Saturday, March 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hay’adaha gargaarka oo Kenya ka codsaday in ay ka laaabato go’aanka ay ku joojisay Xawaaladaha

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Hay’adaha gargaarka oo Kenya ka codsaday in ay ka laaabato go’aanka ay ku joojisay Xawaaladaha
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Qaar kamid ah hay’adaha gargaarka ee caalamiga ah ayaa dowladda Kenya ugu baaqay in ay u ogolaato in shaqadooda dib u bilaabaan shirkadaha Xawaaladaha, waxayna walaac ka muujiyeen dhibaatada xanibaada ay u geysan karto halganka nolaleed ee qoysas badan oo Soomaali ah iyo shaqada hay’adaha gargaarka ee gudaha Soomaaliya.

” Qoysaska Soomaliyeed ayaa waayaya habka kali ah oo shafaafiyadda leh oo lacagaha ku dirsan jireen kuna heli jireen” ayaa lagu yiri war saxaafadeed ay si wada jir ah u soo saareen  hay’adaha kala ah Oxfam, CARE, Mercy Corps, Adeso iyo World Vision Somalia.

Related posts

Tartamayaasha Gubadley oo caawa u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Gubadley oo caawa u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 7, 2026
Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo la afuray ciidanka xoogga

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo la afuray ciidanka xoogga

March 6, 2026

” Hay’adaha gargaarka ee ka howlgala  Soomaaliya ayaa khatar ugu jira in ay lumiyaan habka ay diri jireen lacagaha lagu qabto howlaha bani’aadminimo iyo tan horumarineed ee Soomaaliya” ayaa lagu yiri bayaanka ka soo baxay hay’adahan laguna daabacay Wakaaladda wararka ee Reuters.

Daraasad ay sanadkii 2013-ka ay sameeyeen Oxfam, Adeso and the Inter-American Dialogue ayaa lagu sheegay in sanadkasta Soomaalida ku nool dalka dibadiisa ay ay gudaha Soomaaliya u diraan $1.3 Bilyan taas oo ka badan lacagaha loogu bixiyo arimaha gargaarka iyo horumarinta Soomaaliya.

Lacagaha dibadda laga soo diro ayaa malaayiin dad ah oo gudaha Soomaaliya jooga ay nolashoodu ku dirsan tahay inkastoo uu dalku soo kabanaayo hana waxaa jira caqabado aad u badan.

Maalintii Arbacada ee la soo dhaafay ayaa dowladda Kenya waxaa ay shaqada ka joojisay 13 Xawaaladood oo ay leeyihiin ganacsato Soomaali ah,kuwaas oo lagu eedeyay in ay maalgeliyaan kooxda nabad diidka ah ee UGUS.

Arintan ayaa ka dambeysay dhibaatadii ka dhacday Jaamacadda Gaarisa oo lagu dilay 148 arday.

“Tani waxaa ay dhibaato culus ku tahay Soomaalida ku nool dalka Kenya, cadada lacageed oo loo soo diro dadka Soomaliyeed oo ku nool Kenya aad ayay u badan tahay” waxaa sidaasi yiri gudoomiyaha  Bangiga Dhexe ee Soomaaliya Bashiir Ciise Cali.

Kooxdaha samafalka ayaa sheegay in shirkadaha Xawaaladaha ay dowladda Kenya ka joojisay rukhsadaha shaqada ay ahaayeen kuwo si sharci ah u maamuli jiray hanaankooda maaliyadeed isla markaana mas’uuliyiinta Kenya ay ka codsanayaan in arinta ay ku saleyso mid shakhsiyadeed.

 

Previous Post

Wasiirka waxbarashada oo marti ku aheyd barnaamijka kulanka Todobaadka “Dhageyso+Sawirro”

Next Post

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo goor dhow gaaray Garoowe

Next Post
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo goor dhow gaaray Garoowe

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo goor dhow gaaray Garoowe

Tartamayaasha Gubadley oo caawa u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Gubadley oo caawa u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 7, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo la afuray ciidanka xoogga

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo la afuray ciidanka xoogga

March 6, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta la afuray cutubyo ka tirsan  Ciidanka Xoogga Dalka, isaga oo ku...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyadeeyay geerida Marxuum Jeneraal Maxamed Cali Abokor

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyadeeyay geerida Marxuum Jeneraal Maxamed Cali Abokor

March 6, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh ka diray geerida, Alle ha u naxariistee, Janaraal...

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo Afur Sharafeed degmada Xamarweyne ugu qabatay Bulshada Banaadiriga

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo Afur Sharafeed degmada Xamarweyne ugu qabatay Bulshada Banaadiriga

March 6, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa magaalada Muqdisho Afur Sharafeed ugu...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In