Monday, September 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

kulan looga hadlayay daryeelka caruurta darbi jiifka ah oo Garoowe lagu soo gabagabeyay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
kulan looga hadlayay daryeelka caruurta darbi jiifka ah oo Garoowe lagu soo gabagabeyay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

kulankaan oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda haweenka Maamulka Puntland ayaa waxaa lagu qabtay Xarunta Wasaaradaas waxaana ka qayb galay mas,uuliyiin ka tirsan maamulka iyo Ururada u dooda Xaquuqda Caruurta iyo daweyne kale kulankas diirada waxaa lagu saaray sidii wax loogu qaban lahaa caruurta darbi jiifka ah iyo kuwa kale ee iyaguna an haysan daryeelka ee ku nool degaanada maamulka Puntland.

Agasimaha waaxda daryeelka caruurta wasaaradda haweenka Puntland Aamina Maxamed oo ka hadashay kulnakaan lagu soo gabagabeeyay Garoowe ayaa waxaa ay si fah faahsan uga hadashay qorshaha wasaarada uga dagsan Caruurta danyarta ah waxaana ay sheegtay in kulankaan ay iska kaashadeen Wasaaradda iyo Hay.adda Caruurta Jamciyadda Qaruumaha ka dhexeysa u qaabilsan ee UNICEF  .

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo la kulmay Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo la kulmay Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

September 20, 2026
MADAXWEYNAHA JFS OO QASRIGA MADAXTOOYADA KU QAABILAY WAFDI SARE OO KA SOCDA CIIDANKA CIRKA DOWLADDA PAKISTAN

MADAXWEYNAHA JFS OO QASRIGA MADAXTOOYADA KU QAABILAY WAFDI SARE OO KA SOCDA CIIDANKA CIRKA DOWLADDA PAKISTAN

September 20, 2026

“Kulankaan waxaan isla kaashanay hay’adda UNICEF  waxaan uga hadleynay sidii loo daji lahaa siyaasad caruurta da’yarta ah ee ku dhibaateysan Deganada Puntland waxaan la kulanay caruurta qudhooda inagoo weydiinay sida ay tahay in ay uga qayb qaataan dajinta siyaasadaas waxaa ilaah mahadiis ah in ay caruurtu naga ogoladeen saxiixeena fulinta howshaas”ayay tiri agaasimaha.

Mas,uul ka socday Hay.adda UNICEF oo lagu magacaabo Maxamuud Cali Yuusuf oo isna ka hadlay xiritaanka Kulankaas ayaa waxaa uu sheegay in ay muhiim tahay in Caruurta Soomaaliyeed ay Daryeel helaan isla markaana ay qayb muhiim ah ka qaadanayaan ka UNICEF ahaan sidii Caruurta loo garab istaagi lahaa.

Previous Post

Kulan looga hadlayay wax u qabashada bulshada Degmada Buurhakaba oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post

Wasiirka Gaashaandhiga oo Muqdisho ku soo laabtay ka dib booqasho uu ku joogay maalmo Caabudwaaq{SAWIRRO}

Next Post
Wasiirka Gaashaandhiga oo Muqdisho ku soo laabtay ka dib booqasho uu ku joogay maalmo Caabudwaaq{SAWIRRO}

Wasiirka Gaashaandhiga oo Muqdisho ku soo laabtay ka dib booqasho uu ku joogay maalmo Caabudwaaq{SAWIRRO}

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo la kulmay Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo la kulmay Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

September 20, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa kulan la qaatay Guddiga Madaxa Bannaan ee...

MADAXWEYNAHA JFS OO QASRIGA MADAXTOOYADA KU QAABILAY WAFDI SARE OO KA SOCDA CIIDANKA CIRKA DOWLADDA PAKISTAN

MADAXWEYNAHA JFS OO QASRIGA MADAXTOOYADA KU QAABILAY WAFDI SARE OO KA SOCDA CIIDANKA CIRKA DOWLADDA PAKISTAN

September 20, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay...

Wasiirka Gaashaandhigga oo qaabilay Danjiraha Masar iyo Wafdi Saraakiil Ciidan

Wasiirka Gaashaandhigga oo qaabilay Danjiraha Masar iyo Wafdi Saraakiil Ciidan

September 20, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi saraakiil ciidan ah oo...

Wasiirka Warfaafinta oo qaabilay Wakiilka UNDP ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta oo qaabilay Wakiilka UNDP ee Soomaaliya

September 20, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In