Gudoomiyaha G/banaadir ahna Duqa Magaaladda Muqdisho Jeneral Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” ayaa Maanta kormeer k tagay degmada Yaaqshiid gaar ahaan jidka carafaad oo ay ka bilaabatay ololihii looga carib tirayo geedka loo Yaqano (Cali garoobka ama Geed yahuudka) kaas oo dhibaato baโan ku haya nolosha dadka iyo Bilicda Caasimadda Soomaliya.
Mashruucan logu jarayo geedkaas ayaa ka socda Dhamaan 17-ka degmo ee gobolka Banaadir, iyadoo guddoomiye โMuungaabโ uu kormeer qiimeyn ah ku sameeynayo howsha nadaafadda ah ee ka socota degmooyinka gobolka Banaadir.
โDhamaan Gudoomiyayaasha degmooyinka waxa la farayaa in Muddo kooban looga dhameeyo geedkaas lana Furo dhamaan Waddooyina Xiranโ ย ayuu yiri Gudoomiye Muungaab.
Ololahan nadaafadeed ee sida xowliga ah uga socda caasimadda dalka ayaa qeyb ah qorshayaasha uu maamulka gobolu sare ugu qaadayo bilicda iyo nadaafadda magaalada Muqdisho.