Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa hadal ka jeediyay Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadanimada Soomaaliya (CHF), isagoo sheegay in madashan ay diiradda saari doonto halku-dhigga ah: “U Diyaargarowga Musiibooyinka iyo Dhisidda Adkaysiga, Xoojinta Gurmadka, Sugnaanta Biyaha iyo La-qabsiga Isbeddelka Cimilada ee Soomaaliya.”
Guddoomiyuhu wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda uu shirku u leeyahay xoojinta adeegyada Banii’aadanimada, dardargelinta u diyaar-garowga iyo gurmadka musiibooyinka, iyo mudnaan-siinta tallaabooyinka degdegga ah ee looga jawaabayo baahiyaha Banii’aadanimada ee dalka.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle wuxuu rajo ka muujiyay in shirku horseedo iskaashi iyo isku-duwid xooggan oo dhex marta Dowladda, hay’adaha Banii’aadanimada iyo dhammaan dhinacyada ay khuseyso, si loo xoojiyo gurmadka loona helo xalal waara oo wax looga qabanayo baahiyaha Bani’aadanimada ee dalka.











