Sunday, September 6, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Gobolka Sh/dhexe Oo Kormeer Howleed Ku Tagay Wado Dayactir Uu Ka Socdo “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Gobolka Sh/dhexe Oo Kormeer Howleed Ku Tagay Wado Dayactir Uu Ka Socdo “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Cali Guudlaawe Xuseen ayaa ugu baaqay wasaarada gaadiidka cirka iyo dhulka iyo jaaliyada gobolka Sh/dhexe ee caalamka ku nool inay ka qeybqaataan dayactir lagu sameynayo wadadka isku xirta degmada Jowhar iyo Balcad.

Cali Guudlaawe Xuseen Guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe ayaa baaqan ka jeediyay mar uu booqday heerka uu marayo dayactir lagu sameynayo wadada laamiga ah ee isku xira magaalada Jowhar iyo magaalada Balcad.

Related posts

Wasaaradda  Duulista Hawada JFS oo Raalligelin ka Bixisay Dhacdadii Shirkadda Salam Air, Ballanqaadayna Tallaabooyin Sharci ah

Wasaaradda Duulista Hawada JFS oo Raalligelin ka Bixisay Dhacdadii Shirkadda Salam Air, Ballanqaadayna Tallaabooyin Sharci ah

September 6, 2026
DOWLADDA SOOMAALIYA OO SI ADAG U CAMBAAREYNEYSA SOO NOQOSHADA BURCAD-BADDEEDKA, UNA YEERTAY ISKAASHI IYO TAAGEERO CAALAMI AH.

DOWLADDA SOOMAALIYA OO SI ADAG U CAMBAAREYNEYSA SOO NOQOSHADA BURCAD-BADDEEDKA, UNA YEERTAY ISKAASHI IYO TAAGEERO CAALAMI AH.

September 6, 2026

“Waxaan ugu baaqayaa wasaarada gaadiidka cirka iyo jaaliyada gobolka ee ku nool dibada inay ka qeybgalaan dayactirka lagu sameynayo wadada maadaama ay wadada ay tahay mid muhiim u ah isu socodka gaadiidka caasimada dalka iyo gobolada dhexe ee dalka.” ayuu yiri guddoomiye Guudlaawe.

Dayactirka lagu sameynayo wadada laamiga ah oo ah waddo aad u burbursan ah ayaa waxaa iska kaashanaya maamulka gobolka Sh/dhexe iyo gaadiidleyda gobolka iyadoo halka lagu sameeyay dayactirka ay tahay mid gaadiidka u fududeeyay maritaanka.

Maamulka gobolka Sh/dhexe ayaa waxaa hore uu dayactir ugu sameeyay wadada u dhexeysa magaalada Jowhar iyo deegaanka Kongo oo qiyaastii 6km u jirta magaalada Jowhar.

Wadada isku xirta degmada Jowhar iyo degmada Balcad ayaa burbur xoog leh uu ka jiraa iyadoo aysan wadadu dayactir wanaagsan helin muddo kabadan 40 sano, waxana gaadiidku ay dhibaatada wadada dareemaan xilliyada ay roobabku da’ayaan ee guga iyo deyrta.

dayactir-waddo-2 dayactir-waddo-3 dayactir-waddo-4 dayactir-waddo-6 dayactir-waddo-7 dayactir-waddo-8 dayactir-waddo-9 Gu

Xuquuqda Sawirada Waxaa Iska Leh Jowhar.com

Previous Post

Dhageyso barnaamijka Dhacdooyinka maanta ee Radio Muqdisho

Next Post

Dhageyso Warka Subaxnimo Ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subaxnimo Ee Radio Muqdisho

Wasaaradda  Duulista Hawada JFS oo Raalligelin ka Bixisay Dhacdadii Shirkadda Salam Air, Ballanqaadayna Tallaabooyin Sharci ah

Wasaaradda Duulista Hawada JFS oo Raalligelin ka Bixisay Dhacdadii Shirkadda Salam Air, Ballanqaadayna Tallaabooyin Sharci ah

September 6, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Gaadidka iyo Duulista Hawada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (M Hon. Mohamed Farah Nouh, ayaa si buuxda uga raalli-galiyey...

DOWLADDA SOOMAALIYA OO SI ADAG U CAMBAAREYNEYSA SOO NOQOSHADA BURCAD-BADDEEDKA, UNA YEERTAY ISKAASHI IYO TAAGEERO CAALAMI AH.

DOWLADDA SOOMAALIYA OO SI ADAG U CAMBAAREYNEYSA SOO NOQOSHADA BURCAD-BADDEEDKA, UNA YEERTAY ISKAASHI IYO TAAGEERO CAALAMI AH.

September 6, 2026
0

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u cambaaraynaysaa soo noqoshada falalka burcad-badeednimada ee ka dhacaya xeebaha Puntland ee Soomaaliya. Tan...

TALIYAHA CIIDANKA XOOGGA DALKA OO BOOQDAY TALISKA QAYBTA 1-AAD EE GORGOR

TALIYAHA CIIDANKA XOOGGA DALKA OO BOOQDAY TALISKA QAYBTA 1-AAD EE GORGOR

September 6, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Guuto Ibrahim Maxamad Maxamuud ayaa maanta booqasho shaqo ku tegay Taliska Qaybta 1-aad ee Kumaandooska...

Ciidanka XDS oo howlgalo qorsheysan ka fuliyay deegaanka Madax-maroodi

Ciidanka XDS oo howlgalo qorsheysan ka fuliyay deegaanka Madax-maroodi

September 6, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Kumaandooska Danab ayaa hawlgallo qorshaysan ka sameeyay deegaanka Madax-maroodi ee Gobolka Shabeellaha Hoose, Hawlgalkan ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In