Guddoomiyaha G/banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Jeneral Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” ayaa Maanta Ku soo wareejiyey dhismaha iyo xafiisyada Xarunta dhexe ee Maamulka G/banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar.
Xubnaha xildhibaannada ah ee ka mid ah Guddiga Arrimaha gudaha e Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Guddoomiyaha G/banaadir uga Mahadceliyay Kaalinta Muhimka ah ee Dhismaha xaruntani oo Ka kooban 1310 xafiis iyo Hoolal Shirar Oo casri ah.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Gen Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa sheegay in xaruntani muhiimad gaar ah ay ugu fadhiso maamulka gobolka Banaadir islamarkaana lagu dhisay qarashaad ay iska jareen shaqaalaha gobolka Banaadir iyo dad muwaadiniin Soomaaliyeed ah.
Xubnaha guddiga arrimaha gudaha iyo federaalka Soomaaliya ee maanta booqday xaruntaasi ayaa wax lagu farxo ku tilmaamay in ay arkaan xaruntii Offico Governo oo sidaan loo qurxiyay islamarkaana lagu dhisay qarashaad ay leeyihiin dad Soomaaliyeed taasi oo ka dhigan in dadka Soomaaliyeed ay wax qabsan karaan islamarkaana ay ka maarmi karaan in ay wax ka sugaan gacma shisheeye.