Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa xarunteeda dhexe ee Muqdisho ku qabatay kulan wadatashi ah oo diiradda lagu saaray qiimeynta xaaladda waddada iyo duruufaha amni ee marinka Muqdisho–Baydhabo, si loo aqoonsado caqabadaha saameeya gaadiidka gargaarka loona xoojiyo qorsheynta gaarsiinta gargaarka Banii’aadanimada si ammaan ah oo waqtigeeda ku habboon.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray habraacyada qiimeynta waddada iyo amniga marinka, iyadoo ka qaybgalayaashu ay sameeyeen layli ku saabsan ururinta iyo diiwaangelinta xogta xaaladda waddada, caqabadaha amni iyo meelaha ay ku adkaan karto isu-socodka gaadiidka gargaarka.
Kulankan waxuu qayb yahay qorshe-hawleedka iskaashiga SoDMA iyo UNICEF ee lagu horumarinayo gaadiidka iyo saadka gargaarka ee marinka Muqdisho–Baydhabo.











