Tuesday, October 14, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ku-simaha R/Wasaaraha oo booqday dadkii ku dhaawacmay Weerarkii shalay{SAWIRRO}

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Ku-simaha R/Wasaaraha oo booqday dadkii ku dhaawacmay Weerarkii shalay{SAWIRRO}
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka oo laga xusay Muqdisho

Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka oo laga xusay Muqdisho

October 13, 2025
๐‡๐š๐ฒโ€™๐š๐๐๐š ๐ˆ๐Œ๐… ๐จ๐จ ๐’๐จ๐จ ๐’๐š๐š๐ซ๐ญ๐š๐ฒ ๐–๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ค๐š ๐ƒ๐ก๐š๐ช๐š๐š๐ฅ๐š๐ก๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š, ๐Š๐š๐๐ข๐› ๐Šu๐ฅ๐š๐ง ๐š๐ฒ ๐˜๐ž๐ž๐ฌ๐ก๐ž๐ž๐ง ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐’๐š๐ซ๐ž ๐ž๐ž ๐ˆ๐Œ๐…

Ku-simaha Raโ€™iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Amniga Gudaha Mudane C/risaaq Cumar Maxamed, Wasiirka Waxbarashada Marwo Khadar Bashiir Cali, Wasiirka Batroolka & Macadanta Maxamed Mukhtaar Ibrahim, Wasiiru dowlaha Waxbarashada C/laahi Bile Nuur iyo xubno kale oo kamid ah golaha Wasiirada ayaa maanta booqday dhaawacyada dadkii ku wax yeeloobay weerarkii shalay ay kooxaha nabadiidka ku qaadeen xarunta Wasaaradda Hidaha iyo Tacliinta sare, halkaas oo ay daganayeen Wasaaradaha Waxbarashada iyo Batroolka & Macadanta.

Wasiirada ayaa booqday Isbitaalka Deva halkaas oo la geeyay inta badan dadka ay dhaawacyadu soo gaareen, waxana ay u rajeeyeen caafimaad, iyadoo xubnaha golaha Wasiirada ee isbitaalka booqday ay warbixin ka dhageysteen maamulka Isbitaalka Deva ee la tacaalaya dadka dhaawacyada qaba.

โ€œRuntii arrintani waa fal argagax leh, kuwa dhibaatadan u geystay shacabkana Insha allaahu wey ku naartegayaan. Shacabka Soomaaliyeed waa inay ciidamada Amniga ay la shaqeeyaan, sababtoo ah qof dhuumanaya oo hadana naftiisa haligaya waa Qatar, waase laga hortegi karaa haddii shacabka iyo ciidamada Amnigu ay wada shaqeeyaanโ€ ayuu yiri Wasirka Amniga Gudaha oo si gaar ah ugu mahadceliyay dhaqaatiirta Isbitaal Deva oo uu sheegay in shacabkan dhaawacmay ay u fidiyeen gargaar deg deg ah.

Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya, Marwo Khadar Bashiir Cali, ayaa eebe uga bariday caafimaad dadkii Soomaaliyeed ee dhibaatadu ay gaartay, iyadoo tacsi u dirtay shacabkii iyo ciidamadii naftooda qaaliga ah ku weeyay falkii argagixiso, waxana ay sheegtay iney aad uga xun tahay wixii ka dhacay Wasaaradda Hidaha iyo Tacliinta sare oo dhibaato badan ay kasoo gaartay dad aan waxba galabsan.

Ugu danbeyn, Wasiirka Wasaaradda Shidaalka iyo macdanta, Mudane Maxamed Mukhtar Ibrahim ayaa ku tilmaamay weerarkii shalay mid ‘wuxushnimo’ kaasi argagixisada nabad-diidka ah ee Al-shabaab ay ku qaadeen Wasaaradaha Shidaalka iyo Waxbarashada isla markaana ay ku guul dareysteen isku day goodii ahaa in ay hakad galiyaan dib u dhiska qaranka. Waxaa uu ugu hambalyeeyay ciidanka geesinimada ay markiiba kusoo afmeereen weerarkaasi.

1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11

Previous Post

Todobaadka Dhirbeerista Qaranka oo Muqdisho laga xusay{SAWIRRO}

Next Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka oo laga xusay Muqdisho

Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka oo laga xusay Muqdisho

October 13, 2025
0

Iyadoo caalamku maanta u xusaysaa Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka, Soomaaliya waxay xusaysaa adkeysiga iyo geesinimada bulshada Soomaaliyeed...

๐‡๐š๐ฒโ€™๐š๐๐๐š ๐ˆ๐Œ๐… ๐จ๐จ ๐’๐จ๐จ ๐’๐š๐š๐ซ๐ญ๐š๐ฒ ๐–๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ค๐š ๐ƒ๐ก๐š๐ช๐š๐š๐ฅ๐š๐ก๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š, ๐Š๐š๐๐ข๐› ๐Šu๐ฅ๐š๐ง ๐š๐ฒ ๐˜๐ž๐ž๐ฌ๐ก๐ž๐ž๐ง ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐’๐š๐ซ๐ž ๐ž๐ž ๐ˆ๐Œ๐…

๐‡๐š๐ฒโ€™๐š๐๐๐š ๐ˆ๐Œ๐… ๐จ๐จ ๐’๐จ๐จ ๐’๐š๐š๐ซ๐ญ๐š๐ฒ ๐–๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ค๐š ๐ƒ๐ก๐š๐ช๐š๐š๐ฅ๐š๐ก๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š, ๐Š๐š๐๐ข๐› ๐Šu๐ฅ๐š๐ง ๐š๐ฒ ๐˜๐ž๐ž๐ฌ๐ก๐ž๐ž๐ง ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐’๐š๐ซ๐ž ๐ž๐ž ๐ˆ๐Œ๐…

October 13, 2025
0

Hayโ€™adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa soo saartay Warbixinta dib-u-eegista 4-aad ee barnaamijka wada-shaqaynta ah ee ay la leedahay Dowladda...

Safiirka JFS ee Dalka Yeman oo la kulmay Wasiirka Gaashaandhigga ee Dalkaas

Safiirka JFS ee Dalka Yeman oo la kulmay Wasiirka Gaashaandhigga ee Dalkaas

October 13, 2025
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Yeman, Mudane Cabdixakiim Maxamed Axmed, ayaa magaalada Cadan kulan kula yeeshay Wasiirka Gaashaandhigga ee...

Wasiirka Qoyska oo kulan la qaadatay dhiggeeda dalka Qadar

Wasiirka Qoyska oo kulan la qaadatay dhiggeeda dalka Qadar

October 13, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS ayaa kulan rasmi ah la yeelatay dhigeeda Wasiirka Qoyska ee Dowladda aan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In