Wasiirka Dhalinyaradda Iyo Ciyaaraha Xukuumadda Somaaliya Mudane Maxamed Cabdilaahi Xassan Nuux ayaa maanta Magalaadda Muqdisho Ku soo dhaweeyay Wasiirro Ka Socday maamul Goboleedyada ka jira.
Ujeedda wafdiga ay u yimaadeen Caasimadda Waxa ay tahay Sidii ay uga Qeybgali lahaayeen ,Shir ka furmi Doona Maalinta Beri ah Muqdisho oo looga Hadalayo horumarinta Isboortiga Iyo Ciyaaraha Dalka kaasi ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Dhaliyaradda iyo Ciyaaraha Dalka.
Soo dhaweynta Wafdiga kadib ayaa qeybta Nasashadda garoonka Aadan Cadde waxaa Warbaahinta kula hadlay Wasiirka Arrimaha Bulshadda iyo Ciyaaraha Maamulka Jubaland Maxamed Ibraahim Maxmed ,iyo Wasiirka Shaqadda shaqaalaha iyo Ciyaaraha Maamulka Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Axmed Abdulle , waxay si isku mid ah Ugu mahadceliyeen Wasaaradda Dhaliyaradda iyo Ciyaaraha Mas’uuliyiintooda Sida Ay ugu Soo dhaweeyeen Caasimadda Dalka.
Wasiirka Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Somaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Xasan Nuux ayaa Tilmaayay In Wasaaradda Dhaliyaradda iyo Ciyaaraha Dalka Ay ka Go’antahay Horumarinta Dalka Iyo Sidiii wada shaqeyn Buuxda u Dhexmari lahayd Maamul Goboleedyadda ka Jira Dalka.