Tuesday, April 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo golaha Barlamaanka ka horjeediyey barnaamijka Xukuumadiisa “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo golaha Barlamaanka ka horjeediyey barnaamijka Xukuumadiisa “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 09, May, 2015…Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cumar Cabdirashid, oo ay wehliyaan Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka mudane Maxamed Cumar Carte iyo xubno ka tirsan golaha Wasiirada ayaa maanta hortagay golaha Baarlamaanka si uu uga horjeediyo barnaamijka xukuumadiisa, isaga oo faah-faahin ka bixiyey qorshayaasha horyaala xukuumadiisa.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in arrimaha amniga ay xukuumadiisa mudnaanta kowaad ugu jirto, wuxuuna xusay in xukuumaddu diyaarsay dadaalo wax looga qabanayo amniga, kaas oo ay iska-kaashanayaan shacabka iyo dowladda.

Related posts

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka qeybgalay kulanka Nabad dhisidda

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka qeybgalay kulanka Nabad dhisidda

April 13, 2026
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika

April 13, 2026

“Amnigu waa ahamiydda koowaad ee Xukuumadda; Haddii uusan amni jirin, dowladnimo ma jiri karto. Saddexdii bilood ee lasoo dhaafay, cadowga Al-Shabaab waxay muujiyeen ficilo waxashnimo ah, iyagoo laba jibbaaray gumaadka shacabka Soomaaliyeed. Waxaa socda tababar ay qaadanayaan ciidamo kummaandoos ah kuwaas oo ka howlgali doona goobaha codowgu kaga sugan yihiin dalka. Tababarka iyo taakuleynta ciidankaas waxaan iska kaashanaya dowladda iyo saaxiibadeena caalamka” ayuu yiri RW Cumar.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka warbixiyey waxayaalah uga qabsoomay xukuumadda dhanka federaalaynta dalka iyo dhisida maamul goboleedyada.

“Federaaleynta dalka, waxaan ku faraxsanahay inuu furmay, isla markaana si habsami leh u socdo shirka maamul u sameynta Gobollada Dhexe. Shirkaas wuxuu magaalada Cadaado ka furmay 16-kii April, waxaa haatan heer gabogabo ah maraya xulista odayaasha dhaqanka ee beelaha, kuwaas oo iyana soo xuli doona ergo ansixisa dastuurka maamulkaas, kaddibna soo xuli doonta xildhibaannada baarlamaanka maamulkaas, kuwaas oo kaddibna dooran doona guddoon, Madaxweyne iyo ku xigeenno” ayuu yiri RW Cumar

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in kulankii golaha wasiirada ee dhacay 07, May, 2015, ay ansixiyeen saddex guddi oo udub dhexaad u ah xaqiijinta higsiga 2016, waxaana gudiyadaas ka mid ahaa Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka, Gudigaas oo looga fadhiyo inuu dalka u diyaariyo hannaan doorasho sanadka soo socda. Wuxuuna Ra’iisul Wasaaruhu Golaha Baarlamaanka ka codsaday inay guddiyada madaxa banaan si dhakhso ah u ansixiyaan, si waajibaadkooda shaqo ay durbadiiba u guda galaan.

Sidoo kale, Ra’iiusl Wasaaraha ayaa sheegay in qabyo tirka Dastuurka uu ka mid yahay waajibaadyada ugu waaweyn ee horyaalla Xukuumadda iyo Golaha Shacabka. “Si aan u xaqiijinno waajibkaan, waxaan sameynnay Wasaaradda Dastuurka, oo masuuliyaddeeda koowaad ay tahay inay hoggaamiso sameynta dastuur dhammeystiran oo dadka Soomaaliyeed heshiis ku wada yihiin.

Wasaaradda oo garowsan culeyska waajibaadka horyaalla ayaa is-afgarad saddex geesood ah la saxiixatay Guddiga Madaxa Bannaan ee Dibu Eegista iyo Hirgalinta Dastuurka iyo Guddiga Baarlamaanka ee Dibu Eegista Dastuurka. Is-afgaradkaas wuxuu saldhig u noqonayaa wada shaqeyn dhex marta saddexda hey’adood, oo dhammaantood ka shaqeeya qabyo-tirka dastuurka” ayuu yiri RW Cumar

Ugu danbayntii RW ayaa ka codsaday Golaha Shacabka iney dedajiyaan ansixinta shuruucda hortaala iyo gudiyada madaxa banaan oo xukuumaddu hada dhistay, si dalkaan loo gaarsiiyo iney ka dhacdo doorasho marka lagaaro Sept, 2016.

—-DHAMAAD—-

1 2 3 4 5 6 7 8

Previous Post

Muqdisho: Imtixaanka guud ee dugsiyada sare waxa uu si rasmi ah u bilaanayaa 30-ka May “SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka qeybgalay kulanka Nabad dhisidda

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka qeybgalay kulanka Nabad dhisidda

April 13, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Mudane Cabdulqaadir Cilmi, ayaa maanta ka qaybgalay kulan ku saabsan doorka...

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika

April 13, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cali ayaa kulan kula yeeshay xarunta...

Shirka Golaha Wasiirrada oo lagu meel mariyay Xeer-nidaamiyaha Cafiska Guud

Shirka Golaha Wasiirrada oo lagu meel mariyay Xeer-nidaamiyaha Cafiska Guud

April 13, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulan aan caadi ahayn, ayaa lagu ansixiyey Agaasimaha Guud ee Hey’adda Socdaalka...

Xuseen Iidow oo loo magacaabay Agaasimaha Guud ew Hay’adda Socdaalka

Xuseen Iidow oo loo magacaabay Agaasimaha Guud ew Hay’adda Socdaalka

April 13, 2026
0

Golaha Wasiiradda XJFS ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay magacaabista Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, xilkaas oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In