Thursday, September 18, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Howlaha Guud “Waxaan dib u howlgelin doonaa hay’addii Sahminta, Cabirka iyo Diiwaan gelinta Dhulka” “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
April 26, 2015
in Wararka
0
Wasiirka Howlaha Guud “Waxaan dib u howlgelin doonaa hay’addii Sahminta, Cabirka iyo Diiwaan gelinta Dhulka” “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho 25 April 2015: Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Inj. Saalax Sheekh Cismaan iyo wafdi uu hogaaminayo oo safar shaqo oo 4 cisho ku joogay dalka Turkiga ayaa Maanta dalka dib ugu laabtay.

Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Inj. Saalax Sheekh Cismaan Shir jiraa’id uu ku qabtay magaalada Muqdisho ayuu uga warbixiyay shirkii caalamiga ahaa ee Sahminta, Cabirka iyo Diiwaan gelinta Dhulka ee Caalamka oo ka dhacay magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga intii u dhexeysay 20kii ilaa 24kii bishan Abril.

Related posts

𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐖𝐚𝐱𝐪𝐚𝐛𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧-𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 (𝟐𝟎𝟐𝟐-𝟐𝟎𝟐𝟓)

𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐖𝐚𝐱𝐪𝐚𝐛𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧-𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 (𝟐𝟎𝟐𝟐-𝟐𝟎𝟐𝟓)

September 17, 2025
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

September 17, 2025

Inj. Saalax ayaa waxa uu sheegay in uu saxiixay baaq caalami ah oo markii ugu horeysay Soomaaliya ay qeyb uga noqoneyso nidaamka caalamiga ah ee sahminta, cabbirka iyo diiwaangelinta dhulka.

Waxa uu intaa ku daray Wasiirka in Soomaaliya ay gudbisay xaaladda dhulka Soomaaliya sida uu hadda yahay burburkii kadib isaga oo xusay in uu dalku lahaan jiray shuruuc iyo xeerar ku saabsan cabbirka iyo milkiyadda iyo diiwaan gelinta dhulka.

Wasiirka ayaa tilmaamay in burburkii soo maray dalka uu sababay in xaruumihii lagu keydin jiray warqadaha dhulalka ay bur-bureen, taasina ay sababtay isqabqabsi ballaaran oo dhulka ku aadan.

Wasiirka ayaa cadeeyay in Xukuumadda uu wakiilka uga yahay dhulalka iyo howlaha guud ay dhawaan dib u soo celin doonto hay’adihii sahminta, cabirka iyo diiwaangelinta iyada oo la raacayo xeerarkii ay Soomaaliya lahaan jirtay ee Umuurahaasi ku saabsanaa  islamarkaana la waafajinayo xaaladda haatan ka jirta Soomalaiya.

In ka badan 60 dowladood ayaa shirka ka qeybgalay. Waxaa kale oo shirka yimid ergo iyo khubaro 1500 kor u dhaafaya iyo 13 wasiir oo ay Soomaaliya iyo Jabuuti ka mid yihiin.

Dhanka kale, Wasiirka Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Bay’ada Turkiya iyo Wasiirka Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Dib-u-dhiska Soomaaliya ayaa si gooni ah isugu afgartay in ay iska kaalmeystaan sidii Soomaaliya looga hirgelin lahaa nidaamka sahminta, cabbirka iyo diiwaangelinta dhulka iyada oo la adeegsanayo tiknoolajiyadda ugu dambeysa ee caalamka, waxaana arrintaa iska kaashan doona khubaro Soomaali iyo Turki ah.

Inj.-Saalax-Sheekh-1 Inj.-Saalax-Sheekh-2 Inj.-Saalax-Sheekh-3

Previous Post

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Next Post

Dhageyso Barnaamijka Dhacdooyinka Maanta

Next Post
Muxaadaro ka Hadleysa Islaamka iyo Qabyaalada oo uu Caawa Sh Muxamed Macalin Axmed ku qabtay magaalada gaalkacyo

Dhageyso Barnaamijka Dhacdooyinka Maanta

𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐖𝐚𝐱𝐪𝐚𝐛𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧-𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 (𝟐𝟎𝟐𝟐-𝟐𝟎𝟐𝟓)

𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐖𝐚𝐱𝐪𝐚𝐛𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧-𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 (𝟐𝟎𝟐𝟐-𝟐𝟎𝟐𝟓)

September 17, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa booqday qaybta ay...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

September 17, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiikiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya...

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga oo kulan la qaatay Madaxa Afooyinka ee Midowga Yurub

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga oo kulan la qaatay Madaxa Afooyinka ee Midowga Yurub

September 17, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka, Axmed Xuseen Cilmi, ayaa kulan la qaatay Madaxa U Adkeysiga Afooyinka ee Midowga Yurub,...

Taliyaha CXDS iyo Guddoomiyaha SoDMA oo ka wada hadlay cimilada iyo dib-u-xoreynta dalka

Taliyaha CXDS iyo Guddoomiyaha SoDMA oo ka wada hadlay cimilada iyo dib-u-xoreynta dalka

September 17, 2025
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage, iyo Guddoomiyaha SoDMA, Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa ka wada hadlay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In