Wednesday, July 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxwyene Xasan oo Urdun uga qeyb galaya shir looga hadlayo qatarta argagixisada

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha oo guul ku tilmaamay shirka IGAD
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo oo ku sugan Boqortooyada Urdun ayaa maanta ka qayb galaya shir  looga hadlayo qatarta kooxaha argagixisada ah ay ku hayaan caalamka.

Shirka oo ay isugu imanayaan madaxda qaar ka mid ah waddamada Afrika, sida Jabuuti, Kenya, Tanzania iyo kuwa Carabta ayaa lagu gorfeyn doonaa qaababka ugu haboon looga hortagi karo qatarta argagixisada iyo sidii la isaga kaashan karo sugidda ammaanka.

Related posts

Xildhibaanno ka tirsan Barlamaanka Soomaaliya oo Koonfur Afrika uga qeybgalaya shirka Baarlamaanada Afrika

Xildhibaanno ka tirsan Barlamaanka Soomaaliya oo Koonfur Afrika uga qeybgalaya shirka Baarlamaanada Afrika

July 29, 2026

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo Cambaareysay Xadgudubka loo geystay Masjidka Barakeysan ee Al-Aqsa

July 29, 2026

Afhayeenka Madaxtooyada Qaranka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys oo la hadlayay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa tilmaamay in shirkan uu ahmiyad u leeyahay dalalka ka qeyb galaya, waxaana uu ku saabsanyahay iskaashiga dhanka Nabadgelyada iyo isdhaagsiga qiradaha dal waliba uu u leeyahay  la dagaallanka argagixisada.

“Shirkan waxa uu ku saabsanyahay iskaashiga dhanka amniga ah oo ay yeelanyaan waddamada ka qeybgalaya iyo qaabka ugu haboon ee jawaabta deg deg ah looga bixin karo xaaladaha amni darro ee ka jirta dalalka geeska Afrika iyo dalalka ay saameeyeen dhinac argagixisada, waxaana looga hadlaya amniga guud ee dalalka caalamka iyo isdhaafsi qibrado la xiriira sida looga hortagi karo argagixisada”ayuu yiri Afhayeenka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in shirka uu ka jeediyo khudbad uu kaga hadlayo xaaladda amni ee dalka iyo qibradda ay dowladdu u leedahay la dagallanka argagixisada

 

Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Wasiirka Kalluumeysiga: “Kalluumeysato halaga caawiyo inay helaan qaboojiyeyaal”

Next Post
Wasaaradda Kalluumeysiga oo tababar u qabatay kalluumeysatada gobolka Banaadir

Wasiirka Kalluumeysiga: “Kalluumeysato halaga caawiyo inay helaan qaboojiyeyaal”

Xildhibaanno ka tirsan Barlamaanka Soomaaliya oo Koonfur Afrika uga qeybgalaya shirka Baarlamaanada Afrika

Xildhibaanno ka tirsan Barlamaanka Soomaaliya oo Koonfur Afrika uga qeybgalaya shirka Baarlamaanada Afrika

July 29, 2026
0

Shirweynaha Baarlamaanka Afrika ee (Pan-African Parliament) ayaa ka socda magaalada Midrand ee dalka Koonfur Afrika, waxaana shirka oo ay ka...

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo Cambaareysay Xadgudubka loo geystay Masjidka Barakeysan ee Al-Aqsa

July 29, 2026
0

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si kulul u cambaareynaysaa weerarka iyo gelitaanka Masjidka Barakeysan ee Al-Aqsa ee uu hoggaaminayay sarkaal Israa’iili...

Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe oo xoojinaya xiriirka labada dhinac ee Golaha Fulinta Midowga Afrika

Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe oo xoojinaya xiriirka labada dhinac ee Golaha Fulinta Midowga Afrika

July 29, 2026
0

Mudane Abdisalam Cali, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, ayaa wadahadalo labo-geesood ah la yeeshay Mudanaha Sylvie Baipo Temon, Wasiirka...

Danjire Jibriil oo xarunta Safaaradda ku qaabilay Dr. Ezekiel Mutua

Danjire Jibriil oo xarunta Safaaradda ku qaabilay Dr. Ezekiel Mutua

July 28, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Kenya, Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle, oo uu wehliyo Safiir Ku-xigeenka Safaaradda, Mudane Mukhtaar Mahad...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In