Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb kusoo dhaweeyay madax ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo wafdi ka socda hay’adaha arrimaha Bani’aadanimada, oo uu hogaaminayo George Conway, Ku-xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, ahna Isuduwaha Arrimaha Banii’aadanimada.
Wafdiga ayaa sidoo kale xafiiskiisa ku qaabilay Hogaamiyaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan Axmed Xasan.
Wafdiga waxuu ka qeybgala Shirka Madasha Arrimaha Banii’aadanimada Soomaaliya (CHF), oo goordhow si rasmi ah uga furmaya caasimadda Galmudug.











