Saturday, April 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo Muqdisho ka furey xarun casri ah oo lagu tababarayo ciidammada Soomaaliya

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
DAAWO SAWIRRADA XARUN CASRI AH OO LAGU TABABARAYO CIIDAMADA
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 12 May 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidammada Qaranka, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah magaalada Muqdisho uga furey xarun cusub oo lagu tababarayo ciidammada Soomaaliya.

Dugsigan cusub oo ay maalgeliyeen, gacantana ay ku haysey Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa waxaa lagu tababarayaa dhalinyaro laga soo qorey dhammaan gobollada dalka Soomaaliya.

Related posts

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo soo magacawday Guddiga Farsamada ee Dib-u-heshiisiinta KGS

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo soo magacawday Guddiga Farsamada ee Dib-u-heshiisiinta KGS

April 11, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Isimada Puntland

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Isimada Puntland

April 11, 2026

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyey munaasabadda ayaa sheegay in hirgelinta xaruntan ay daliil u tahay sida Soomaaliya looga caawinayo dagaalka lagula jiro argagixisada iyo dib u dhiska ciidanka qaranka.

“Tani waxay daliil u tahay in dagaalka aan kula jirno cadowga Al- Shabaab uu yahay mid caalami ah oo dalalka dunida ay mar walba nagu garab taagan yihiin. Waxay kaloo tani jawaab u tahay codsi aan horey ugu jeediyey madaxda dalka Isutagga Imaaraadka Carabta oo ah inay dib u dhiska waddankeena ay taageero ka geystaan, iyagoo isla markaana naga aqbaley dalabkeena’’.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intaa ku darey in Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, ay Isutagga Imaaraadka Carabta kala hadleyso mashaariic kale oo horumarineed, kuwaas oo la shaacin doono marka la isku afgarto qaabka loo fulinayo.

Danjiraha Isutagga Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya, Mudane Maxamed Axmed Al Cusmaan oo isna halkaasi ka hadley ayaa sheegay in dowladdiisu ay ku faraxsan tahay inay kaalin ka qaadato dib u dhiska Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda, gargaarka aadminimo, dib u dhiska kaabeysaasha dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo kuwo kale.

Waxaa uu danjiraha intaa ku darey in barnaamijyadaasi la labanlaabi doono, laguna baahinayo dhammaan gobollada dalka.

Munaasabadda furitaanka xaruntan ayaa waxaa barbar-socotey qalinjebinta ilaa 300 askari oo muddo afar bilood halkaasi tababar ku qaadanayey.
Dhalinyarada uu tababarka u dhammaadey ayaa halkaasi ku soo bandhigey qaar ka mid ah xirfadaha casriga ah ee ay barteen.

Waxaa munaasabadda goobjoog ka ahaa Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cumar Carte, mas’uuliyiin ka tirsan labada gole, saraakiisha ciidammada, diblomaasiyiin shisheeye iyo marti sharaf kale.

Previous Post

Danjirihii Mareykanku u soo magacaabay Soomaaliya oo aan soo shaqo galaynin

Next Post

Guddoomiye Jawaari: “Xukuumaddu waa inay gacanta dowladda ku soo celisaa furaha 252”

Next Post
Gudoomiyaha Baarlamaanka “Haweenka Soomaaliyeed Waan Ku Ammaanayaa Doorka Siyaasadda Iyo Hormarka Dalka Ku Leeyihiin” VIDEO

Guddoomiye Jawaari: "Xukuumaddu waa inay gacanta dowladda ku soo celisaa furaha 252"

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo soo magacawday Guddiga Farsamada ee Dib-u-heshiisiinta KGS

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo soo magacawday Guddiga Farsamada ee Dib-u-heshiisiinta KGS

April 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS ayaa magacowday Guddiga Farsamada ee wada-hadalka iyo dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed. Guddigan farsamo...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Isimada Puntland

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Isimada Puntland

April 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan soo dhaweyn ah u sameeyay isimada Puntland, oo ay...

Wafdi ka socda Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo ka qaybgalay Shirka Arrimaha Bariga Africa

Wafdi ka socda Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo ka qaybgalay Shirka Arrimaha Bariga Africa

April 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wafdiga ka socday Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ee ka qeybgalay shirka Arrimaha Bariga Afrika ee ay martigelisay Jaamacadda Yangzhou ayaa...

Dowladda Soomaaliya oo dib dalka ugu soo celinaysa 400 Muwaadiniin Soomaaliyeed oo sugan Libya

Dowladda Soomaaliya oo dib dalka ugu soo celinaysa 400 Muwaadiniin Soomaaliyeed oo sugan Libya

April 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cali, ayaa kulan wadatashi ah la yeeshay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In