Monday, August 18, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kulan Lagu Taageeray La Dagaalanka Ololaha Joojinta Qaadka Oo Muqdisho Lagu Qabtay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
May 7, 2015
in Wararka
0
Munaasabad Lagu Taageerayay Ololaha La Dagaalanka Qaadka Oo Muqdisho Lagu Qabtay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulankani lagu taageerayay ololaha joojinta cunista qaadka iyo ka hortaga dhibaatooyinka uu bulshada ku hayo ee uu wado Abuukar Cawaale Qaad diid ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho, iyadoo ay ka qeyb galeen odayaal,waxgarad, aqoonyahanno,iyo ardayda wax ka barata Jaamacadda Al-Cimra,  waxaana kulanka soo qaban qaabiyay maamulka jaamacada  Al Cimra.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa  diirada lagu saaray  dhibaatada uu leeyahay cunista qaadka iyo ka ganacsigiisa bulshada Soomaaliyeed,  iyadoo mas’uuliyiintii ka soo qeyb galay kulanka ay  sheegeen in ay si weyn u taageerayaan ololahani lagu joojinayo  cunista qaadka maadaama la aaminsanyahay in dhibaato uu ku hayo horumarka dhaqaalaha dalka.

Related posts

Wafdi sare oo ka socda Hay’adda SoDMA oo gaaray Belad-xaawo

Wafdi sare oo ka socda Hay’adda SoDMA oo gaaray Belad-xaawo

August 18, 2025
𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗮 𝗢𝗼 𝗟𝗮 𝗫𝗶𝘀𝗮𝗮𝗯𝘁𝗮𝗺𝗮𝘆 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗮𝗱𝗮𝗵𝗮 𝗧𝗶𝗶𝗿𝗸𝗮 𝗛𝗼𝗿𝘂𝗺𝗮𝗿𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗗𝗵𝗮𝗾𝗮𝗮𝗹𝗮𝗵𝗮

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗮 𝗢𝗼 𝗟𝗮 𝗫𝗶𝘀𝗮𝗮𝗯𝘁𝗮𝗺𝗮𝘆 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗮𝗱𝗮𝗵𝗮 𝗧𝗶𝗶𝗿𝗸𝗮 𝗛𝗼𝗿𝘂𝗺𝗮𝗿𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗗𝗵𝗮𝗾𝗮𝗮𝗹𝗮𝗵𝗮

August 18, 2025

Nabadoon Faarax Cabdi Guure oo ka hadlay kulanka ayaa kula dardaarmay ardayda wax ka barata jaamacada  caalamiga ah ee Al Cimra in ay  ka  qeyb qaataan wacyigelinta bulshada ee isticmaalka maandooriyaha Qaadka.

Guddoomiyaha la dagaalanka  Qaadka  Abuukar Cawaale Qaad-diid oo ka hadlay  kulanka ayaa  ka sheekeeyay  dhibaatada  uu u leeyahay  qaadka bulshada Soomaaliyeed  Naf iyo maal.

Guddoomiyaha  Jaamacada  Caalamiga ah ee Al Cimra oo ka  hadlay kulanka ayaa  ugu mahadceliyay  Abuukar Cawaale Qaad-diid dadaalka uu ugu jiro sidii loo joojin lahaa cunista qaadka, isagoo ku booriyay ardaydu in ay ka qeyb qaataan  joojinta cunista maandooriyaha qaadaka

“waxa jaadka cuna waxa weeye dadka Soomaalida  iyo dadka  soo raaca waxaana looga qaataa Qarash badan  waxaa qaadka uu ku dambeeyaa  waa dadka Sooomaaliyeed  waxaana rajeyneynaa in ilaahay naga qabto qaadka,  waxaan idiin sheegeynaa oo kale  maalin kasta waxaa la keenaa  diyaardo qaad ah Dalkeena,  waxaana  noo gala qaataa lacago  fara badan oo doolar ah oo dadkeena ay u baahanyihiin marka anigoo ka duulaya barnaamijkani  uu wado Abuukar Qaad-diid  waan taageereynaa” Ayuu yiri Guddoomiyaha Jaamacadda Al Cimra.

Abuukar Cawaale Qaad-diid ayaa dalka ka wada olole uu kaga hortagayo cunista qaadka oo waxyeela ba’an ku haya qoysaska Soomaaliyeed, waxaana maalmihii la soo dhaafay ka scda degmooyinka gobolka Banaadir kulamo lagu xoojinayo islamarkaana lagu taageerayo ololaha la dagaalanka qaadka.

 

Previous Post

Dhageyso Warka Subaxnimo Ee Radio Muqdisho

Next Post

Howlgalo Ammaanka Lagu Xaqiijinayo Oo Beydhabo Laga Sameeyay

Next Post
Howlgalo Ammaanka Lagu Xaqiijinayo Oo Beydhabo Laga Sameeyay

Howlgalo Ammaanka Lagu Xaqiijinayo Oo Beydhabo Laga Sameeyay

Wafdi sare oo ka socda Hay’adda SoDMA oo gaaray Belad-xaawo

Wafdi sare oo ka socda Hay’adda SoDMA oo gaaray Belad-xaawo

August 18, 2025
0

Wafdi sare oo ka socda Hay’adda Maareynta Musibooyinka Qaranka ee SoDMA, uuna hoggaaminayo Agaasime Guud Cabdirashiid Maxamuud Xasan ayaa maanta...

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗮 𝗢𝗼 𝗟𝗮 𝗫𝗶𝘀𝗮𝗮𝗯𝘁𝗮𝗺𝗮𝘆 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗮𝗱𝗮𝗵𝗮 𝗧𝗶𝗶𝗿𝗸𝗮 𝗛𝗼𝗿𝘂𝗺𝗮𝗿𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗗𝗵𝗮𝗾𝗮𝗮𝗹𝗮𝗵𝗮

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗮 𝗢𝗼 𝗟𝗮 𝗫𝗶𝘀𝗮𝗮𝗯𝘁𝗮𝗺𝗮𝘆 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗮𝗱𝗮𝗵𝗮 𝗧𝗶𝗶𝗿𝗸𝗮 𝗛𝗼𝗿𝘂𝗺𝗮𝗿𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗗𝗵𝗮𝗾𝗮𝗮𝗹𝗮𝗵𝗮

August 18, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u bilaabay hannaanka la xisaabtanka...

Wasiirka Gaashaandhigga iyo Masuuliyiin kale oo gaaray Furimaha Dagaalka Shabeellaha Dhexe

Wasiirka Gaashaandhigga iyo Masuuliyiin kale oo gaaray Furimaha Dagaalka Shabeellaha Dhexe

August 18, 2025
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,oo ay wehelinayaan Xildhibaano, Taliyaha Ciidanka Dhulka, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe, saraakiil ciidan...

Ciidanka NISA oo soo bandhigay xubno katirsanaa Khawaarijta oo isku soo dhiibay dowladda

Ciidanka NISA oo soo bandhigay xubno katirsanaa Khawaarijta oo isku soo dhiibay dowladda

August 18, 2025
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka Qaranka ee NISA ee ka howlgala deegaannada Koonfur Galbeed ayaa magaalada Xudur kusoo bandhigay afar dhalinyaro ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In