Friday, January 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shir looga hadlayay oo ammaanka oo lagu qabtay Garowe

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
kulan looga hadlayay daryeelka caruurta darbi jiifka ah oo Garoowe lagu soo gabagabeyay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shir looga hadlayo ammaanka ayaa maanta ka furmay magaalada Garoowe, kaasoo ay ka soo qeyb galeen ururrada bulshada, culimaa’udiinka iyo masuuliyiin uu ka mid ahaa madaxweyne ku-xigeenka Puntland.

Guddoomiyaha baarlamaanka Puntland ayaa ugu horreyn faah faahin ka bixiyey shirkaas.

Related posts

Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay arrimo muhiim ah

Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay arrimo muhiim ah

January 9, 2026
Ciidanka Dowladda oo  cagta mariyay farriisimo ay ku sugnaayeen khawaarijta

Khawaarij lagu laayey gobolka Bay

January 9, 2026

“Shirkaan waxa loo qabtay waa shabaab in lala diriro, marka  inaga iyo shabaab ma dirirsannahay mise heshiis baa naga dhaxeeye arrintu ma joogto,  shabaab waan dagaalsannay heshiisna nagama dhaxeeyo. lkn haddii wax naga qaldanyihiin shacabka ha ahaato ama dawladda ha ahaatee waa la is baraarujinayaa”.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Abdullaahi Cumar Camay oo ka hadlay shirkaas ayaa bulshada ku baraarujiyey inay dawladda kala shaqeeyaan nabadgelyada.

“Weligeen baan isku tashanjirnay waana isku tashandoonnaa, waxaana hubaa inaan ka adkaandoonno iyaga, waxaase loo baahanyahay midnimo inayu yeelanno,midnimaduna ay noqoto inagana qabqabashada iyo laynta noo daaya, idinkaga sheegista iyo far fiiqa aan idiin dayno”.

Wasiirka Amniga Puntland Xasan Cismaan Alloore ayaa isna ka hadlay shirkaas, isagoo wax ka xusay sifooyinka argagixisada iyo dadka u adeega.

“Argagixisadu waa urur aan wax xurmo ah u hayn diin, dhaqan,  sharaf iyo wax kasta oo bulshadu ay qadarin u hayso, su’aashu waxay tahay yey adeegsadaan? waxay adeegsadaan dadka sifooyinkaan leh, kuwa gooni socodka ah, dadka cuqdadaha qaba, kuwa noloshu ku adkaatay, dhalin yarada shaqo la’aanta ah, dambiilayaasha, kuwa waxbarashada ka saaqiday iyo kuwo la mid ah”.

Taliya ciidanka difaaca Puntland Siciid maxamed Xirsi ayaa mar uu ka hadlayey dagaalka ay ciidamada Puntland la galeen Argagixisada wuxuu yiri.

“Ciidamada Puntland laga soo bilaabo 2010 ilaa hadda oo ah 2015 waxay guluf dagaal ku qaadeen ayna cagta mariyeen deegaanadii iyo goobihii ay ku sugnaayeen , mar kastana waxay diyaar u yihiin inay ku filnaadaan difaaca dalka”.

Shirkaan ayaa socondoono muddo laba maalmood ah, wuxuuna kusoo beegmayaa xilli deegaanada Puntland laga dareemayo dhaq dhaqaaqyo lagu adkaynayo ammaanka.

Previous Post

Guddoomiye Jawaari: “Xukuumaddu waa inay gacanta dowladda ku soo celisaa furaha 252”

Next Post

Dhageyso warka habeennimo ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Dhageyso warka habeennimo ee Radio Muqdisho

Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay arrimo muhiim ah

Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay arrimo muhiim ah

January 9, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa maanta oo jimce khadka taleefanka...

Ciidanka Dowladda oo  cagta mariyay farriisimo ay ku sugnaayeen khawaarijta

Khawaarij lagu laayey gobolka Bay

January 9, 2026
0

WAR-SAXAAFADEED   Ciidamada Gaarka ah ee Kumaandooska Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa xalay hawlgal qorshaysan oo beegsi ah...

Ciidanka NISA iyo kuwa Xoogga Dalka oo howlgal qorsheysan ku dilay 4 dhagarqabe oo khawaarij ah

Ciidanka Xoogga iyo Saaxiibada Caalamka oo Jubbada Dhexe ku dilay maleeeshiyaad khawaarij ah

January 9, 2026
0

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamka gaar ahaan Ciidamada Maraykanka, ayaa xalay fuliyay howlgal qorshaysan oo lala beegsaday...

Joint Statement on the illegal visit of the Israeli official to “Somaliland” Region of the Federal Republic of Somalia on 6 January 2026

Joint Statement on the illegal visit of the Israeli official to “Somaliland” Region of the Federal Republic of Somalia on 6 January 2026

January 9, 2026
0

The Ministers of Foreign Affairs of the Arab Republic of Egypt, the People's Democratic Republic of Algeria, the People's Republic...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In