Monday, June 16, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliyaha cusub ee booliska Soomaaliya oo xilka la wareegay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
May 6, 2015
in Wararka
0
Taliyaha cusub ee booliska Soomaaliya oo xilka la wareegay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabadan oo ahayd mid uu xilka kula waregaayay taliyaha cusub ee ciidanka booliska Soomaaliya sareeye guuto Maxamed Sheikh Xasan Xaamud ayaa maanta lugu qabtay dugsiga tababarka ciidammada booliska Soomaaliyeed ee Gen Kaahiye.

Xaflada ayaa waxaa ka qeyb galaywasiiro ka tirsan xukuumada Soomaaliya oo ay ka mid yihiin  wasiirka amniga gudaha, wasiirka kheraadka dalka, xildhibaano, xer ilaaliyaha qaranka, taliyaha ciidanka asluubta, taliyaha Ciidanka badda iyo marti sharaf kale  waxaana dhamaan mas,uuliyiinta ka qayb gashay ay bogaadiyeen taliyaha cusub.

Related posts

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka qeyb galay kulan Wacyigelin oo ku saabsan Doorashooyinka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka qeyb galay kulan Wacyigelin oo ku saabsan Doorashooyinka

June 16, 2025
Ciidamada Xoogga Dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan Bakool

Ciidamada Xoogga Dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan Bakool

June 15, 2025

Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya sareeye guuto Maxmed Xasan Xaamud  oo

xaflada hadal ka jeediyay ayaa waxaa uu balan qaaday in waxqabad muuqda uu la imandoono isla markaa waxaa uu ka codsaday saraakiisha iyo mas,uuliyiinta guud ahaan in lagu gacansiiyo xilka loo dhiibay.

Xer ilaaliyaha qaranka Soomaaliyeed dr Axmed Cali Daahir oo isna hadlay ayaa waxaa sheegay in taliyaha cusus ee loo magacaabay xilka booliska Soomaaliyeed looga fadhiyo isbadal muuqda in uu ku sameeyo ciidammada booliska.

Wasiirka cadaaladda Cabdullaahi Axmed Jaamac Ilka-jiir. Aaya hanbalyo u diray taliyaha cusub ee loo magacaabay xilka taliyaha booliska isagoo u rajeeyay in isbadal muuqda uu la imaandono waxaana uu kula dardaarmay in muhiimada koowaad uu siiyo dhismaha ciidanka iyo sugida amaanka dalka.

Ugu danbeyntii wasiirka amniga gudaha Somalia mudane C/risaaq Cumar Maxmed ayaa dardaran u jeydiiyay taliyaha cusub waxaana uu u sheegay in looga fadhiyo wax qabad dhab ah iyo hol karnimo waxaana uu ka codsaday in qorsha howleedka hadda u dagsan ciidamada booliska Soomaaliyeed uu halkaa ka amba qaado.

 

Previous Post

Dhageyso Warka Duhur Radio Muqdisho 06-05-2015

Next Post

Muungaab oo ka tacsiyeeyay geerida gudoomiye ku xigeenkii Wadajir

Next Post
Muungaab oo ka tacsiyeeyay geerida gudoomiye ku xigeenkii Wadajir

Muungaab oo ka tacsiyeeyay geerida gudoomiye ku xigeenkii Wadajir

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka qeyb galay kulan Wacyigelin oo ku saabsan Doorashooyinka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka qeyb galay kulan Wacyigelin oo ku saabsan Doorashooyinka

June 16, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa xarunta Degmada Yaaqshiid kaga qeyb galay...

Ciidamada Xoogga Dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan Bakool

Ciidamada Xoogga Dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan Bakool

June 15, 2025
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sadexdii cisho ee u dambeysay si isdaba joog ah hawlgallo amni xaqiijin ah uga fuliyey...

Madaxweyne Xasan Sheekh”Madaxda Dowladda waxaa laga rabaa inay la tashadaan shacabka oo laga dhaafo waxa ay dhibsanayaan”

Madaxweyne Xasan Sheekh”Madaxda Dowladda waxaa laga rabaa inay la tashadaan shacabka oo laga dhaafo waxa ay dhibsanayaan”

June 15, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in ay muhiim tahay in madaxda dowladda ay...

Wasiirka Caafimaadka oo ka qayb galay shir caalami ah oo looga hadlayay barnaamijka “One Health”

Wasiirka Caafimaadka oo ka qayb galay shir caalami ah oo looga hadlayay barnaamijka “One Health”

June 15, 2025
0

RADIO MUQDISHO:Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee XFS Dr. Cali Xaaji Aadam, ayaa magaalada Tunis uga qayb galay shir heer...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In