Saturday, January 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Gaashaandhigga oo dalka dib ugu soo laabtay “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Gaashaandhigga oo dalka dib ugu soo laabtay “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Difaaca Soomaaliya Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini iyo wafdi uu hoggaaminayo oo socdaal shaqo ugu maqnaa dalka Turkiga, ayaa saaka dalka dib ugu soo laabtay, iyadoo ay garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyeen saraakiil ka tirsan Ciiamadda Xogga dalka iyo masuuliyiin ka socday wasaaradda Difaaca, waxana kamid ah wafdiga Wasiirka la socday Taliyaha Ciidamadda Xogga dalka Soomaaliyeed, S/G Daahir Aaden Cilmi (Indha-qarshe).

Wasiirka Difaaca, ayaa sheegay intii uu ku sugnaa dalka Turkiga in uu kulamo la qaatay dhigiisa dalka Turkiga oo ay ka wada hadleen arimo badan oo muhiim ah kuwaasi oo ku Saabsan gaashaandhiga, ayagoona sidoo kale kawada Xaajooday sidii loo dhisi lahaa Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed arintaasina ay gacan uga gaysan lahaayeen wadanka Turkiga.

Related posts

Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay arrimo muhiim ah

Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay arrimo muhiim ah

January 9, 2026
Ciidanka Dowladda oo  cagta mariyay farriisimo ay ku sugnaayeen khawaarijta

Khawaarij lagu laayey gobolka Bay

January 9, 2026

Dhanka kale, Wasiirka ayaa sheegay intii ay ku sugnaayeen dalka Turkiga in ay ka qeyb galeen bandhig ku saabsan qalabka difaaca, waxana halkaas uu ka jeediyey khudbad ku aadan sida ay dowladda Soomaaliya mar walba diyaarka ugu tahay in ay sii xoojiso xiriirka soo jireenka ee ka dhexeeya labada dalka, isla markaana ay isaga kaashan lahaayeen Amniga iyo la dagaalanka kooxaha Argagixisada ee dhibaatooyinka ka geysta Caalamka gaar ahaan Soomaaliya.

unnamed (1) unnamed (2) unnamed (3) unnamed (4) unnamed (5) unnamed (6) unnamed (7) unnamed

 

Previous Post

Ururka isku xirka dhalinyarada (CYL) oo kulan wadatashi ah ugu qabtay Cadaado odayaal iyo dhalinyaro “sawirro”

Next Post

Madaxweynaha oo ka qeybgalay barnaamijka kulanka Todobaadka kana jawaabay su’aalo “Dhageyso+Sawirro”

Next Post
Madaxweynaha oo ka qeybgalay barnaamijka kulanka Todobaadka kana jawaabay su’aalo “Dhageyso+Sawirro”

Madaxweynaha oo ka qeybgalay barnaamijka kulanka Todobaadka kana jawaabay su'aalo "Dhageyso+Sawirro"

Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay arrimo muhiim ah

Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay arrimo muhiim ah

January 9, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa maanta oo jimce khadka taleefanka...

Ciidanka Dowladda oo  cagta mariyay farriisimo ay ku sugnaayeen khawaarijta

Khawaarij lagu laayey gobolka Bay

January 9, 2026
0

WAR-SAXAAFADEED   Ciidamada Gaarka ah ee Kumaandooska Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa xalay hawlgal qorshaysan oo beegsi ah...

Ciidanka NISA iyo kuwa Xoogga Dalka oo howlgal qorsheysan ku dilay 4 dhagarqabe oo khawaarij ah

Ciidanka Xoogga iyo Saaxiibada Caalamka oo Jubbada Dhexe ku dilay maleeeshiyaad khawaarij ah

January 9, 2026
0

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamka gaar ahaan Ciidamada Maraykanka, ayaa xalay fuliyay howlgal qorshaysan oo lala beegsaday...

Joint Statement on the illegal visit of the Israeli official to “Somaliland” Region of the Federal Republic of Somalia on 6 January 2026

Joint Statement on the illegal visit of the Israeli official to “Somaliland” Region of the Federal Republic of Somalia on 6 January 2026

January 9, 2026
0

The Ministers of Foreign Affairs of the Arab Republic of Egypt, the People's Democratic Republic of Algeria, the People's Republic...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In