Munaasabadan lagu daah-furayay dib u howlgalinta Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyada xafiiskeeda Cadaado, ayaa waxaa ka soo qeybgalay mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Ximan iyo Xeeb, ururada bulshada Mudug iyo Galgaduud qaarkood iyo marti sharaf kale.
Madaxa Xafiiska Baasaboorada Maxamed Xuseen Cabdi ayaa sheegay in xafiiskan markii ugu horaysay Cadaado laga furay bishii August 2012-dii, balse dib u habayn guud oo lagu sameeyay xafiiska dhexe oo hakad keentay kaddib maanta ay shaqadoodii markale dib u bilaabayaan.
Bulshada deegaanka qaarkood oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay inay aad u soo dhawaynayaan adeegga xafiiskan iyo dib u howlgelinta markale lagu sameeyay.
Madaxwaynaha Ximan iyo Xeeb Cabdulalahi Cali Maxamed Baarleex oo xafiiskan xariga ka jaray ayaa sheegay inay muhiim tahay in laga taxadaro dadka Baasaboorada qaadanaya.
Dib u hawlgalinta Xafiiska socdaalka ayaa ku soo aadaya xilli magaalada Cadaado uu ka socdo shirka maamul u samaynta Mudug iyo Galgaduud oo bulsho badan ay u baahanyihiin adeegga xafiiskan.
Maxamuud Cabdi Diirshe (Cadaado)