Xildhibaanadan maanta kormeerka ku tagay deegaanka Gidhays oo 20-Km dhinaca Koofur bari ka xiga degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa kala ahaa Xildhibaan Caasho Xaaji Cilmi, Xildhinaan Bishaaro Cabdi Garabey iyo Faadumo Cali Xasan, iyadoo uu wehliyay Madaxwayne ku-xigeenkii hore ee Ximan iyo Xeeb C/raxmaan Shaati cadde, waxaana ujeedkoodu uu ahaa u kuurgalka adeegyada bulshada sida caafimaad iyo waxbarasho ee deegaankaasi Gidhays.
Wafdiga Xildhinaabada ah waxaa deegaanka Gidhays ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin uu ka mid ahaa Guddoomiyaha golaha Baarlamanka Ximan iyo Xeeb iyo bulshada deegaanka halkaasi oo kulan uu u dhexmaray, halkaas oo uu ugu horayn ka hadlay Cali Maxamed Kadiye oo ka mid ah macalimiinta Iskuulka Gidhays.
“Wixii dayactir la’aanta Iskuulka wey muuqataa maadaama aan macalimiin ka nahay magacoodana aan ku hadlayo, waad u jeedaan ardada intaan la’eg ma haystaan Musqulo, Dayrna Iskuulku ma lahan, Waxaan leenahay marka baahidaas taagan naga gacansiiyaa, oo naloo dhisaa Musqulo iyo Dayr, Iskuul sarena naloo sameeyaa” ayuu yiri Cali Maxamed.
Guddoomiyaha Baarlamanka Ximan iyo Xeeb C/laahi Faarax Sandheere ayaa Xildhibaanada ku amaanay kormeerkooda ay ku yimaadeen deegaanka Gidhays.
“Waxaa ammaan mudan in Xildhinabadii Qaranka, iyaga oo badan oo ay hogaaminayso Xildhibaan Caasha, mahad balaaran baan idiin soo jeedinaynaa, dadka deegaankan waa dad dhaqaalohoodu hooseeyo, hadii marka ardagii dugsi sare gaaraba uu ka tago ma awoodaan meel kale inay waxbarashada ugu bixiyaan oo ay guri u kireeyaan, marka waxaan codsanayanaa in dhismaha dugsi sare nalagu taageero, inagu waxaan bixinaynaa mushaaraadka macalimiinta, meeshan waa meel qadiimi ah sidoo kale Ceelbiyood ma lahah” ayuu yiri C/laahi Faarax Sandheere
Xildhibaan Caasho Xaaji Cilmi oo ugu dambayn kulankaas ka hadashay ayaa sheegtay in ay ku dadaalayaan sidii loo caawin lahaa bulshada deegaankaasi.
“Waan dhagaysanay baahiyihiina, waxaan oranayaa inaga iyo hay’adda Iftin (oo iskuulka maamusha) waxaa noo yaala waajib ah in dib loo dhiso iskuulkan, oo aan ku dadaalno sidii ardayda ay u heli lahaayeen waxbarashada sare” ayay tiri Xildhibaan Caasho.
Maxamuud Cabdi Diirshe