Xilli magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud uu ka socdo shirka maamul u samaynta Mudug iyo Galgaduud ayaa ururada Haweenku waxa ay wadaan dadaal ay kaga qaybqaadanayaan abaabulka socda.
Xubno sare oo ka tirsan Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed oo ay hogaaminayso Marwo Batuulo Sh Axmed Gaballe ayaa soo gaaray magaalada Cadaado, iyadoo maanta munaasbad soo dhawayn ah loo sameeyay, waxaana Haweenku kulankaasi ka sheegeen in loo baahanyahay doorka Haweenku inuu muuqdo.
Dahabo Axmed Carab Guddoomiye ku xigeenka ururka Haweenka ee Ximan iyo Xeeb ayaa sheegtay in munaasabadan ay u qabteen si Haweenku u muujiyaan midnimadooda iyo sida ay ugu diyaarsanyihiin inay doorkooda qaataan.
Guddoomiyaha Ururka Haweenak Qaranka Soomaaliyeed Marwo Batuulo Sh Axmed Gaballe oo dhammaadkii munaasabadda ka hadashay ayaa sheegtay in safarka ay Cadaado ku timid uu qayb ka yahay socdaalo ay gobolada wadanka ku marayso, si loo xoojiyo wadashaynta ururada Haweenka dalka.
Marwo Batuulo waxa ay bogaadisay shirka maamul u samaynta Mudug iyo Galgaduud ee Cadaado ka socda, iyadoo sheegtay inay haweenku doonayaan in qoondo loogu talagalo.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Bogaadiyey Dib ula Wareegidda Maareynta Madaxa-bannaan ee Arrimaha Xuquuqda Aadanaha
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyey tallaabada ay Soomaaliya si buuxda dib ugula soo wareegtay hannaanka...