Xukunkaan maanta ay riday Maxkamada Darajada Koowaad ee Ciidanka Qalabka sida ayaa waxaa lagu riday 7 xubnood oo ka tirsan kooxda Argagixisada ah ee UGUS kuwaas oo maxkamdu sheegtay in ay qirteen Dambiyada Xeer ilaalinta maxkamadu ku soo eedeysay waxaana xukunada yihiin xabsi waqtiyo kala duwan ah.
Kaaliyaha Maxkamada Ciidanka qalabka sida Gaashaanle dhexe Xasan Cabdi raxmaan Aadan ayaa ku dhawaaqay xukunka maxkamada kooxdaas argagixisada ah oo ciidamada amaanku ay soo qabteeen iyagoo dhibaatada bulshada Muslimka ah ee Soomaaliyeed ka shaqeynaya ayaa waxaa lagu kala xukumay xabsiyo 10 sanno ilaa 5 sanno u dhaxeeya.
dadka xukunada lagu kala riday ayaa magacyadoodu kala yihiin.
Cabdi raxmaan Axmed Afrax
Cabdi raxmaan Muqtaar Caamir
Cabdi naasir Aadan Caynte
Cabdulaahi Xersi Maxamed
Maxamed Xasan Cali
Maxamed Cabdi Yuusuf
Maxamed Deeq Cabdul qaadir Fiidow
SAWIR QAADE MAXAMED IBRAAHIM RAAGE