Madaxweynaha maamulka Puntalnd Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta garoonka Diyaaradaha ee magaalada Garoowe ee Caasimada Puntland ku sii sagootiyey Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo madaxwynayaasha Maamulka Koonfur-Galbeed Shariif Xassan Sheekh Aadam , Maamulka Jubba-land Axmed Maxamed Islaan iyo weftiyadii ay kala hoggaaminayeen.
Sagootinta Madaxda iyo wefdiyada la socday waxaa sidookale ka qeyb-qaatay Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Siciid Xasan Shire , Wasiiro , Xildhibaanno ka tirsan Xukuumada Puntland ,Saraakil ciidan iyo dadweyne kale oo aad u tira badan.
Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kahor intaanu kadhoofin garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe, waxaa uu halkaasi salaam sharaf kaga qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada daraawiishta maamulka Puntland iyo Kooxda Baanbeyda.
Sidookalena Madaxweynaha Maamulka Jubba Axamed Maxamed Islaan Axmed Madoobe ayaa saacad kadib ka duulay garoonka diyaaradaha ee Garoowe una anbabaxay magaalada Kismaayo ee xarunta Maamulka Jubba-land.
Madaxweynaha Dawladda Federaalka iyo Madaxweynayaasha Dawladaha Xubnaha ka ah oo maalmihii ugu dambeeyey ku sugnaa magaalada Garoowe, halkaas oo uu ka socdey shirkii madasha wadatashiga Dawladda federaalka iyo dawladaha xubnaha ka ah uuna maanta kasoo baxay war-murtiyeed lagu kala saxiixday qodobbo waxtar weyn u ah masiirka ummadda soomaaliyee
DHAMMAAD-