Guddoomiyaha degmada Kaaraan iyo ku-xigeenkiisa xagga arrimaha bulshada ee degmada ayaa maanta kormeer uu ugu kuurgalayeen xaaladaha waxbarasho ee degmada ku tegay xarumo waxbarasho oo ku yaala degmadaas.
Ujeedka kormeerka ayaa ah mid ay ugu kuurgalayeen xaaladaha waxbarasho ee Iskuulaadka degmada ku yaal iyo sidii ardayda ay uga qeyb qaadan lahaayeen isdhexgalka bulshada, iyagoo tegay labo iskuul oo kala ah Godey iyo Daallo, waxaana ay ardayda ku booriyeen sidii loo xoojin lahaa ka qeyb qaadashada ololaha nadaafadda iyo dib u dhiska degmada.
Guddoomiyaha Degmada Kaaraan Axmed Xasan Yalaxow oo kormeerka kaddib la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in u jeedka kormeerkoodu uu yahay sidii qeybaha bulshada ee degmada ay gacan uga geysan lahaayeen
“Sababaha aan iskuulaadka ku tegnay waxa ay tahay in fariimaha Maamulka aan gaarsiino ardayda, sida inay ka qeyb qaataan Nadaafadda, xoojinta amniga oo ah ahmiyad aad u muhiimsan, ayna dareemaan qiimaha uu qofkasta u leeyahay, meelaha ugu haboon ee bulshada fariinta maamulka laga gaarsiin karo ay ka midtahay goobaha waxbarashada” ayuu yiri Guddoomiyaha Degmada Kaaraan.