radio Muqdisho

Danjire Maxamed Cabdullaahi oo waraaqaha aqoonsiga Safiirnimo u gudbiyay Madaxweynaha dalka Ukraine

Danjire Maxamed Cabdullaahi oo waraaqaha aqoonsiga Safiirnimo u gudbiyay Madaxweynaha dalka Ukraine

November 5, 2025
0

Madaxweynaha dalka Ukraine, Mudane Volodymyr Zelenskyy, ayaa ka guddoomay waraaqaha aqoonsiga Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Ukraine,...

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka oo daahfuray narnaamijka Ilaalinta iyo daryeelka bulshada.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka oo daahfuray narnaamijka Ilaalinta iyo daryeelka bulshada.

November 5, 2025
0

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa daahfuray Barnaamijka Ilaalinta iyo Daryeelka Bulshada, oo ay...

Wasiirka Warfaafinta oo haddiyad ku saabsan Matxafka Carta guddoonsiiyay Ra’iisul Wasaaraha.

Wasiirka Warfaafinta oo haddiyad ku saabsan Matxafka Carta guddoonsiiyay Ra’iisul Wasaaraha.

November 5, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre,...

Wasiirka Qorsheynta XFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay dhiggiisa Brazil.

Wasiirka Qorsheynta XFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay dhiggiisa Brazil.

November 5, 2025
0

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay Wasiirka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In