Thursday, March 5, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirada Ganacsiga iyo Shaqada oo kulan soo dhaweyn ah loogu sameeyay Dalka Kuwait “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Wasiirada Ganacsiga iyo Shaqada oo kulan soo dhaweyn ah loogu sameeyay Dalka Kuwait “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Safaaradda Soomaaliya ee Kuwait oo uu hoggaaminayo Danjire Cabdulqaadir Amiin Sheekh ayaa kulan sharafeed soo dhaweyn iyo xog-isweydarsi la yeeshay Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane Cabdiraxmaan Cabdi Cismaan iyo Wasiirka Shaqada iyo arrimaha bulshada Mudane Cabdiweli Ibraahim Sheekh Muudeey, iyadoo kulanka ay goob joog ka ahaayeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Kuwait.

Danjiraha Soomaaliya ee Kuwait Mudane Cabdulqaadir Amiin Sheekh ayaa ugu horeyntii warbixin kooban kasiiyay Wasiiradda xaaladda-guud ee muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Kuwait ku nool, Isaga oo isla markaana xusay in kulankan ay safaaraddu u sameysay si ay Jaaliyadda fursad ugu helaan in ay la kulmaan Madaxda Qaranka ee Kuwait soo gaaray.

Related posts

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo soo fhaweysay Ansixinta Dastuurka Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo soo fhaweysay Ansixinta Dastuurka Soomaaliya

March 5, 2026
Guddoomiyaha SoDMA oo kulan la yeeshay bulshada ay saameynta abaarta ee G/ Mudug.

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan la yeeshay bulshada ay saameynta abaarta ee G/ Mudug.

March 5, 2026

Wasiiradda ayaa dhankooda si faahfaahsan uga hadlay waxqabadka Dowladda iyo himilooyinka Xukuumadda ee dhinacyada Amniga iyo soo nooleynta dhaqaalaha, iyadoo Wasiirka Shaqada iyo Bulshada Mudane Cabdiweli Ibraahim Sheekh Muudey uu ka warbixiyay dadaallada Wasaaraddu ee dhinaca Sharciga Shaqaalaha ajnabiga ah, iyo walaaca ay dowladdu ka qabto tirada ajaanibta dalka uga shaqeeya sida aan sharciga aheyn, waxa uuna xusay in Golaha Wasiiradda ay haatan hortaalo Hindise Sharciyeed ay Wasaaradda Shaqada soo diyaarisay, kaas oo looga hortagayo tirada sii kordheysa ee Ajaanibta loo qaadanayo shaqooyinka ay dadkeenu qaban karan, dhinacna kaabi doonta Amniga.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane Cabdiraxman Cabdi Cusman ayaa dhankiisa ka warbixiyay howlaha baaxadda weyn ee ay Xukuumaddu wado ee lagu soo celinayo xasiloonida dalka iyo haybaddii dowladnimo. gaar ahan waxa uu Jaaliyadda uga waramay Sharciga Maalgashiga dalka oo ay hadda gacanta ku hayso Wasaaradda, dhawaana soo bixi doona, isaga oo ugu baaqay Jaaliyadaha dibaddu in ay gacan ka geystan soo jiidashada maalgashiga shisheeye.

Wasiiradda ayaa sidoo kale su’aalo la xiriiro Amniga iyo Maamulka uga jawaabay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Kuwait, iyaga oo u dardaarmay in ay isku dubnaadan, isna gacansiiyan, isla markaana ay ka qeyb qaataan dib u dhiska dalka.

image-4b18fc1963774a58bfbb82212a9d3c1b012bb896f8dd6893cd902cecf834314f-V image-8b2cd9fc0af1ffb20ef086979608e8cb4ea49322d828c4cf70851419c2f875bc-V image-9b4fbe82665f1b6430bc59504449de339f794e0eb4856bae17edd52a7fb19009-V image-38a63d2ef7285f0aeaea536e006e34f75a0d801c2aa2e211520251d742071f79-V image-625fdcd9b434785c84db9775dbcd385380c6127c7dfe2c8ff2a9f0fa07f00f9f-V image-4470ac9fabc26298f03175f7fd451f18369e0e2aeba94754cd45b1d40ff9f49a-V image-521458bec0434a227144cfc55cb389df6bea629a1a4885f9371f81815783f1ca-V image-4520151972b70762193a360debffc2709b9546b2bb68d72d2fcd2bb4301c9396-V image-a0b2e55b2bbdb6a49c035f63625a3c08b0d89e2778b31d5d52c9f3b1f5f98ef5-V image-a4cb7ec4df431d951e0623209aaf37e9cfb08b201826a0d6951e2078e0ffd052-V image-b749f579fccf692ab57f362336c20585c9c6c57ae1e898d5640c0800e66985de-V image-fa09526ce808a428d8a85a9a189888b300706061dd623a3439c16f37afc0d790-V image-fcbc05607fcca1be3b17a42e731f8d536cc460025cd96ed4956ecc57b6840681-V IMG-20150421-WA0000 IMG-20150421-WA0010

 

 

Previous Post

Dhageyso barnaamijka Dhacdooyinka maanta ee Radio Muqdisho

Next Post

Mareykanka oo liiska Argagixisada ku daray Horjoogayaal ka tirsan Kooxda UGUS

Next Post
Horjooge ka tirsanaa Shabaab oo isku soo dhiibay dowladda

Mareykanka oo liiska Argagixisada ku daray Horjoogayaal ka tirsan Kooxda UGUS

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo soo fhaweysay Ansixinta Dastuurka Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo soo fhaweysay Ansixinta Dastuurka Soomaaliya

March 5, 2026
0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya ayaa soo dhoweysay ansixinta Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee dhameystirka Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan la yeeshay bulshada ay saameynta abaarta ee G/ Mudug.

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan la yeeshay bulshada ay saameynta abaarta ee G/ Mudug.

March 5, 2026
0

Guddoomiyaha Hay'adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed ayaa kulan la qaatay maamulka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool Gobolka Mudug,...

Tartamayaasha Wanlaweyn oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Wanlaweyn oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 4, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Akhriso Isku Aadka Wareegga 2-aad ee Tartanka

Akhriso Isku Aadka Wareegga 2-aad ee Tartanka

March 4, 2026
0

Akhristayaasheena sharafta leh waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa isku aadka wareegga  labaad ee tartanka

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In