Sunday, June 22, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka Raadiyahaa

Maxaad ka taqaanaa Magefe? waa qabqable-dagaal oo Liibaayan ah oo quuta dadka tahriibka ah.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
April 25, 2015
in Wararka Raadiyahaa, Xulashada
0
Maxaad  ka taqaanaa Magefe?  waa qabqable-dagaal oo Liibaayan ah oo quuta dadka tahriibka ah.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Soomaalidu waa dad ku fiican naanays u bixinta wax walba xataa dadka.
Magaca Magafe waxa loola jeedaa mid aan waxba seegin, waana taa sababta ay magacaasi ugu yeeraan qabqablahan Liibiyaanka ah ee ka qawlaysta afduubka dadka masaakiinta ah ee ka gooshaya lamadagaanka Liibiya iyaga oo naf ka raadinaya Yurub.

Wuxuu jidka usii galaa tahriibayaasha ku socdaalaya koonfurta Liibiya isaga oo isticmaalaya dableyda u dhalatay Tauareg ee ku firarsan Lamadagaanka Liibiya oo uu ka hawlgeliyey si ay u soo qabqabtaan dadka safarka ah.

Related posts

Wasiirka Gaashaandhigga oo Hambalyo u Diray Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Munaasabadda 65-Guurada Aasaaskooda

Wasiirka Gaashaandhigga oo Hambalyo u Diray Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Munaasabadda 65-Guurada Aasaaskooda

April 12, 2025
Dowladda Aljeeriya oo soo badbaadisay tahriibeyaal Soomaaliyeed

Dowladda Aljeeriya oo soo badbaadisay tahriibeyaal Soomaaliyeed

April 12, 2025

Intaa dabadeed ayuu si sharci darro ah meel ugu xareystaa dadkii tahriibka ahaa ilaa ay ka bixiyaan lacag madaxfurasho ah si ay u iibsadaan xorriyadooda. Waa adoonsiga qarniga 21-aad!
Kolka la bixiyo madaxfurashada ayuu tahriibayaasha ka gudbiyaa lamadagaanka, marka ay gaaraan xeebaha liibiya ayaa waxa la wareega mukhalasiin kale oo markooda ka adeegta iyaga oo ku dallacaya kharashaad kale si ay uga gudbiyaan badda Mediterranean ee laga galo dalka Talyaaniga.
Hawlaha afduubka ee Magafe waa mid aad u weynaatay, sida la sheegay waxaa u shaqeeya raxan gawaarida 4×4 ah, fardo iyo xataa awr oo uu usoo iibsaday si ay u raadgoobaan tahriibayaasha ku socdaalaya saxaraha ballaaran geeri-go’anka ah ee Liibiya.

Waxa uu xukumaa maleeshiyaad badan oo Tuareg kasoo jeeda, ee ah kuwii u dagaalamay M/wenihii hore ee xukunka laga tuuray ee Liibiya Muammar Gaddafi.

Maleeshiyadaas oo deggan dhulka saxaraha ah ee Liibiya, taasoo fursad u siinaysa ciidankiisa lugta ee dhulkaas daadsan, ee u yaqaana lamadagaanka sal iyo baar, inay kasoo saaraan dadka tahriibka ah meelaha ay kusii nastaan kolka ay ku socdaalayaan saxaraha aan arxanka laheyn ee oomanaha ah ee Liibiya.

Naxariisdarrada Magafe iyo cadowtinimadiisa ku aadan masaakiinta naftooda la baxsanaysa ee musaafirka ah ayaa la leeyahay in boqolaal qof oo tahriibayaasha ay gacantiisa eebsadeen, haddii aysan ba kumanaan gaareyn, oo kolkol na dadka uu ku khaarijiyo dilal qorsheysan, isaga oo adeegsanaya jirdil iyo silcin si lacag looga dhaliyo ehelka dadka.
Haddii aad u maleysay in Magafe bahalnimadiisa intaa uun tahay baal aan eegno sida uu u galo haweenka bilicsan ee ku dhiirrada inay ka gooshaan saxaraha saxariirta leh ee Liibiya.

Dadkii iyaga oo nool kasoo badbaaday cadaabtiisa ayaa sheegay in naag walba oo uu Magafe qabto caadi ahaan ay naagtiisa noqonayso, ilaa inta laga bixiniyo madaxfurashda, uuna ula dhaqmayo adoon uu leeyahay oo kale. Shahwadiisa (qooqiisa) xad-ka-baxa ah darted ayuu maalin walba la jiiftaa 4 ilaa 5 haween, waana marka uu suuqa fiicanyahay ee ay dad badan oo tahriib ah ka gudbayaan saxaraha Liibiya iyaga oo u socda Yurub.

Waxa la sheegay in maleeshiyaadkiisa ay iyaguna kufsadaan haweenka mar Alle iyo markii ay doonaan iyaga oo xataa wax ka raadinaya (isticmaalaya) wiilasha sida ay doonaan na u faraxumeeya.

Maqalka sheekooyinka Magafe in dhawaalaba waan maqlayey haba ugu darnaato 3 sanad ee ugu dambeeyey, hayeesha waxba kama aan soo qaadin oo waxan u haystay nin iska barbaratooy (heerhoose) ah oo nolol-maalmeedkiisa ka dabaranaya dalka Liibiya ee qasan. Hayeeshee hadal-haynta magaciisa ayaa kusoo batay Soomaalida dhexdeeda siiba meelaha la isagu yimaado. Had iyo jeer ayaad maqlaysaa Sheekooyin ku saabsan Magafe intuu dad afduubrtay ku khasbaya qaraabada dadka la haysto inay bixiyaan lacago madaxfurasho ah.

Ma jiro sawir ama fiidiyow laga hayo oo na tusaya ninkan Magafe lagu magacaabo inta aan ogahay taasoo ka dhigeysa in sheekadan mururgada leh ay iska ahaato mid uun laga sheekaayo oo aan waxba laga qaban.

Waxaase iigu darrneyd isla usbaacan ayaa mid saaxiibkey ah waxa soo wacay walaakii oo u sheegay in uu Magafe u gacangalay, sidaa darteed laga bixiyo lacag madaxfurasho ah oo dhan $3000 haddii kale qudha laga jarayo.

Runtii saaxiibkey wuu dhibsaday arrinkan isaga ah sida aan fahmi karo. Qoys ahaan ayay u kulmeen khasab na ku noqotay in ay isku soo ururiyaan lacagtaa si loogu xawilo Magafe.

Waxan isku dayey inaan la hadlo Magafe isaga oo isla qabweyn, maadaama uusan English ku hadli Karin, se waxa uu ku hadli karay luuqadiisa Carabiga ee Liibiya oo keliya, laakiin malaheyga markan maqlay codkiisa xabeebta leh ayaan suuraystay wajiga Magafe nooca uu yahay. Waxa uu leeyahay waji baas oo ku naaxay ka ganacsiga dadka, oo ah adoonsiga qarnigan 21-aad!.

Haddii aad hayso xog ku saabsan Magafe, sida sawirro, video ama xog, fadlan noogu soo dir emailkan [email protected]
Waxaynu isku dayaynaa inaan helno xog walba oo Magafe ku saabsan in Alle iyo intii la helo karo, si maxkamad loogu soo taago dambiyadii uu ka galay bani’aadamnimada.

Isbaddelku waxa uu ka bilowdaa aniga iyo adiga. Aynu badbaadino sharafteena dadnimo.

W/Q Mohamud Hassan
Leverage Media Consultant

 

Previous Post

Olole Nadaafadeed oo laga sameeyay aga gaarka xarunta golaha shacabka

Next Post

Munaasabad Lagu Taageerayay Ololaha La Dagaalanka Qaadka Oo Muqdisho Lagu Qabtay

Next Post
Munaasabad Lagu Taageerayay Ololaha La Dagaalanka Qaadka Oo Muqdisho Lagu Qabtay

Munaasabad Lagu Taageerayay Ololaha La Dagaalanka Qaadka Oo Muqdisho Lagu Qabtay

Ciidanka Xoogga Dalka oo weerar lagu dhabar jebiyay Khawaarijta ka sameeyay gobol Bakool

Ciidanka Xoogga Dalka oo weerar lagu dhabar jebiyay Khawaarijta ka sameeyay gobol Bakool

June 22, 2025
0

RADIO MUQDHISHO:  Guutada 9aad ee Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgallo lagu burburiyay goobo ay ku dhuumaaleysanayeen Khawaarijta ka sameeyay deegaanno...

Duqa muqdisho oo la kulmay madaxa howlgalka xafiiska UNICEF ee Soomaaliya

Duqa muqdisho oo la kulmay madaxa howlgalka xafiiska UNICEF ee Soomaaliya

June 22, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa kulan la qaatay wafdi...

Hawlgallo ka dhan ah Khawaarijta oo ka socda gobolka Hiiraan

Hawlgallo ka dhan ah Khawaarijta oo ka socda gobolka Hiiraan

June 22, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Ciidamada Qaranka iyo kuwa xaq u dirirka dadka deegaanka ee gobolka Hiiraan ayaa maanta cadowga Khawaarijta ah ku...

Mareykanka oo duqeeyay goobaha Niyuklerka ee Iran

Mareykanka oo duqeeyay goobaha Niyuklerka ee Iran

June 22, 2025
0

RADIO MUQDISH: Ciidamada Maraykanku ayaa gantaallo culus ku garaacay xarumaha Nukliyeerka Iran ee Fordow, Natanz iyo Isfahan ,iyadoo madaxweynaha Mareykankana...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In