Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

 Soomaali Ka Carartay Colaada Yemen Oo Gaaray Boosaaso “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
 Soomaali Ka Carartay Colaada Yemen Oo Gaaray Boosaaso “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dekadda magaalada Boosaaso waxaa ku soo xiratay doon waday qaxooti badan oo Soomaaliyeed,  oo ka soo cararay dagaalada ka socda dalka Yemen, iyagoo ay ka muuqato dhibaatooyin xaga nolosha ah.

Dadkani maanta gaaray Boosaaso oo Tiradoodu ahayd 1,723 ruux oo kala ahaa; 763 oo caruur ah, 581 oo Haween ah iyo 379 oo Rag ah ayaa waxaa ka muuqday diif iyo daal, kuwaasi oo kasoo kala baxay magaalooyinka Sanca, Cadan, Ticish iyo Mukallah.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Soo dhaweynta Dadka Soomaaliyeed ee ka soo cararay Dagaalada Yemen ayaa waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay Mas’uuliyiin maamulka Puntland gaar ahaan Mas’uuliyiinta maamulka gobolka Bari iyo kan magaalada Boosaaso.

Qoxootiga maanta gaaray Boosaaso oo qaarkood la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay inay dhibaatooyin badan las oo kulmeen intii ay ku soo jireen badda, iyadoo qaarkood ay sheegeen in tobaneeyo qof ay ku dhex-dhinteen doonida, waxaana sida Sawirada aad ka arkeysaan ku jira Dad da’ah iyo caruur ay ka muuqato Diif.

Sidoo kale  Dadkii maanta  gaaray magaalada Boosaaso ayaa  warbaahinta u sheegay in xaaladda Yemen ay aad u Xumaatay, iyagoo sheegay in ay ku noolyihiin dadkii ay ka soo tageen dhibaatooyin badan oo aan la soo koobi karin qaarkood xitaa aysan heysan qarashaad doon ay ku soo raacaan.

“Maalin walba waxaan saf u galaynay shan xabo oo Muufo ah si aan aniga iyo caruurteyda ugu noolaano, biyo ma jiraan, guryaha ayaan ku Xirnayn; duqeyntuna waxay ahayd habeen iyo maalin, waxaan go’aannsanay inaan dib ugu soo laabanno dalkenna,” ayay tiri Laylo oo warbaahinta kula hadashay Boosaaso.

Dadka Soomaaliyeed ee Ku nool Dalka Yemen oo ay colaada ka jiraan ayaa waxaa halkaasi ku heysta dhibaatooyin kale duwan oo ay ugu horeyso mida Nolosha iyo tan hoyga, waxaana dadkaasi badankoodu ay yihiin kuwa aan ka soo baxsan karin colaadahaasi sababa la xiriira qarashaadka doomaha ay ku soo raacayaan oo aynan heysan, walow dadkaasi qaarkood ay ka soo baxsadeen colaadahaasi, Waxaana Dowladda Soomaaliya ay dadaal ugu jirtaa sidii muwaadiniintaasi ay ugu soo samata bixin laheyd dhibka ka jira wadanka Carbeed ee Yemen.

Qax1 Qax2 Qax3 Qax4 Qax5 Qax6 Qax7 Qax8 Qax9 Qax10 Qax11 Qax12 Qax13 Qax14 Qax16

Previous Post

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Next Post

Dhageyso barnaamijka Dhacdooyinka Maanta ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso barnaamijka bandhigga wareysiyada ee ka baxa Radio Muqdisho

Dhageyso barnaamijka Dhacdooyinka Maanta ee Radio Muqdisho

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In