Tuesday, May 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Amniga “howlgal lagu soo gabagabeynayo Al-Shabaab ayaa dhacaya” (Shir jaraa’id)

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Amniga “howlgal lagu soo gabagabeynayo Al-Shabaab ayaa dhacaya” (Shir jaraa’id)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Amniga Gudaha ahna ku simaha Ra’iisul wasaaraha, Mudane C/risaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in tallaabooyin cusub oo dhanka ammaanka ah la qaadi doono si loo soo gabagabeeyo argagixisada.

Wasiirka Amniga Gudaha ahna ku simaha Ra’iisul wasaaraha, Mudane C/risaaq Cumar Maxamed oo caawa shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, ayaa ka hadlay weerarkii argagixiso ee lagu qaaday xarunta wasaaradda Hidaha iyo Tacliinta sarre ee magaalada Muqdisho, waxa uu yiri “weerarkaasi kuwa ugu badan ee ku dhintay waa argagixisada, dadka ay waxeellada ka soo gaartay ALLE ayaan caafmaad uga rajeynayaa, laakin ciidammada geesiyaasha ah ayaa fashiliyey damaca nabad diidka oo ahaa khasaaro badan balse ciidamada ayaa hor istaagay”.

Related posts

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY BULSHADA RAYIDKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY BULSHADA RAYIDKA

May 25, 2026
Soomaaliya oo soo dhaweysay bayaan wadareedka Wasiirrada Arrimaha Dibadda Islaamka ee Qarannimada Soomaaliya

Soomaaliya oo soo dhaweysay bayaan wadareedka Wasiirrada Arrimaha Dibadda Islaamka ee Qarannimada Soomaaliya

May 24, 2026

“Waxaan u tacsiyeynayaa dhamman ehellada dadkooda ay ku dhinteen ama ku dhaawacmeen, waxaanse  farriin u dirayaa kuwa horjoogayaasha u ah maleeshiyaadkan doonaya in ay umadda gumaadaan oo aan leeyahay waqtigiina waa uu dhammaadey waxaana la arki doonaa idinkoo ku jira gacanta hey’daha ammaanka dowladda, qorshaha labaad ayaa ah in la fuliyo howlgalka lagu soo gabagabeynayo jiritaanka Al-Shabaab” ayuu yiri wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya.

Mudane C/risaaq Cumar Maxamed ayaa  ammaan u jeediyey ciidammada amniga ee u taagan ka hortagidda cadowga ummadda Soomaaliyeed, waxaana ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed in  ay xoojiyaan la shaqeynta ciidammada iyo guud ahaan hey’adaha ammaanka si xasiloonida caasimadda ay u sugnaato iyo guud ahaan dalka oo dhan” ayuuri wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya.

Previous Post

DAAWO Sawirrada, Madaxweyne Xasan Sheekh oo Cadaado si weyn loogu soo dhoweeyey

Next Post

Dhageyso warka habeennimo ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso warka habeennimo ee Radio Muqdisho

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY BULSHADA RAYIDKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY BULSHADA RAYIDKA

May 25, 2026
0

Muqdisho, May 25, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay bulshada rayidka ah Soomaaliyeed,...

Soomaaliya oo soo dhaweysay bayaan wadareedka Wasiirrada Arrimaha Dibadda Islaamka ee Qarannimada Soomaaliya

Soomaaliya oo soo dhaweysay bayaan wadareedka Wasiirrada Arrimaha Dibadda Islaamka ee Qarannimada Soomaaliya

May 24, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay soo dhoweynaysaa bayaanka wadajirka ah ee ay...

Bayaan wadajir ah oo lagu cambaareynayo furitaanka sharci-darrada ah ee waxa loogu yeeray “Safaaradda Somaliland” ee Magaalada Qudus

Bayaan wadajir ah oo lagu cambaareynayo furitaanka sharci-darrada ah ee waxa loogu yeeray “Safaaradda Somaliland” ee Magaalada Qudus

May 24, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalal badan oo Islaami ah ayaa si adag u cambaareeyay tallaabada ay maamulka Somaliland ku...

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo war kasoo saartay cabashooyin ka yimi safarrada dalka Masar

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo war kasoo saartay cabashooyin ka yimi safarrada dalka Masar

May 24, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kumeel gaar ah u hakisay in Dalka Masar loogu safro oggolaanshaha safar ee loo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In