Sunday, July 3, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirada Ganacsiga iyo Shaqada oo kulan soo dhaweyn ah loogu sameeyay Dalka Kuwait “SAWIRRO”

April 22, 2015
in Wararka
0
Wasiirada Ganacsiga iyo Shaqada oo kulan soo dhaweyn ah loogu sameeyay Dalka Kuwait “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Safaaradda Soomaaliya ee Kuwait oo uu hoggaaminayo Danjire Cabdulqaadir Amiin Sheekh ayaa kulan sharafeed soo dhaweyn iyo xog-isweydarsi la yeeshay Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane Cabdiraxmaan Cabdi Cismaan iyo Wasiirka Shaqada iyo arrimaha bulshada Mudane Cabdiweli Ibraahim Sheekh Muudeey, iyadoo kulanka ay goob joog ka ahaayeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Kuwait.

Danjiraha Soomaaliya ee Kuwait Mudane Cabdulqaadir Amiin Sheekh ayaa ugu horeyntii warbixin kooban kasiiyay Wasiiradda xaaladda-guud ee muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Kuwait ku nool, Isaga oo isla markaana xusay in kulankan ay safaaraddu u sameysay si ay Jaaliyadda fursad ugu helaan in ay la kulmaan Madaxda Qaranka ee Kuwait soo gaaray.

Related posts

Fanaannad Qaran Khadra Daahir Cige oo ku geeriyootay Hargeysa

Ra’iisul Wasaare Xamse oo Shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay geerida Khadra Daahir

July 2, 2022
Wasiirka Warfaafinta oo shacabka iyo bahda fanka uga tacsiyadeeyay geerida Khadra Daahir

Wasiirka Warfaafinta oo shacabka iyo bahda fanka uga tacsiyadeeyay geerida Khadra Daahir

July 2, 2022

Wasiiradda ayaa dhankooda si faahfaahsan uga hadlay waxqabadka Dowladda iyo himilooyinka Xukuumadda ee dhinacyada Amniga iyo soo nooleynta dhaqaalaha, iyadoo Wasiirka Shaqada iyo Bulshada Mudane Cabdiweli Ibraahim Sheekh Muudey uu ka warbixiyay dadaallada Wasaaraddu ee dhinaca Sharciga Shaqaalaha ajnabiga ah, iyo walaaca ay dowladdu ka qabto tirada ajaanibta dalka uga shaqeeya sida aan sharciga aheyn, waxa uuna xusay in Golaha Wasiiradda ay haatan hortaalo Hindise Sharciyeed ay Wasaaradda Shaqada soo diyaarisay, kaas oo looga hortagayo tirada sii kordheysa ee Ajaanibta loo qaadanayo shaqooyinka ay dadkeenu qaban karan, dhinacna kaabi doonta Amniga.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane Cabdiraxman Cabdi Cusman ayaa dhankiisa ka warbixiyay howlaha baaxadda weyn ee ay Xukuumaddu wado ee lagu soo celinayo xasiloonida dalka iyo haybaddii dowladnimo. gaar ahan waxa uu Jaaliyadda uga waramay Sharciga Maalgashiga dalka oo ay hadda gacanta ku hayso Wasaaradda, dhawaana soo bixi doona, isaga oo ugu baaqay Jaaliyadaha dibaddu in ay gacan ka geystan soo jiidashada maalgashiga shisheeye.

Wasiiradda ayaa sidoo kale su’aalo la xiriiro Amniga iyo Maamulka uga jawaabay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Kuwait, iyaga oo u dardaarmay in ay isku dubnaadan, isna gacansiiyan, isla markaana ay ka qeyb qaataan dib u dhiska dalka.

image-4b18fc1963774a58bfbb82212a9d3c1b012bb896f8dd6893cd902cecf834314f-V image-8b2cd9fc0af1ffb20ef086979608e8cb4ea49322d828c4cf70851419c2f875bc-V image-9b4fbe82665f1b6430bc59504449de339f794e0eb4856bae17edd52a7fb19009-V image-38a63d2ef7285f0aeaea536e006e34f75a0d801c2aa2e211520251d742071f79-V image-625fdcd9b434785c84db9775dbcd385380c6127c7dfe2c8ff2a9f0fa07f00f9f-V image-4470ac9fabc26298f03175f7fd451f18369e0e2aeba94754cd45b1d40ff9f49a-V image-521458bec0434a227144cfc55cb389df6bea629a1a4885f9371f81815783f1ca-V image-4520151972b70762193a360debffc2709b9546b2bb68d72d2fcd2bb4301c9396-V image-a0b2e55b2bbdb6a49c035f63625a3c08b0d89e2778b31d5d52c9f3b1f5f98ef5-V image-a4cb7ec4df431d951e0623209aaf37e9cfb08b201826a0d6951e2078e0ffd052-V image-b749f579fccf692ab57f362336c20585c9c6c57ae1e898d5640c0800e66985de-V image-fa09526ce808a428d8a85a9a189888b300706061dd623a3439c16f37afc0d790-V image-fcbc05607fcca1be3b17a42e731f8d536cc460025cd96ed4956ecc57b6840681-V IMG-20150421-WA0000 IMG-20150421-WA0010

 

 

Previous Post

Dhageyso barnaamijka Dhacdooyinka maanta ee Radio Muqdisho

Next Post

Mareykanka oo liiska Argagixisada ku daray Horjoogayaal ka tirsan Kooxda UGUS

Next Post
Horjooge ka tirsanaa Shabaab oo isku soo dhiibay dowladda

Mareykanka oo liiska Argagixisada ku daray Horjoogayaal ka tirsan Kooxda UGUS

Fanaannad Qaran Khadra Daahir Cige oo ku geeriyootay Hargeysa

Ra’iisul Wasaare Xamse oo Shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay geerida Khadra Daahir

July 2, 2022
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa Ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay geerida ku timid Marxuum Khadra Daahir...

Wasiirka Warfaafinta oo shacabka iyo bahda fanka uga tacsiyadeeyay geerida Khadra Daahir

Wasiirka Warfaafinta oo shacabka iyo bahda fanka uga tacsiyadeeyay geerida Khadra Daahir

July 2, 2022
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Soomaaliya mudane Cismaan Abuukar Dubbe ayaa shacabka Soomaaliyeed iyo Bahda Faniinta uga tacsiyadeeyay geerida...

Fanaannad Qaran Khadra Daahir Cige oo ku geeriyootay Hargeysa

Fanaannad Qaran Khadra Daahir Cige oo ku geeriyootay Hargeysa

July 2, 2022
0

Allaha u naxariistee Fanaannad Qaran Khadra Daahir CIge ayaa caawa ku geeriyootay magaalada Hargeysa kaddib xanuun maalmahan hayay. Maxamed Xasan...

Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka oo tababarr u soo xirey qaar ka mid ah shaqaalaha dowladda

Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka oo tababarr u soo xirey qaar ka mid ah shaqaalaha dowladda

July 2, 2022
0

Waxaa maanta Dugsiga Maareynta iyo Maamulka Guud (School of Management and Public Administration) ee Jaamacadda Ummadda si habsami leh ugu...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In