Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmar’arke, ayaa maanta kulan ay ku wehliyeen wasiirka Warfaafinta Soomaaliya iyo ku xigeenkiisa la qaatay Fannaaiinta hobollada Qaranka ee Waaberi, waxaana kulankaasi looga hadlayey dardargelinta doorka Wacyigalinneed ee Fannaaniinta.
Ujeedada kulankan qadada uu u sameeyey Ra’iisul wasaaraha masuuliyiinta hobollada Qaranka Waaberi iyo Warbaabinta dowladda, ayaa aheyd sidii uu ugu dhiiragelin lahaa sare u qaadidda wacyigalinta bulshada Soomaaliyeed ay u hayaan labadaas hey’adood.
kulanka qadada waxaa ka hadlay maareeyaha Tiyaatarka Qaranka Cabdi Nuux Yuusuf, oo yiri “mudane Ra’iisul wasaare, waad ku mahadsan tahay qadada aad nagu casuumtay, waxaanse kuu shageeyaa in ay jiraan daruufo badan, hasa yeeshee aan ballanqaadeyno in aan xoojinno doorka wacyigalinneed ee bulshada Soomaaliyeed, si dalka iyo dadka loo gaarsiiyo midnimo iyo is aaminid”.
Sidoo kale, madasha qadada aheyd, waxaa ka hadlay agaasimaha Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed C/raxmaan Yuusuf Cumar Al-cadaala, waxa uu sheegay in warbaahinta Qaranka ay kaalin mug leh ka qaadato soo nooleynta kalsoonida shacabka Soomaaliyeed, waxa uu yiri “ waxaan sameynaa ololle ka dhan ah argagixisada, burcad-badeedda iyo wax walba oo bulshada dhib ku ah, anagoo sii wadi doona arrintaasi, iyadoo lagama maarmaan ay tahay taageeradiina”.
Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiis, mudane Cabdullaahi Colaad Rooble ayaa sheegay in Warbaahinta Qaranka iyo fannaaniinta Waaberi oo iskaashaday in ay dalka gaarsiiyeen meel wanaagsan dhanka wacyigelintana, laakin wax ay u baahan yihiin la si joogto ah looga warqabo, laguna dhiiragaliyo shaqadooda ayuu ku soo koobay hadalkiisa.
Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uga mahadceliyey kulanka qadada ah, sheegayna in wasaaradda Warfaafinta ay tahay hey’ad laf dhabar u ah dowladda oo dhan, isla markaana loo baahan yahay in laga wada faa’ideysto awoodda ku jirta, gaar ahaan Warbaahinta Qaranka iyo hobollada Fannaaniinta Waaberi.
Ugu dambeyn Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmar’arke,, ayaa ku ammaanay howl-wadeenna Warbaahinta Qaranka sida muuqata ee ay waxqabadka dalka u soo bandhigeen iyo horumarrada ay dowladdu sameyso, isagoo fannaaniinta Waaberina kula dardaarmay in ay xoojiyaan kaalinta ay ku leeyihiin wacyigalinta dalka iyo dadka, waxa uu intaa raaciyey in lagu dadaali doono sidii loo dhisi lahaa xarunta murtida iyo madadaallada Qaranka Soomaaliyeed ee Tiyaatarka.