Sunday, May 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xaflad soo dhaweyn ah oo xalay Garoowe loogu sameeyay Wafdiga Ra’iisul wasaaraha “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Xaflad soo dhaweyn ah oo xalay Garoowe loogu sameeyay Wafdiga Ra’iisul wasaaraha “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cumar Cabdi Rashid Cali Sharmarke iyo waftigiisa ayaa xalay ka qayb galay xaflad balaaran oo lagu soo dhaweynayey, taas oo ka dhacday xarunta madaxtooyada Puntland, waxaana xaflada ka soo qayb galay Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland, Ku xigeenka Madaxweynaha Puntland, wasiiro, Xildhibaanno, Isimo iyo dadweyne faro badan,

Xafladaan ayaa waxaa heeso wadani ah ka qaaday fanaaniinta hobolada waaberi ee Puntlnad, Abwaano ka tiriyey goobta gabayo iyo geeraaro kala duwan, iyo majaajilaystayaal ku cabirayey suugaantooda marxalada dalku marayo iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay in umadda Soomaaliyeed ay gacmaha is qabsadaan.

Related posts

Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala

Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala

May 31, 2026
Jadwalka imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8aad ee sanad dugsiyeedka 2025/2026 oo la shaaciyay

Jadwalka imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8aad ee sanad dugsiyeedka 2025/2026 oo la shaaciyay

May 31, 2026

Furitaanka Xaflada waxaa hadal isugu jira guubaabo iyo soo dhaweyn ka jeediyey Islaan Ciise Islaan Maxamed, wuxuuna islaamku u jeediyey codsi waftiga dowlada Federaalka ah kaas oo ku salaysan in ay Isimada Puntland ay fidiyeen gogol dib u heshiisiineed oo ay isugu yimadaan dhamaan wax garadka iyo cuqaasha Soomaaliyeed si loo turxaan bixiyo khilaafaadka wali ku haray bulshada dhexdeed,

Madaxweyna Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa dhankiisa sheegay in Puntland ay ka go’an tahay in ay dowlada Federaalka kala shaqayso arrimaha dib u heshiisiinta, dhanka kalana ay ka rajaynayaan dowlada Federaalka ah iney fuliso heshiisyadii ay wada galeen labada dhinac.

Ugu danbayntii RW Cumar oo soo xiray xaflada ayaa ka mahadceliyey soo dhaweyntii shalay iyo xafladaan qiimaha badan ee caawa loo sameeyey isaga iyo waftigiisa, wuxuuna Ra’iisul Wasaaruhu ka codsaday shacabka Puntland iney soo dhaweyaan dadka qaxootiga ah ee ka soo barakacaya Yeman. Sidoo kale RW Cumar ayaa goobta lagu gudoon siiyey Hadyado kala duwan.

—DHAMAAD—

unnamed (10) unnamed unnamed (1) unnamed (2) unnamed (3) unnamed (4) unnamed (5) unnamed (6) unnamed (7) unnamed (8) unnamed (9) unnamed (10) unnamed (11) unnamed (12) unnamed (13) unnamed (14) unnamed (15) unnamed (16) unnamed (17) unnamed (18) unnamed (19) unnamed (20) unnamed (21) unnamed (22)

Previous Post

Dhageyso Barnaamijka Bandhigga Wareysiyada ee Radio Muqdisho

Next Post

Wasiirka Gaashaandhigga oo ugu Hambalyeeyay Ciidanka XDS sanad guurada 55aad

Next Post
Wasiirka Gaashaandhigga oo ugu Hambalyeeyay Ciidanka XDS sanad guurada 55aad

Wasiirka Gaashaandhigga oo ugu Hambalyeeyay Ciidanka XDS sanad guurada 55aad

Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala

Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala

May 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dhaarinta Xildhibaanada Koofur-Galbeed: Riyadii hadda waa run. Shalay, Magaalada Baydhabo waxaa lagu dhaariyay Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Dawlad-goboleedka Koofur...

Jadwalka imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8aad ee sanad dugsiyeedka 2025/2026 oo la shaaciyay

Jadwalka imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8aad ee sanad dugsiyeedka 2025/2026 oo la shaaciyay

May 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir ayaa si rasmi ah u shaaciyay jadwalka Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8-aad ee...

Guddoomiye Aadan Madoobe oo la kulmay qaar kamid ah Saraakiisha Ciidamada Xooga Dalka

Guddoomiye Aadan Madoobe oo la kulmay qaar kamid ah Saraakiisha Ciidamada Xooga Dalka

May 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa kulan la qaatay Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Dhulka...

Horjoogayaal lagu dilay hawlgal ka dhacay Shabeellaha Hoose

Horjoogayaal lagu dilay hawlgal ka dhacay Shabeellaha Hoose

May 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal ay ka fuliyeen deegaanka Hanti Wadaag ee gobolka Shabeellaha Hoose ku dilay laba...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In