Tuesday, October 7, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland iyo saraakiil ka socotay UNHCR oo kulmay “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
April 19, 2015
in Wararka
0
Madaxweynaha Maamulka Jubbaland iyo saraakiil ka socotay UNHCR oo kulmay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley madax ka socotey hay’adda UNHCR oo ay hogaamineysey Wakiilka UNHCR ee Soomaaliya Bushra Halepota si ay ugala hadlaan arirmaha qoxootiga Kenya ee la doonayo in dib loogu soo celiyo Soomaaliya.

Axmed Islaam ayaa sheegey inay aad ugu faraxsanyihiin soona dhaweynayaan qoxootiga Soomaaliyeed ee kusoo laabanaya dalkooda, balse waxa uu ka digay in qoxootiga lasoo daabulo ayaga oo aan loo sameynin dib u dajin sax ah.

Related posts

Madaxweynaha JFS oo furay Shirweynaha 2-aad ee Iskaashiga Ururka Bulshada Bariga Afrika

Madaxweynaha JFS oo furay Shirweynaha 2-aad ee Iskaashiga Ururka Bulshada Bariga Afrika

October 7, 2025
𝐃𝐫. 𝐂𝐢𝐥𝐦𝐢 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐮𝐮𝐝 𝐍𝐮𝐮𝐫: “𝐖𝐚𝐝𝐝𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧 𝐭𝐚𝐲𝐨 𝐥𝐞𝐡, 𝐛𝐢𝐲𝐨-𝐦𝐚𝐫𝐞𝐞𝐧𝐧𝐨 𝐰𝐚𝐚𝐫𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐮𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 𝐨𝐨 𝐝𝐢𝐛 𝐮 𝐡𝐞𝐬𝐡𝐚 𝐛𝐢𝐥𝐢𝐜𝐝𝐞𝐞𝐝𝐢𝐢 𝐛𝐚𝐫𝐢-𝐬𝐚𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐢𝐢”

𝐃𝐫. 𝐂𝐢𝐥𝐦𝐢 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐮𝐮𝐝 𝐍𝐮𝐮𝐫: “𝐖𝐚𝐝𝐝𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧 𝐭𝐚𝐲𝐨 𝐥𝐞𝐡, 𝐛𝐢𝐲𝐨-𝐦𝐚𝐫𝐞𝐞𝐧𝐧𝐨 𝐰𝐚𝐚𝐫𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐮𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 𝐨𝐨 𝐝𝐢𝐛 𝐮 𝐡𝐞𝐬𝐡𝐚 𝐛𝐢𝐥𝐢𝐜𝐝𝐞𝐞𝐝𝐢𝐢 𝐛𝐚𝐫𝐢-𝐬𝐚𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐢𝐢”

October 7, 2025

Madaxda UNHCR ayaa sheegtey inay ka fikirayaan sidii ay dib u dejin sax ah ay ugu sameyn lahaayeen qoxootiga lasoo celinayo, ayada oo loo dhisayo guryo , iskuulo iyo xarumo caafimaad.

UNHCR ayaa sheegtey in dhawaan uu madaxa ugu sareeya ee UNHCR imaan doono dalka Kenya si uu kulan saddex geesood ah ula qaato Kenya, Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, si looga arrinsado qadiyadda ku aadan qaxootiga Soomaaliyeed ee dalka Kenya ku nool.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa ugu danbeyntii u sheegey Madaxda UNHCR in ay bixinayaan dhulkii ladajin lahaa qoxootiga sidoo kalena ay sugayaan amnigooda guud ahaan.

Intaas kadib madaxda UNHCR ayaa kulan xog wareysi ah la qaatey Guddiga Qaxootiga u qaabilsan Dowladda Jubbaland, kaas oo ay madax ka tahay Marwo Maryan Awcali iyo Labo guddi oo ka kala yimid qoxootiyada Dhadhaab Kenya iyo Qoxootiyada dalka Yemen oo hadda ah kuwa ugu daran.

Gudigii ka socdey Qoxootiga dalka Yemen oo ka koobnaa 3 xubnood ayaa sheegay in dalka Yemen aysan ka jirin wax nolol ah oo la sii fiirsado ee ay u baahanyihiin gurmad deg deg ah oo dadkaas lala gaaro, halka gudiga ka socdey qoxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya ay aad uga cowdeen xayiraadda lagu soo rogey Xawaaladaha Soomaalida ee ka howlgala Kenya, kuwaas oo sababey inay dad biilka dibada looga soo diri jirey ay lasoo daristo nolol la’aan baahsan, taasi oo qeyb ka ah dhibaatooyinka haysato Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool Gobolka Waqooyi barri ee dalka Kenya.

IMG_7747-480x320 IMG_7748-480x320 IMG_7750-480x320 IMG_7762-480x320 IMG_7765-480x320 IMG_7778-480x320 IMG_7781-480x320 IMG_7785-480x320 IMG_7786-480x320 IMG_7787-480x320 IMG_7789-480x320

 

 

Previous Post

Shir Gaar ah Oo Iskaashiga Amaanka Looga Hadlayay Oo Lagu Soo Gabagabeeyay Urdun.

Next Post

Ciidanka amniga oo toogasho ku dilay labo horjooge oo tirsan Al-Shabaab

Next Post
Ciidanka amniga oo toogasho ku dilay labo horjooge oo tirsan Al-Shabaab

Ciidanka amniga oo toogasho ku dilay labo horjooge oo tirsan Al-Shabaab

Madaxweynaha JFS oo furay Shirweynaha 2-aad ee Iskaashiga Ururka Bulshada Bariga Afrika

Madaxweynaha JFS oo furay Shirweynaha 2-aad ee Iskaashiga Ururka Bulshada Bariga Afrika

October 7, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furay Shirka Iskaashiga Ganacsiga Dalalka Bariga Afrika oo markii 2-aad...

𝐃𝐫. 𝐂𝐢𝐥𝐦𝐢 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐮𝐮𝐝 𝐍𝐮𝐮𝐫: “𝐖𝐚𝐝𝐝𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧 𝐭𝐚𝐲𝐨 𝐥𝐞𝐡, 𝐛𝐢𝐲𝐨-𝐦𝐚𝐫𝐞𝐞𝐧𝐧𝐨 𝐰𝐚𝐚𝐫𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐮𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 𝐨𝐨 𝐝𝐢𝐛 𝐮 𝐡𝐞𝐬𝐡𝐚 𝐛𝐢𝐥𝐢𝐜𝐝𝐞𝐞𝐝𝐢𝐢 𝐛𝐚𝐫𝐢-𝐬𝐚𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐢𝐢”

𝐃𝐫. 𝐂𝐢𝐥𝐦𝐢 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐮𝐮𝐝 𝐍𝐮𝐮𝐫: “𝐖𝐚𝐝𝐝𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧 𝐭𝐚𝐲𝐨 𝐥𝐞𝐡, 𝐛𝐢𝐲𝐨-𝐦𝐚𝐫𝐞𝐞𝐧𝐧𝐨 𝐰𝐚𝐚𝐫𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐮𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 𝐨𝐨 𝐝𝐢𝐛 𝐮 𝐡𝐞𝐬𝐡𝐚 𝐛𝐢𝐥𝐢𝐜𝐝𝐞𝐞𝐝𝐢𝐢 𝐛𝐚𝐫𝐢-𝐬𝐚𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐢𝐢”

October 7, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib-u-dhiska Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cilmi Maxamuud Nuur, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay bilaabayso...

Wasiirka Qoyska XFS oo kulan doceedyo Geneva kula qaadatay Safiiro

Wasiirka Qoyska XFS oo kulan doceedyo Geneva kula qaadatay Safiiro

October 6, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa magaalada Geneva kulamo gaar...

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo daahfuray Kormeerka Hirgelinta Mashruuca Isdhexgalka Dijitaalka Bariga Afrika

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo daahfuray Kormeerka Hirgelinta Mashruuca Isdhexgalka Dijitaalka Bariga Afrika

October 6, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Maxamed Soomaali, ayaa si rasmi ah u daahfuray Kormeerka Hirgelinta Mashruuca...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In